Wasiirka Maaliyada Oo Ka Xog Waramay Xaaladiisa Caafimaad Iyo Qaban Qaabada Loogu Jiro Soo Dhaweyntiisa Oo 48-ka Saacadood Dalka Ku Soo Fool Leh

 


Hargeysa, December 19, 2010 (TNN) - Wasiirka Maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo  dabayaaq adii bishi hore ee November 2010-ka socdaal caafimaad ugu kicitimay dalka Jabuuti, ka dib markii uu si kadis ah ugu soo booday xanuunka loo yaqaano oof wareenka oo todobaadkii hore horaantiisii ka soo baxay cusbitaal ku yaala dalkaasi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad, isla markaana sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaag san tahay isla markaana haddii Eebe idmo uu si dhakhso ah caasimada dalka ugu soo guryo noqon doono.

Wasiirka Maaliyada oo bulshada reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku kala dhaqani ay si weyn diirada ugu hayeen tan iyo muddadii u safarka caafimaad ugu maqnaa dalka Jabuuti, isla  mark aana ugu ducaynayeena in Alle caafimaad kaamil ah siiyo, xanuunka la soo gudboonaadayna ka bog siiyo.

Wasiirka Maaliyada oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isaga oo jooga Jabuuti ayaa noo sheegay, in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, hase yeeshee waxa uu sheegay inuu  dh awaan caasimada ku soo guryo noqon doono, isla markaana uu si faahfaahsan uga warami doono marxaaladii caafimaad muddadii uu cusbitaalka ku jiry iyo siddii loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti, balse waxa uu si kooban u yidhi “Ilaahay mahadii baan joogaa, caafimaadkayguna wuu fiican yahay cusbitaalkiina waan ka soo baxay haddana waxaan ku jiraa nasasho”

Mar aanu weydiinay sidii loogu qaabilay dalkaasi Jabuuti, waxa u yidhi “Markaan dalka ku soo laabto ayaan si faahfaahsan uga warami doona haddii Ilaahay idmo”

Mar aanu weydiinay wasiirka goorta uu dalku ku soo guryo noqon doono, waxa u yidhi “Insha allah dhawaan ayaan dalka imanayaa”

Dhinaca kale wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo muddo todobaad ah degenaa Hotel Kambiski oo ka mid ah Hotelada waaweyn ee dalkaasi ayaa la filaya inuu 48-ka sacadood ee soo so cda caasimada dalka ee Hargeysa ku soo guryo noqdo, ka dib markii uu socdaal caafimaad ugu  kiciti may dabayaaqadii bishii hore ee November 2010-ka ugu kicitimay dalka Jabuuti, waxaanay  ilo ware edyadu noo sheegeen in qaban qaabo weyn loogu jiro soo dhaweyntiisa oo laga dareemayo bulsha da ku dhaqan caasimada iyo dhinaca xukuumada.


Source: Haatuf