Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhawraha Guud Ammaan Bay Innaga Mudan Yihiin


 

Anigoo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland, isla markaana ka mid ah mujaahidiintii dhiiggooda u soo huray qarankan, mar walbana jecel in Somaliland ku tallaabsato, wax kasta oo wax u  dhima yana ka naxa, ayaa waxaan doonayaa inaan ka hadlo waxyaabo maalmahan u dambeeyey  warba ahinta iyo suuqyadaba lagu hadal-hayo, taas oo ah qaabka ay wax u wadaan Wasaaradda  Maaliy adda iyo Hantidhawraha Guud.

Haddaba, waxaan leeyahay labadaas hay’adood ee la hadal hayaa waxay muujiyeen hawlkarnimo iyo daacadnimo saayida, waxaanan leeyahay way ku mahadsan yihiin hawsha aadka loogu  baahn aa ee hay’adahaasi qaranka Somaliland u hayaan xilligan iyagoo muddo kooban xilka hayey.

Sidaynu wada ogsoonahay waxa marag-madoon ah oo aynu markhaati ka wadanahay  waxqabad ka ay hay’adahaasi muujiyeen. Haddii aan tusaale kooban u soo qaato wasiirka maaliyadda ee  ma anta joogaa waxa uu bixiyey dayntii mushaharka shaqaalaha ee dhowrka bilood ka maqnayd, kaas aynu ognahay in wasiirkii xilka uga horreeyey ee siddeeda sannadood kursiga fadhiyey uu ku  fash ilmay bixintiisa, iyadoo tallaabadaasina noqonayso tusaale cad oo muujinaya isbeddelka shacabka Somaliland ugu codeeyeen xukuukamadda cusub.

Sidaa darteed, waxaan leeyahay aynu dhinaca fiican ka wada fikirno oo isweydiino yaa dalka iyo dadka u fiican oo waxqabad muudqa inoo qaban kara, halkaana kaga gudubno qabyaaladda.

Waxa kaloo aan ammaanayaa Hantidhawraha Guud ee Qaran oo si kalsooni leh u gudanaya  waajib aadkiisii qaran, iyadoon awood ka sarraysaa adeegsanayn. Sida la wada ogyahay waxa jiray  hay’ ado dhowr ah oo sida aynu uga baranay maamulkii hore loo adeegsan jiray hadba ciddii loo dan leeyahay in faragelin lagu sameeyo ama hantidhawr la geliyo, laakiin maanta waxaynu arkaynaa in hantidhawrku isaga oo madaxbannaan uu hawshiisa gudanayo, waanu ku ammaanan yahay, hanti da qarankuna waxay ku badbaadaysaa in cid kasta oo hanti ummadeed gacanta ku haysa la  baa dho oo lagu daba galo, haddaan la xumayna xisaabi xil ma leh.

Ugu dambayn, waxaan leeyahay Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhawraha Guud waxay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo oo lagu garab galo hawsha culus ee ay qaranka u hayaan.
 

 

 

 

Mujaahid Axmed Daahir Axmed Hargeysa