Wasiirka Maaliyada Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Kana Hadlay Sidii Jabuuti Loogu Soo Dhaweeyay

 

 


Hargeysa  December 20th, 2010(TNN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xa ashi Cilmi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu muddo sadex todobaad ah lagu  d awaynayay cisbitaal milatari oo ku yaala wadanka Jabuuti.

Wasiirka maaliyadda oo maanta ka soo degay madaarka Hargeysa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirrada Waxbarasharada, Duulista iyo Hawada, Marwada Madaxweynaha, Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Madaxa Baratakoolka iyo Suldaan Xasan Suldaan C/Raxmaan.

Wasiirka Maaliyada oo ka hadlayay xaaladiisa caafimaad wuxuu yidhi “Xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay waxaanan u mahad celinayaa Wasiirka waxbarashada oo kaalin weyn ka qaadatay qaadistaydii Jabuuti, Maxamed Aw- Siciid oo ii soo diray diyaarad deg dega ah, Jaamac Maxamuud Xayd iyo masuuliyiinta dawlada Jabuuti iyo cisbitaalkii la igu dawaynayay oo aan mahad weyn ka sheeganayo.waxa kale oo aan ammaan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan Geelle iyo Jaamac Xayd.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu u mahad celinayo dadweynihii reer Somaliland ee xanuunkii su dhibayay.

Wasiirka Maaliyaddu waxa sugaysa isku dubo ridka odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka, waxaana shaqaalaha iyo ciidamada dawlada uga fadhi yaan inuu mushaharka u kordhiyo 300%, arrintaasi oo uu balan qaaday xisbiga KULMIYE xiligii uu olalaha doorashadii madaxtooyada lagu jiray.


Source:Somaliland.org