Wasiirka Madaxtooyadda oo Booqday Jidka isku xidha Hargeysa Iyo Berbera





Hargaysa (TNN): Wasiirka wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ay aa shalay kormeer indho-indhayn ah ku tegay jidka u dhexeeya Hargaysa iyo Berbera oo ay ka socoto hawl dib u dhis ah, taasi oo wejigiii u danbeeyay uu marayo duleedka Hargaysa ee Halee ya.

Kormeerka wasiirka ayaa la xidhiidhay sidii loo dardar gelin lahaa hawsha dib u dhiska ah ee ku socda wadadaasi,wasiirka oo hadal ka jeediyay kormeerkaasi uu halkaasi ku tegay ayaa ka war may halkii ay ka bilaabeen dib u dhiska wadadaasi iyo halka ay haatan marayso, waxaanu shee gay in ay haatan marayso duleedka bari ee Hargaysa gaar ahaana Haleeya ilaa Lafo-ruug.

Waxaanu tilmaamay wasiir Xirsi in qaybta kale ee jidka isku xidha Hargaysa iyo Berbera ay haw sha dib u dhiska ah ku guddo jirto shirkadda dhismaha ee Amal, waxaanu yidhi “Hawsha wadada isku xidha Berbera iyo Hargaysa si fiican ayay u socotaa, aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanaha y in illaahay nagu guuleeyay, waxaana muuqata in ay si qurux badan noogu gabagaboobayso, inta inoo hadhay ee xagga Berberana waan dhamaystirnaa haddii alle yidhaahdo”.

Waxa kale oo uu tilmaamay wasiirku in wadooyinku ay yihiin waxa keliya ee isku xidha gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland, isla markaana aanu dalku lahayn wadooyin Tareen ama diyaa rado gobolada u kala goosha, sidaas darteena ay muhiim tahay in la dhiso lana daryeelo wadooy inka.“Dalkeenu sida aan la wada socono waxa keliya ee isku xidhaa waa wadooyinka marka aynu ka hadlayno Laamiyadda, ma lihin wadooyin Tareen ama diyaarado isku xidha goboladda dalka liidkaa yare e Laamida ah ayaa isku keen xidha, markaa in aynu liidkaasi ilaalino waa muhiim, in aynu kuwo cusub samaynaana waa muhiim” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir Xirsi in qorshaha xukuumadda uu hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo ay tahay in la hirgeliyo kaabeyaasha dalka gaar ahaana wadooyinka, waxaanu yidhi “Qorshaha xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) waxa weeyi in kaabeyaasha dalka la horumariyo haddii ay wadooyinka tahay iyo haddii ay dhinacyadda kale tahayba, waxa uu qorshuhu yahay in la hirgeliyo wadooyinka dalka, markaa waxaanu doonaynaa in aanu wadooyinka isku xidha dalka dhamaystirno”.

wasiirka madaxtooyada ayaa si balaadhan uga waaramay qorsheyaasha mustaqbalka fog ee xu kuumada ee ku saabsan sidii wadooyin Laami ah looga hirgelin lahaa guud ahaanba degmooyinka dalka, waxaanu sheegay in ay dhawaan soo saarayaan qorshe wadooyin Laami ah lagaga hirg elinayo degmooyinka dalka ama goboladda cusub ee aan weli la ansixin, waxaanu yidhi “Marka laga hadlayo degmooyinka dalka waxaanu dhawaan soo saari doonaa qorshaha isku xidhka wad ooyinka dalka kaasi oo ah sidii ay degmooyinka dalku isugu xidhmi lahaayeen”.


Waxa kale oo uu sheegay Xirsi Cali Xaaji Xasan “qorshahayaga dhaw waxa uu yahay in marka la dhameeyo wadadan in dawladda dhexe iyo dawladaha hoose oo is kaashanaya in caasimadda H argaysa la geliyo wadadan, ka dibna la sameeyo wadooyin Laami ah, insha alah dhawaana waa nu bilaabaynaa, waxaanan rejaynaynaa in ay bulshaduna ka qayb qaadan doonto”.

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland