Wasiirka Maaliyadda oo Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adaha Da wladda Amray bil walba 25-keeda inay Baanka u Gudbiyaan Mushaharka shaqaalaha iyo kharashaadka Daruuriga ah


 

 


Digreetada Wasiira Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo ku socotay Dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dalku waxay u qornayd:
-

Hargeysa(TNN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa soo saaray Digreeto uu ku Amrayo wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda inay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka u gudbiyaan kharashaadka daruuriga ah ee ay ka mid yihiin Mushaharooyinka iyo Gunada Hawl-wadeenada Qaranka, Raashinka Ciidamadda, Jeelasha, Cisbitaalada iyo Shiidaalkaba laga bila abo 20-ka Bil kasta si uu isna Baanka Dhexe ugu gudbiyo ugu danbayn Bil kasta 25-keeda.

Digreetada Wasiira Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo ku socotay Dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dalku waxay u qornayd:-



Ujeedo: Wakhtiga Bixinta Kharashaadka Daruuriga ah:-
 


Waxa jira kharashaad daruuri u ah hawl socodsiinta Qaranka, kuwaas oo u baahan in waqtiga ugu horeeya ay baxaan, kharashaadkaasna wax aka mid ah:-



1. Mushaharka iyo Gunadda Hawl wadeenada Qaranka.
2. Raashinka Ciidamadda, Jeelasha iyo Cisbitaalada.
3. Shiidaalka.



Sidaas awgeed, waxa madaxda Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda ee ay warqadu ku socoto lagu wargelinyaa in kharashyada kor ku qoran u soo gudbiyaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud ugu dam bayn 20-ka bil walba, sidoo kale Xisaabiyaha Guud ee warqadani ku socoto isna waxaa lagu wargeli nyaa inuu kharashyada kor ku xusan Baanka u gudbiyo ugu dambayn 25 ka bil kasta
 


Allaa Mahad Leh

C/casiis Maxamed Samaale

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.