Wasiirka Gaashaandhiga S/Land Oo Qiray In Xukuumadu Ogolaat ay Shirka Taleex Ee Maamul Goboleedka Lagaga Dhawaaqay, Sheegayna Inay Talaabo Dagdag Ah Qaadayaan

 


 


“Qalinkaa Loogu Duugay Oo Fasaxbaa Loo Siiyey, Ninka Godkiisa Biyo Ugu Galeen Taariikhda Sheegi Doonta, Shirka Taleex-Na Waxba Naguma Seegayaan”

Hargeysa (TNN) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa qiray in xukuumadu ogolaatay shirka Taleex ee maamul goboleedka lagaga dhawaaqay, kaas oo sheegay in Ergo badan oo shirkaas ka qaybgashay ay Madaarada dalka ay si nabad ah uga soo dageen, isla markaana ay si nab ad ah u dhexmareen Magaalooyinka Somaliland.

Cadami waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf uu xalay khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay mawqifka dhabta ah ee xukuumadda Somaliland, tibaaxayna inay diyaarinayaan qorshihii lagu wajihi lahaa shirkaas.

Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo talaabada ugu horaysay ee shirkaa Taleex ka qaadayaan xukuumad ahaan. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya mawqifka xukuuma da ee shirkaas, waxa uu yidhi “Hadii aad mawqifkayaga shirkaas aad i waydiisay oo aad afkayga ka ra bto, meeshaas shirbaa ka socday mudooyinkanba oo kolba dib u dhacayey oo aakhirkii furmay, iska daa dadka halkaas joogaye niman kale oo siyaasiyiin ah ayaa dibada ka yimid oo shirkaa ka qaybgalay.

 Qadiyadan hada taagan Somaliland markii hore meelbay ka taagnayd oo waxa la lahaa waa beel tasha naysa oo Masiirkeeda ka tashanaysa oo aayaheeda ka tashanaysa arintaasna xaqbay u leedahay bee shaasi oo waa la soo dhaweeyey, isla markaana waxa la yidhi wixii qaranimada khatar ku ah ma aqba layno. Qaar ka mid ah Masuuliyiinta shirkaas ka qaybgalay qaar badan oo ka mid ahi Madaaradeena si wanaagsan oo nabad ah ayey uga soo dageen oo dhexdeena ayey si nabada u dhexmareen oo aanay cid wax u gaysatay jirin. Markaa waxaan aaminsanahay wanaaga waxa lagaga jawaabaa wanaag, xumaantana waxa lagaga jawaabaa xumaan, mudo dheer ayaanu maqlaynay waxanaa la samaynayaa iyo maamulbaa la samaynaya, anaguna arimahaas dhagta lamaanu sii raacine ee si nabada wax walba u abaara ayuu qorshahaygu ahaa”.

Axmed Xaaji Cali isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlaya mawqifka xukuumada, waxa uu yidhi “Anagu laba dawladood oo isku dhexjira ma nihine mawqifkayagu waa kii uu caawa Tv-ga ka sheegayey Wasiir ka Daakhiligu, waana mawqif cad oo aan war-wareeg iyo Diplomasiyad aan lagu qarinayn ee wax ala wixii maamul sheeganaya ee gooni isku taaga Somaliland ka soo horjeeda dawladu ma aqbalayso, wax k asta oo aanu arintaas kaga hortagayno-na waanu samaynaynaa”.

Wasiirka gaashaandhiga Cadami mar uu ka hadlayey mawqifka ay markii hore xukuumad ahaan ka taag naayeen shirkaas, waxa uu yidhi “Qalinkaaba loogu duugay oo Fasaxba loo siiyey beeshaasi inay shirk aa qabsato oo la ismana hortaagin, Somaliland-na waa maamul hore heshiis loogu ahaa, isla markaana xuduudo iyo calaamado ayaa jira markaa waa kuwaas kuwa aan dhinacna loo dhaafi Karin, khaladka iyo saxuna xuduud ayey leeyihiin markaa wixii xuduuda soo dhaafa ee jiritaanka qaranimada taabanaya cid feebar ka galaysaa ma jirto oo shacbi waynaha Somaliland-na waynu ognahay mawqifka cad ee ay arin taas ka qabaan, dawladuna mawqifkaa shacabkeeda mid la mid ah ayey taagan tahay”.

Axmed Xaaji Cali Cadami mar uu difaacayey xukuumada uu ka tirsan yahay, waxa uu yidhi “Yaa kugu yi dhi xukuumadu talaabo ay qaaday ma jirto?, ma waxaad naga rabtaa inaanu wax walba banaanka soo dhigno oo aanu nidhaahno baabuur ayaanu shidaal ku shubnay?, dawladu wixii ay qabanayo iyada oo aan dad iska dhaadhicinaynin oo aan cuqdad qabin oo ha lagugu jeclaado iyo ha lagugu naco aan qabin ayey tahay waajibkeeda oo ay arimahaas wax ka qabanaysaa sida ugu dhakhsaha badan”.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cadami mar wax laga waydiiyey sida uu u arko nin sheegtay inuu Madaxwayne u yahay maamul la magacbaxay Awdal State oo dibada wareega oo Xamar si wayn loogu soo dhaweeyey, waxa uu yidhi “Ninkaas Xamar ka dagay intaas aad ka maqashay ayaan ka maqlay oo warbaahinta ayuun baan warkaas ka maqlay, Xamar-na maan joogin kaagamana dhawi, hadii UN soo dhawaysay iyo hadii cid kale soo dhawaysayba waxa aan u arkayaa wax aanu Alle wax ka taqabalaynin oo nin inta uu cumaamad iska qaato Soomaaliwayn u tagaa Masiirka Awdal waxba kama badali karo. Hadii ninkaas iyo cida la socotaaba ay doonayso inay intaas Muqdhisho wax kaga soo qaataana waa wax iska fudud oo waa mid ninkaas iyo waxa la socda u taala, in dadka Dhiigooda la xalaashado oo wax lagu cuno waa caadooyin xunxun oo hada bilaabmay. Mawqifka reer Awdal-na waa mid la ogyahay had ii ay noqon lahayd siyaasi ama xildhibaan ilaa Madaxwayne, markaa wax uu yeelo karo shaqsi danayste ah oo ku shaqaysanaya qadiyad ummad ka dhaxaysaa ma jirto”.

Cadami mar uu ka jawaabayey fashilaad xukuumada lagu eedeeyey, waxa uu yidhi “Taariikhda ayaa ka la sheegi doonta ninka godkiisa biyo ugu galeen iyo ninka godkiisa dab ugu galayba, Maamulka Taleex lagaga dhawaaqayna waxbaa idinku seegay ma qabno dawlad ahaan, ilaa iyo imika iyo ilaayo wakhtiy adii horeba talaabo talaabo ayaanu ula soconaa waxyaabaha meesha ka socda, kolba xilka cid baa hay sa hadii aynu wada siyaasi noqono-na oo wada Madaxwayne iyo Wasiir noqono waynu wa reeraynaa oo fawdo ayaa dhacaysa. Waxaana fiican in dadkeenu ku iimaan qabaan dadka xilka u hayo oo uga dhuun daloola ninka suuqa ka dhaw dhaw leh, markaa waxaan leeyahay dawladda ayaa loo igmaday siyaasadiiye ha loo daayo”.
 

 

Timacade News