Wasiirka Ganacsiga Oo Dhaliilay Nidaamka Ganacsiga Dalka soo bandhigay qorshe cusub

 



Hargeysa (TNN):- Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-geshiga Caalimiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa faahfaaahin ka bixiyay nidaamka kala xadaynta oo wasaaraddiisu dhawaan s oo saartay, waxaanu sheegay inay jiraan ganacsato dibadda alaabooyinka ka soo waari da, isla markaana ay haddana tafaariiqeeya, taas oo uu tilmaamay in aanay faa’iido ugu jirin dhaqaalaha dalka.

Wasiirka oo shalay shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Arrinta kala xadaynta ganacsiga waa arrin muhiim ah oo ka mid ah arrimaha gan acsiga ee u baahan in la hagaajiyo, waxaanu qaadanay go’aan ah in ganacsigu u baahan yahay kala xadayn, imika waxaa jira ganacsato dibadda wax ka soo waarida oo tijaar ah, isla markaana ay wadaan qaarkood hawlihii tafaariiqda, arrintaasina maaha mid dalka fa  a’iido u leh dhaqaalihiisa iyo horumarkiisaba.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-geshiga Caalimiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la waydiiyay waxa uu ku soo kordhiyay muddadii saddexda sanno ahayd ee uu Wasaaraddaasi joogay waxa uu ku jawaabay. “Waxaan bilaabay markii aanu ahayn xisbiga mucaaridka oo aan u qaabilsanaa arrimaha dibadda oo aan isleeyahay guulo badan ayaad xisbiga iyo dalka u so o hoysay, waxaana guulahaasi qayb wayn ka qaatay guushii xisbiga Kulmiye ku guulaystay tartankii doorashada madaxtanimada dalka, siyaasaddii aanu jeexnayna waxaa ka mid aha a in dalka aanu ka saarno go’doonkii siyaasaddeed, waxaan filayaa saddexdaa sannadood xadhko fara badan oo siyaasaddeed oo ku aadan qaddiyada ictiraaf-raadinta Somaliland ayaan xidhay.”
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland