Wasiirka Hawlaha Guud oo sheegay Boorame inay u tageen taageeradda qadiyada Somaliland iyo Canbaaraynta Awdal-state

 



Boorama(TNN)-Wefti ka socda Xukuumadda iyo Golayaasha Baarlamanka Somaliland ayaa gaadhay shalay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, halkaasoo ay u tageen hawlo shaqo aan la shaacin mudada ay qaadanayso.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka Somaliland Md. Ismaa ciil Muumin Aare, waxa xubno ka ah Wasiirka Dib u dejinta Md. C/Risaaq Cali Cismaan, Wa siir Ku xigeenka waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida, Agaasimeyaal guud iyo masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha dawliga ah oo dhammaantoodba ka soo jeeda gobolka Awdal.


Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka Somaliland prof. Ismaaciil Muumin Aare oo wax laga weydiiyay ujeedada socdaalkooda Gobolka Awdal ayaa sheegay inay Kormeer caadi ah ku soo marayaan Deegamada Gobolka,socdaalkooduna qeyb ka yahay kormeero joogto ah oo ay xukuumaddu ku tagto gobolada dalka wakhti kasta.

Prof. Aare waxa kale oo uu sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo xog ogaal u noqosha da xaalada guud ee gobolada Awdal iyo Salal waxaanu tilmaamay inay mudada ay joogaa n goboladaasi ay kulamo la yeelan doono maamulka gobolada, degmooyinka, madax dha qameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku dhaqan, kuwaasoo uu tibaax ay inay kala hadlayaan sidii ay u dardar gelin lahaayeen Doorka ay ku leeyihiin Horumarin ta Bulshada iyo kor u qaadida amniga Goboladaasi.

Wasiirka ayaa sidoo tilmaaamay inay dadweynaha gobolka Awdal kala hadlaan sidii ay u soo taageeri lahaayeen qadiyad Somaliland oo ay iskaga fogayn lahaayeen dhawaaqa ka soo yeedhay kooxaha qurbo joog ah ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuwaasoo muddoo yinkan dambeba ku hawlanaa Maamul ku sheeg lagu magacaabo Awdal-state.


weftigan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Gobolka Awdal loo diro saddexdii bilood ee ugu dambeeyay, waxaana hore Socdaalo noocan oo kale ah ku wefti uu Hogaaminayo Madax weyne ku-xigeenka Somaliland oo muddo halkaasi ku sugnaa, weftigaasoo intii ay halkaasi joogeen kulmo gooni gooni ah iyo kuwa guudba la yeeshay Maamulka Gobolka Awdal iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolkaasi ku dhaqan.

 

Source:Waaheen