Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo la kulmay Saraakiisha Biyaha ee Dalka Kenya.

 


Nairobi (TNN)-Wasiirka wasaarada macdanta iyo biyaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Hussein Abdi Du’ale ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay madaxda wasaarada biyaha ee dawlada Kenya oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradaas ahna kusimaha wasiirka mudane David Stower, maare eyaha guud wakaalada biyaha Kenya mudane Lawrence N.Simutu iyo waliba isu duwayaasha  wasaarada as ee gobolada beriga iyo waqooyi bari.


Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland mudane Hussein Abdi Du’ale ayaa kala hadlay madaxda  wasaa radaas sidii ay Somaliland uga kaalmeyn lahaayeen dhinaca biyaha iyo waliba wada shaqayn buuxda oo ay yeeshaan labada wasaaraadood, hadalkaas ayay aad uso dhaweeyeen madaxda wasaarada biyaha ee Kenya iyagoo si debecsanaan ka muuqato u sheegay inay soo dhawaynayaan xidhiidhkasta oo ay la sameeyaan wasaarada macdanta iyo biyaha Jamhuuriyada Somaliland.


Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland ayaa maalmahanba safar shaqo oo uu ku joogay dalkan Kenya aad ugu muujiyey dadaal badan oo uu ugu jiro sidii Somaliland goboladeeda biyo ku filan loogu heli lahaa gaar ahaan caasomada Hrgeisa o ah meesha ugu daran wakhtigan xaadirka ah. Wasiirka ayaa sidoo  ma almahan fooda inagu soo haya kulamo kala duwan la qaadan doona saafaradaha reer galbeedka , haayadaha caalamiga ah iyo waliba wasaarada awooda korontada ee dalkan Kenya.

Kulan kan maanta waxaa wasiirka ku wehelinayay safiirka Somaliland ee dalka Kenya mudane Mahamed Ahmed Nuur (Indhabuur).

 

 

 


Safaarada Somaliland ee Kenya
Abdirizak Ahmed Karaani
Abdirizak.karaani@gmail.com