Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Soo Qaban-qaabiyey Kulan Afur Iyo
Casho Iskugu Jira Oo Ay Isku Xog Waraysanayeen Qurbajooga Gobolka
Gabiley Iyo Masuuliyiinta Dawlada Dhexe Kaga Jirta Gobolkaasi.
Munaasibadan Oo ka Qabsoontay Hottel Maan-soor ee Magaalada Hargeysa
Ayaa waxa kasoo Qayb Galay .... Daawo Sawirrada
Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaarada Maaliyada soomaaliland C/casiis
Maxamed samaale ay aa Caawa Munaasibad Afur Iyo Casho Iskugu Jirta
Iskusoo Hor Fadhiisiyey Masuuliyiinta Dawla da Dhexe Kaga Jirta
Gobolka Gabiley Iyo Qurbajoogta Gobolkaasi.
Munaasibadan Oo ka Qabsoontay Hottel Maan-soor ee Magaalada Hargeysa
Ayaa waxa kasoo Qayb Galay Wasiirka Wasaarada maaliyada Somaliland
C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wa saarada Warshada Abiib Diiriye
Nuur, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul,
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Cadaalada Abiib Axmed Cali, Xildhibaan
C/laahi Xusee n Cige (Black), Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe,
Xildhibaan xasan Cawaale Caynaan, Maaye rka Degmeda Gabiley Shucayb
Maxamed Muuse, Xubno Kamida Dhalinyarada Gobolka gabiley Iyo Xubno
Tiro Badan Oo Kamida Qurbajooga Gobolka Gabiley.
Ugu Horaynba Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey
Afhayeenka Madaxtooyad a Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, Isaga Oo
Mahadnaq Balaadhan usoo jeediyey Xubnaha Ururka Samafalka All-khayriya
Ee Ay ku Bohoobeen Haweenka Qurbajooga Ah ee Gobolka Gabil ey Isaga
Oo ku Amaanay Waxqabadka Balaadhan ee Ay Ka Fuliyeen Gudaha
Magaalada Gabiley.
Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Madashaasi Hadalo kasoo Jeediyey Wasiirka
Wasaarada Warshadah a Somaliland Abiib Diiriye Nuur, Xildhibaan C/laahi
Xuseen Cige (Black), Xildhibaan Ibraahim Axm ed Haybe, Xildhibaan
Xasan Cawaale Caynaan, Maayerka degmeda Gabiley Shucayb Maxa med
Muuse, Mustafe Maxamed Khayre Oo Ku Hadlayey Afka Dhalinyarada
Gobolka, Wariye Maxam uud Cabdi Ducaale Oo Ka mida Qurbe Joogta
Gobolka Gabiley Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaara da cadaalada, Iyaga
Oo Dhamaantood Mahadnaq balaadhan Usoo Jeediyey Haweenka Qurbe
Joogta Ah Ee Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley Oo Iyagu Sanadihii Ugu
Dambeeyey Waxqabadyo La Taaban Karo ka fuliyey Gudaha magaalada
gabiley Sidoo Kalena Kula Dardaarmay Inay dadaal ka Ay Wadaan Sii
Xoojiyaan.
Geba-gebadii Munaasibadaasi waxa Soo Afmeeray Wasiirka wasaarada
Maaliyada Somaliland C/casiisi Maxamed Samaale isaga Oo Mahadnaq
Balaadhan usoo Jeediyey Dhamaan Xubnaha kala duwan Ee Munaasibada
kasoo Qayb galay, Waxaanu Wasiirku ka Dhawaajiyey Inuu Hiil Iyo
Hooba La Barbar Taaganyahay Cid kasta Oo Ka Shaqaynaysa Horumarinta
Gobolka Gabiley.
Guuleed Yare
Timacade News Reporter
Hargeysa ,Somaliland
|