Wasiirka Macdanta Somaliland Oo Ustareeliya Kaga qeyb galayo Shir
Caalamiya
Berbera (TNN):-Waiirka Macadan iyo Tamarta Xuseen Cabdi
Ducaale, ayaa u kicitimay dalka Ust areeliya oo uu kaga qayb gali
doono shir caalamiya.
Wasiirka oo shalay ka dhoofay madaarka magaaladda Berbera ayaa qolka
masashada kula ha dlay warbaahinta isagoo ka waramay shirka dalka
Ustareeliya uu ka qayb galayaa yahay shir lagaga hadlayo arrimaha
macdanta oo wadamo badan ka qayb galayaan gaar haan dalalka Af rika,
waxaanu sheegay inay Martiqaad rasmiya uu ka helay dawladda
Ustareeliya.
“Shirkaasi waxa soo agaasintay dawladda Ustareeliya waxaana furaya
Wasiirka khaarajiga iyo Wasiirkooda khayraadka, fursad ayay noo
siinaysaaa inaanu Wasiirkooda is aragno. waxaanu aad iyo aad ugu
hanqal taagaynaa inaanu ka khudbadayno fursada ay na siiyaan
Wasiirrada imanayaa dhammaantood ka wada hadli maayaan ee Wasiirro
kooban ayaa ka hadlaya oo loo gu tallo galay inay hadlaan,”ayuu yidhi
Wasiirka macdanta iyo Tamartu.
Wasiir Ducaale waxa uu intaas ku ladhay “Dawladaha Af-Soomaaliga ku
hadla Anaga (Somalila nd) ayuun baa ka qayb galayna oo nalagu
marti-qaaday.”
Wasiirku waxa kale oo uu ka warbixiyay hawlaha macadam soosarka ee
dalka ka socda, waxaa nu yidhi “Hawshaasi waxaan jecelahay bishan
dhamaadkeeda ama bisha soo socota horaante eda inay bilaabanto waa
shaqada ugu weyn ee ugu qaalisan hawshan sahanka ayaa ugu badan
hawshaasi oo illaa 7 illaa 8 bilood soconaysa cabiraadeeda iyo
daraasadeeda marka arrintraasi dhamaato sanadka soo socda insha
Allaahwaxaan rajeynaynaa hadii natiijadu wanaagsanaato macluumadkaa
marka la’aruuriyo ee ladaraasadeeyo ee lafasilo inaynu markaa
qodaalkii bilowno sanadka dambe”.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|