Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Ka Hadlay Doorka Mihiimka Ah Ee Saxafiyiinta S/Land Ka Qaadan Karaan Qadiyadda Aqoonsiga Marka La Iskugu Tago Xarunta Koonfurta Sudan

 

 


“Midawga Yurub Waxa Ka Go’an Inay Gacan Ka Gaystaan Dariiqa (Berbera Corridor) Iyo Taageerida Nidaamka Biyo Galinta S/Land”W/Khaariga Dr. Max’ed C/Laahi
 

Hargeysa, July 6, 2011 (TNN) – Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday doorka mihiimka ah ee ay saxafiyiinta Somaliland uga qayb galaya xafladda wanqalka dalka Koonfu rta Suudaan ay ka qaadan karaan aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Waxaanu sheegay inay saxafiyiintaasi doorka ugu mihiimsan ka ciyaari karaan soo bandhigida waxa ay Somalil and qabsatay, isla markaana waxa uu tilmaamay inay marti qaadka uu madaxwayne Siilaanyo ka helay dhigiisa Koonfurta Suudaan inuu la mid yahay ka loo fidiyey madxwaynayaasha caalamka ee ka soo qayb galaya xaflad da wan-qalka dalka Koonfurta Suudaan.

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu sheegay in madaxda dalka Koonfurta Suudaan madaxwayne Siilaanyo inuu ka dhaxeeyo xidhiidh wayn oo soo taxnaa ilaa wakhtigii uu Mad axwayne Siilaanyo guddoomiyaha u ahaa ururkii SNM.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey, isaga oo ku sugan xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, wasirka oo arimo badan ka hadlayaana wax a uu hadalkiisa ku bilaabay “a Qayb-galka xafladda loogu wanqalayo wadanka cusub ee Koonfurta Suudaan wa xa Somaliland ugu jira Fursad wayn oo dhinaca aqoonsi raadiska ah, kaas oo inoo suurta galinaya inaanu mada xda wadankaas iyo ka soo qayb galayaasha caalamiga ah. Waxa kale oo noo qorshaysan inaanu qadiyadda So maliland si salmi ah ugu soo bandhigno koonfurta Suudaan”.

S: Xidhiidhka aad dawladd ahaan la leedihiin madaxda dalka koonfurta Suudaan waa mid intee leeg?

J: Masuuliyiinta imika xukunta dalka cusub ee Koonfurta Suudaan iyo shacbigoodaba waxa ay ummadda Somal iland la leeyihiin xidhiidh wayn oo qoto dheer, kaas oo soo taxnaa ilaa xiligii halgankii ay labadda shacbi ku jire en. Hadaan dhinac ka eego madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa guddoo miyihii ugu mudadda dheeraa ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, waxa uu madaxda Koonfurta Suudaan la lahaa ilaa xiligaa xidhiidh wanaagsan, run ahaantiina waa ta maanta Somaliland dhaxalsiisay in sida madaxwaynayaa sha Ethiopia iyo Djibouti oo kale loogu casuumay in isagana loogu casuumo. Waxa noo qorshaysan inaanu wala alahayaga Koonfurta Suudaan inaanu ka codsano sidii ay noogala shaqayn lahaayeen aqoonsi aanu ka helno beesha caalamka, waxaananu ka dalban doonaa inay na aqoonsadaan.

S: Xafladda wanqalka dalka Koonfurta Suudaan ee dhici doonta 9-ka bishan sideed iskugu diyaargarayseen in aad ugaga dhexmuuqataan wufuuda badan ee aduunyada uga imanaysa ka qayb galka maalintaas?

J: Waxaanu si wayn u muujin doonaa astaamaha qaranka Somaliland iyo calankeenaba, waftigan uu madaxway ne Axmed Siilaanyo hogaaminayo waxa ka mid ah xubno iskugu jira masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, xildhibaa no ka ka tirsan Baarlamaanka iyo qaybo ka tirsan saxaafadda Somaliland. Waxaana xaqiiq ah in ka qaybgalka waftiga Somaliland ee xafladaas aanay la mid ahayn wadamada kale ee ka qaybgalaya, anagu waxaanu ku muujinaynaa qaranimadayada iyo guulaha shacbiga Somaliland ku talaabsaday iyo waxaanu ka dalbanayno dunida iyo Afrika-ba, taas oo ah aqoonsi caalami ah. Arimahaas oo dhan waxaanu ku muujin doonaa Qoraal, hadalo iyo shirar-ba. Qadiyadda Somaliland wax mihiimad wayn u leh hawl galadda xirfadaha ay Saxafiyiinta Somaliland ku muujiyaan qadiyada Somaliland, safaxiyiinta tagaysa Koonfurta Suudaan waxay si cad u muujin doonaan waxay shacbiga Somaliland qabsadeen.

Waxaanu intii aanu joognay qorshaysanay inaanu marka aanu tagno Koonfurta Suudaan inaanu la kulano mas uuliyiin gaar ah iyo dalal gaar ah.

