Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Oo Sheegay In Dastuur ka Aanay Meelna Kaga Jirin In Heshiisyada La Galo Barlamanka La Mariyo

 


Hargeys (TNN):-Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Duc aale, ayaa sheegay in Dastuurka iyo Sharciga Somaliland aanay meelna kaga oolin in Hes hiisyada ay Wasaaraddiisu la galayso Shirkadaha Caalamiga ah la mariyo Baarlamaanka.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo Wargeyska Geesk a Afrika u waramay ayaa sidoo kale beeniyey wararka sheegaya inuu Seedigii siiyey Qan daraas dhan laba milyan iyo badh dollar oo ah wacyigelinta hawlaha shidaalka, , waxanu Wasiirku yidhi isaga oo ugu horeyn ka waramaya Shidaal baadhista “Wax Shidaal ah maan u helin ilaa hadda, wax Macdan ahna maanu soo saarin, waxa aanu ku hawl-nahay oo aa nu wadnaa Sahamintii iyo sidoo looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka dalkeena ku jira, mu ddadii aanu masuuliyada haynay Shirkado ku xeel dheer arimahan oo Aqoon, Maaliyad iyo awoodba u leh ayey Dawladdu la gashay heshiisyo, heshiisyadaas oo ah inay Shirkaduhu bilaabaan Sahamada, Sahamadaasina markii hore wey bilaabeen, Shirkada Green la odhan jiray ayaa markii hore bilawday,Shaqadaas hakad ayaa ku yimid, iyada oo aanay ahayn mid aynu inagu kasbanay, laakiin ahayd dareen ay qaateen oo ah xasilooni daro, Shirkada hani waa Shirkado Ajaanib ah, waxayna door bideen iyaga oo si adag loo ilaalinaayo moo ye in aanay hawshan qaban”.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo ka jawaabay su’aal aanu ka weydiinay sababta uu Golayaasha Barlamaanka uu u keeni waayey Heshiisyada ay Wasaaraddiisu la gasho Shirkadaha Caalamiga ah waxa uu ku jawaabay “Arintan mar walba waa laga hadlaa, waa Cajalad jaban oo mar walba la saaro, waana su’aal had iyo jeer taagan, anagu wixii Dastuurku iyo Sharcigu dhigayaan Dawlad ka soo horjeeda ma nihin,Sharciga Dalka u yaala ee aynu ku dhaqano Macdanta iyo Badiroolka ku saabsan, meel uu kaga yaalo heshiisyadooda inuu Barlamaanku ansixiyo anigu kuma hayo, Shir-gudoonkuna namuu odhan heshiisyada aad la gashaan Shirkadaha soo gudbiya intuu si rasmiya Waraaq noogu soo qoray, anaga oo cuskanayna Sharciga iyo Sharciga anaga ayaa xaq u leh ee noo soo gudbiya, anaga ayaa xaq u leh in aanu saxeexno, haddii Sharciyadaas inoo yaala ay amrayaan in heshiisyadaas inay Barlamaanku ansixiyaan Dawlad diidaysa ma nihin”.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Hadda waxa aanu wadnaa oo aanu curinaynaa Shuruuc cusub, marka Shuruucdaas waxa aanu u gudbinaynaa Barlamaanka, markaas xaq ayey u leeyihiin Barlamaanku inaynu sameeysano Sharci cusub oo Macdanta iyo Badaroolka sameeynaya, markaas haddii uu Barlamaanka uu ka soo gudba ee uu Madaxweynuhu saxeexo uu noqdo wixii heshiis caalamiya ee ku saabsan Macdanta iyo Bardarool ku saabsan ee Dawladda Somaliland gasho, waxa uu amrayaa in Golaha Wakiiladu ansixiyo, dawlad is hortaagaysa ma nihin”.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta mar uu ka hadlaayey Gobolada ay ka wadaan Sahaminta ayaa yidhi “Gobolo badan ayaa laga shaqaynayaa, balse imika lix Gobol ayaa laga shaqaynaya oo heshiisyadani sameeynayaan, laakiin heshiisyadii sahaminta ee hakad ka yari ku yimid iyada oo dhinaca amaanka la sugo mooye oo laga baaran dego mooye hawshu ma dhaqaaqayso,halkaas ayey arintu hadda taagan tahay”.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira wararka la baahiyay ee sheegaya inuu Seedigii Qandaraas ku kacaya laba miyan iyo badh dollar ku siiyay wacyigelinta arrimaha shidaalka, ayaa ku jawaabay “Haba yaraate Qandaraas aan Nin seedigay ah oo laba milyan iyo badh ah ama Shan Dollar ah oo aan u saxeexay ma jirto, Qandaraas aan Seedigay la galay oo Wasaaraddani saxeexday haba yaraate ma jirto”.

Source:Geeska