Wasiirka Madaxtooyadda Oo Dhagax Dhigay Wajigii Labaad Ee Wadada Isku Xidhaysa Salaxlay Iyo Hargeysa
 

 


Waxaa goobtaas hadalo ka soo jeediyay masuuliyiin farabadan..... Daawo Sawirrada


Salaxley (TNN)- Wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa maanta dhagax dhigay wajigii labaad ee wadada isku xidha Hargeysa iyo salaxlay ee koonfurta magaalada Hargeysa.

munaasibad balaadhan oo loo qaybtay dhagax dhiga wadadan oo la sheegay in ay dhantay dherer keedu 5 km ayaa waxa ka qayb-galay dad aad u farabadan oo ay ka mid yihiin wasiiro ,xildhibaano,gudida gacanta ku haysa wadadan iyo dad kale oo aad u farabadan,gudoomiyaha gudida dhismhaan wadada Rashiid Maxamed Jaambiir oo ugu horayntii uga warbixiyey dadkii ka soo qayb-galay iyo masuuliyiintii xukuumada ka socotay dhagax dhiga 5 KM oo ah wajigii labaad ee dhismahan oo ah mid aad muhiim ugu ah isu socodka bulshada ee dhinaca koonfureed ee magalada Hargeysa.


sidoo kale waxa goobtaas hadalo ka soo jeediyay masuuliyiin farabadan oo ku dheeraaday muhiimada ay wadadani u leedhaay bulshada iyo sida ay bulshadu wax u qabsan karto ayadoo aan xukuumada waxba ka sugin iyadoo wixii ay u qaban kartana u qabanaysa,si kastaba ha ahaatee waxa aad moodaa in ay soo badanayaan baryaan danbe wadooyinka ay dadku iskaa wax u qabso ku dhisayaan intay doontoba ha leekaate.



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland