Wasiirka Madaxtooyada Oo ka waramay farqiga u dhaxeeya Wasiirnimada iyo Chief of cabinet-ka

 


 

“Waxaan Rajaynayaa Inaan xilkan aan u qalmo oo aan Ka soo bixi doono”

“Shaqadaydu waa inaan agaasimo, isku dubo-rido, qorsheeyo u diyaariyo Madaxweynaha hawl maa me edkiisa shaqo ee xafiiskiisa xidhiidhiyana xafiisyada la xidhiidha madaxtooyada”


Hargeysa, July 16th, 2011  (TNN)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shee gay inuu Golaha Wakiiladda u balan qaadayo inuu ka soo bixi doono shaqadan wasiirnimo ee loo magaca abay isla markaana uu madaxweynaha ka kaalin doono gudashada xilkiisa.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaasi ku sheegay maanta hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigii Golaha Wakiilada ka hor intii aan la ansixin.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay arrimaha siyaasada kaalin ka qaadan doono waxaanu ka waramay farqiga u dhaxeeya xilkan wasiirnimo iyo Chief of cabinet-kii.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlayay Mudaneyaasha Wakiilada waxa uu yidhi “Salaan ka dib, waxaa n halkan (Golaha) u imid waa dastuuri in Wasiirradu ay yimaadaan Golaha marka la magacaabo si looga ansixiyo oo loo xalaaleeyo shaqada ay qaranka u qabanayaan. Kalmadda halkan la iga siiyay waxaan filayaa inay tahay inaan sheego shaqada aan qabanayo maadaama oo aqoontayda iyo waayo aragnim adayda laga akhriyay Golaha hortiisa. Waxa madaxweynaha Somaliland ii igmaday xilkan si waafaqsan Qodobka 94-aad ee dastuurka Somaliland oo odhanaya Wasiirraddu waxay ka caawinayaan ama ka kaalmaynayaan Madaxweynaha xilkiisa sida qodobkaasi ku cad waxa madaxweynuhu ii igmaday inaan ka kaalmeeyo shaqadiisa.”


“Shaqada aan qaabilsan nahay ee Wasiirka Madaxtooyaduna waxay tahay inaan agaasimo, isku dubo-rido, qorsheeyo u diyaariyo Madaxweynaha hawl maalmeedkiisa shaqo ee xafiiskiisa xidhiidhiyana xafii syada la xidhiidha madaxtooyada,”ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.


Waxaanu intaasi ku daray “Waxaan rajaynayaa in xilkayga shaqo uu yahay mid siyaasadeed oo Madax weynaha ka kaalinaysa shaqada uu Hoggaamiyaha ka yahay, waxa is bedelaya shaqadii xafiiskii aan hore uga shaqayn jiray ee Chief of cabinet-ka oo aan ahaa madaxa shaqaalaha madaxtooyada. Waxa isbedelaya inaan awood u yeesho inaan ka hadli karo, cabiri karo oo aan u guntan karo hawlaha siyaas adeed halka markii hore shaqadaydu ahayd shaqo ku koobnayd madaxtooyada ayna ka baxsanayd arri maha siyaasada.”

“Golahan markii u horeysay ee aan hor imaado ma aha, waxaan hor imid anigoo Komishan Doorasho ah, waxaan kala kulmay inay shaqadii igu adkaato waxaanan si iskay ah u iclaamiyay xiligaasi inaan ka tag ay. Waxaan shaqadan maanta aan rajaynayaa inaan ka soo baxo. Siday ay Gudida arrimaha guduhu u yidhaahdeen wuu u qalmaa shaqadan. Waxaan qabaa inaan u qalmo shaqadan oo aan qaban karo wax aanan rajaynayaa inaan arrimaha qaranka kaalin mugleh ka qaato,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xa an ka dibna waxa mudaneyaashii ay mar qudha isla oogsadeen oo ay u garaaceen sacab aad u badan.

Source:Somaliland.Org