Wasiirka Maaliyada Oo eryey Masuuliyiin Ka mid ah Kasta my ada Berbera iyo Kalabaydh, Kuna BAdalay Qaar Cusub

 


Hargaysa (TNN)-Wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland ayaa xilkii ka qaaday oo kala diray  M as置uliyiintii Kastamada Kalabaydh iyo Berbera, kuwaasi oo uu ku bedelay Masuuliyiin kale.

Go誕anka uu xilka kaga qaaday Mas置uliyiintii Kastamada Kala-baydh iyo Berbera oo uu la soo saaray shalay waxa u kala diray Mas置uliyiinta ay khusayso waxaanu faray in mas置uliyiinta  cu subi isla maanta xilka la wareegaan.

Masuuliyiinta kastamka Kala-bayd ee uu Maxamed Xaashi xilka ka qaaday waxay kala yihiin  Ag aasimihii Kastamka Cumar Xasan Caalin iyo labadiisii ku-xigeen waxaana lagu bedelay  Maamula ha Kastamka oo noqon doona Cabdiraxmaan Ismaaciil Cali (Cirro) halka ay labadiisa ku-xigeena noqon doonaan Maxamed Ciise Muuse iyo Magool.

Kastamka Magaalada Berbera waxa xilkii laga qaaday Maamulihii hore ee Kastamkaasi Maxamed Gahayr iyo labadiisii ku-xigeen oo kala ahaa Maxamed Gurey iyo Mustafe waxaana lagu bedelay Maamulaha cusub ee Kastamka Berbera oo noqon doona Maxamed Cali Cumar ku-joog (Hallaasi) iyo Sugule.

Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay Kastamada Kala-baydh iyo Berbera waxay shalay ka  a mbabaxeen Magaalada Hargeysa iyagoo ku sii kala jeeday goobaha look kala magacaabay.

Tallaabadan ayaa aha tii ugu horay ee uu xilka kaga qaado masuuliyiin hoos yimaada  Wasaarad iisa, ma cadda sababta uu u qaaday, laakiin waxay u muuqataa mid uu ku saxayo hanaanka  da khli ururinta si ay Wasaaraddu uga soo kabato khasnada madhan iyo daynta lagu wareejiyay, xil-ka-qaadistan ayaa haddii aan loo helin dambiyo cad-cad oo ay gacanta kula jiraan  Mas置uliy iintani ayaa waxay ka hor imanaysaa ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye mas置uliyiintiisu ku  ololayn ayeen in aanay eryo doonin shaqaalaha dowladda.

Dhinaca kalana, tan iyo intii uu xilka la wareegay wasiirka Maaliyaddu waxa soo baxay  cabash ooyin faro badan oo la xidhiidha nidaamii ay ku wada shaqayn jireen Ma置uliyiinta Maaliyada, Baanka iyo dadweynaha xidhiidhka la leh labada dhinacba, waxaana soo baxaya gebi ahaanba inuu joojiyay Wasiirku bixinta daymaha iyo kharashaadka ay kuwada macaamili jireen, taasoo sababtay in laga dareemo magaalooyinka waaweyn dhaqaale xumo baaxad leh oo haddii aan deg-deg loo furdaamin keeni karta in ay soo if baxdo diidmo lagala horyimaado xukuumada  cu sub.

Tallaabada uu Wasiirka Maaliyaddu ku xidhay khasnadii Dowladda waxay dabka ku sii hurisay  d uruufaha dhaqaale xumo ee ku gadaaman shacbiga dan yarta ah oo muddo lix bilood ah ku soo jiray doorashooyin sababy inuu yaraado xarakaadkii ay ku noolaayeen, iyadoo ay u sii  dheer ayd mudadii xil-wareejintu oo iyana sii daciifisay ilihii dhaqaalaha ee dalka, iyadoo bishii  ramad aana ay fooda inagu soo hayso oo aanay xamili karayn inta la soo sammaynayo qorshaha ay x ukuumadu ku doonayso in lagu bedelo nidaamii Maaliydeed ee hore.

 

Wargeeska Waaheen