S: Sida laga warqabo waxa Somaliland ka amba-baxaya laba wafti ay kala hogaaminayaan Madaxwayne Siilaan yo iyo madaxwaynihii hore Daahir Rayaale, arintaasi miyaanay u muuqan laba wafti oo dalka wada socda laak iin aan wada socon, isla markaana Kala qaybsanaan muujinaysa?

J: Somaliland waxa ay leedahay madaxwayne qudha, kaas oo madaxwaynaha koonfurta Suudaan uu si rasmiya ugu soo casuumay inuu kala qayb galo shacbiga wadankaas xafladda wanqalka wadankaas. Wufuuda wadank aas lagu casuumay waa madaxwayne-yaal, Somaliland-na waxa uga qayb galaya madaxwaynaheeda iyo wafti ga uu hogaaminay, markaa aniga iima muuqata wufuuf isbar-bar yaacaysa oo tagaysa Juba. Cidii kale ee ka qayb galaysa waxay noqonaysaa inay uga qayb gasho si shaqsiyadeed (Privet), laakiin dal walba waxa ka socdaa waa madaxwayne kaliya iyo waftigiisa.

S: Waxa maanta (shalay) dalka yimid Madaxa horumarinta midawga Yurub Mr Andris Piebalgs, kaas oo xukuu madda iyo labada gole-ba u cadeeyey sida midawga Yurub ay u danaynayaan qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanka, arintaas xukuumadda ahaan halkeed ka taagan tihiin?

J: Waa run waxa dalka maanta booqasho ku yimid ninka 25 wadan ee midawga Yurub madaxda uga ah mucaa winadda iyo horumarinta Mr. Andris Piebalgs, waxaanu masuulkani noqonayaa masuulkii ugu darajadda saree yey ee reer Yurub ee dalkeena booqasho ku yimaada. Waxaanay arintani muujinaysaa xiisaha ay Dunidu u hayso horumarka iyo maamul wanaaga ka hirgalay Somaliland, waxaanay la kulmay madaxwaynaha, qaar ka mid golaha wasiiradda iyo labada gole baarlamaan-ba. Waxa kale oo uu kulan gaar ah la yeeshay hay’addaha rayidka ah ee Somaliland iyo xubno baayacmushtarka ka tirsan, markaa waxa uu guud ahaan la wada kulmay qaybihii kala duwanaa bulsho-waynta Somaliland. Waxyaabaha ugu waawayn ee uu ka hadlay waxa ka mid ahaa in isaga iyo ururkiisa midawga Yurub-ba ay Somaliland la barbartaagan yihiin taageero iyo inay ka kaalme eyaan dhinacyada horumarka, waxa kale oo uu sheegay in midawga Yurub ay ka go’an tahay inay gacan ka gaystaan dariiqa Berbera ee la yidhaahdo (Berbera Corridor) ee mudo dheer la hadal hayey. Waxa kale oo uu sheegay inay taageerayaan nidaamka biyo galinta Somaliland si dalka looga helo biyo nadiif ah oo la cabo.

 Dhinaca kale midawga Yurub waxa uu qayb ka yahay dadka taageera Barnaamijka Dimurqaadiyeynta Somalila nd, waxaanu noo cadeeyey inay la iman doonaan wixii taageero ah ee looga baahdo midawga Yurub. Waxa ka le oo ay wax inagala qabanayaan sidii ay markii horeba gacan uga gaysan jireen qabsoomid doorashooyinka, laakiin qabashooyinka doorashooyinka iyo qadiyadeedu waa irimo u gaar ah Somaliland oo ay xor u tahay, isla markaana midawga Yurub uu ka gaysto gacan farsamo iyo mid dhaqaale-ba.

S: Siyaasada arimaha dibadda Somaliland Maadaama oo aad adigu xukuumadda wakiil uga tahay, maxaad odh an kartaa way kuu qabsoomeen oo aad shacbiga u sheegi kartaa?

J: Waxaan shacigayga sharafta badan ugu bushaaraynayaa in maanta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay b eesha caalamka iyo wadamada jaarka ahba uu marayo heerkuu ugu sareeyey ee ay abid gaadho siyaasada khaarajiga dalku. Iyada oo aan markhaati kale loo raadin taas-na waxa cadaynaya safarkan madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftiga uu hogaaminayaa ay ku tagayaan bari (maanta) xarunta dalka koonfurta Suudaan ee Juba, sababta oo ah casuumadda loo fidiyey waxa ay la mid tahay ta loo fidiyey madaxwaynayaasha kale ee caalamka ee ka soo qayb galaya, haday noqoto ta loo fidiyey ra’isal was aaraha Ethiopia Md Males iyo madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle-ba, run ahaantii waxaynu marayn aa meel aad loogu diirsado waana inaynu gacanta isku qabsano sidii aynu beesha caalamka uga heli lahayn aqo onsi caalami ah.

 

Source:Haatuf