Wasiirka Maaliyadda oo Shaaciyey in Aannu Lahayn Awood uu ku Xannibo Xisaabaha Gaarka ah ee ka Furan Bangiga Dhexe

 

 


“Wax lacag ah ama xisaab ah Madaxweyne-k-xigeenkii hore lahaa oo aan xannibay ma jirto”

“Qoladii hore ee bangiga madaxda ka ahayd ayaa xisaabihii oo dhan la baxay oo meesha faaruqiyey”

“Waxa jira xisaabo badan ama lacago bangiga lagala baxay oo aan la soo marin Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hantidhawrka Guud midna oo dadkii lahaa laga xaday”

“Wax caqliga geli kara ma aha in anigu aan aayar iska xidho xisaab qof gaar ah ku leeyahay bangiga oo haddaan awooddaas leeyahay waxaaban odhan lahaa xisaabaha oo dhan ii xidha”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shaaciyey in aannu lahayn awood u ku xannibi karo xisaabo dad gaar ah uga furan Baanka Dhexe ee Som aliland dhexe, isagoo xusay inay suuqa ku jiraan dacaayado ay faafiyeen madaxdii hore ee ban giga oo uu ku eedeeyey inay sifo sharci-darro ah ula baxeen lacagihii baanka yaallay oo dhan.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo khadka telefoonka Jamhuuriya kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo waxa ka jira war warbaahinta madaxbannaan lagu baahiyey shalay oo lagu sheegay in Wasiirka Maaliyaddu xannibay lacag gaadhay ilaa lixdan milyan (60 milyan) shillinka Somalilan d ah oo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Md.Axmed Yuusuf Yaasiin u yaallay Baanka Dhexe, waxa oo uu arrintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, wax lacag ah oo uu cid ka xayirayna aanay jirin, waxaannu wasiirku ku dooday inay lacagahaas la baxeen masuuliyiintii hore ee madaxda ka ahaa Bangiga, kadibna suuqa geliyeen dacaayadayo la xidhiidha in dawladda cusub xannibtay xisaabihii baanka yaallay.

“Horta waxba kama jiraan inaan xannibay xisaab Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ku lahaa baan ka. Marka labaad, xisaab gaar ah oo qof bangiga uga furan anigu awoodba uma lihi inaan xataa ogaado oo waa wax gaar u ah qofka dhigtay oo qudha, qolada baankuna xisaabaadka dadka gaarka ah leeyihiin cidnaba uma fasaxaan inay ogaato, markaa sidee baan anigu xisaabta gaark a ah ee Axmed Yuusuf Yaasiin ku ogaan karaa ama aan uba farogelin karaa? Mana odhan karo xidha xisaab qof gaar ah ku leeyahay baanka,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka jawaabay su’aal la xidhiidhay waxa ka jira inuu xayiray lacag gaadhaysa lixda milyan oo shillinka Somaliland ah oo Baanka Dhexe u taallay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda oo iftiiminayey sababaha keentay tuhunka la xidhiidha inuu isagu xisaab Axmed Yuusuf Yaasiin ku lahaa Baanka Somaliland, waxa uu yidhi; “Arrintaasi waa dacaayad ay fidiyeen qoladii hore ee madaxda ka ahayd baanka oo intay lacagihii bangiga ku jiray oo dhan xadeen, haddana yidhaahdeen dawladda cusub baa xisaabihii xannibtay, waana daacad been ah oo iskaga fogaynayaan lacagaha dadku lahaayeen ee ay baanka kala baxeen, wax caqliga geli karana maaha inaan anigu aayar iska xidho xisaab qof gaar ah ku leeyahay bangiga oo had dii aan awooddaas leeyahay waxaaban odhan lahaa xisaabaha oo dhan ii xidha, markaa arrint aasi waa dacaayad raqiis ah oo wax lagu qoslo ah.

Aniga waxa ii yimi Axmed Yuusuf Yaasiin oo sita waraaq uu ka soo qaatay madaxweynaha oo uu leeyahay xisaab aan baniga ku lahaa baa la iga xidhay, markaa waxaan ku idhi, xisaabtan a ad raadinayso xilligii aad madaxweyne-ku-xigeenka ahayd raggii aad qorateen ee baanka joog ay ayaa idinkala baxay oo xaday, markaasay idinku yidhaahdeen dawladda cusub baa xannibt ay, waanan u sheegay in aanan anigu lahayn awood aan ku xannibo ama ku xidho xisaab qof gaar ah bangiga uga furan. Markaa arrintu waxa weeye qoladii hore ee bangiga madaxda ka ahayd ayaa xisaabihii oo dhan la baxay oo meesha faaruqiyey, waxana jira dad badan oo xisaa bahoodii bangiga ay ku lahaayeen la waayey.

Waxa jira xisaabo badan ama lacago bangiga lagala baxay oo aan la soo marin Xisaabiyaha Gu ud ee Qaranka iyo Hantidhawrka Guud midna oo dadkii lahaa laga xaday, markaan ujeeddada ka hadlana wax lacag ah ama xisaab ah oo madaxweyne-k-xigeenkii hore lahaa oo aan xannibay ma jirto, waana dacaayad ay suuqa soo geliyeen qoladii hore ee bangiga maamuli jirtay,” ayuu hadalkii ku soo afjaray Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
 

 

Source:Jamhuuriya