Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ,Xirsi Cali Xaaji Xasa n,oo ka mid
ah weftiga Somaliland uga qayb gaalaya wada hadalada Somaliland iyo
Somaliya,oo ka hadlay shirka Turkiga uga furmay Somaliland iyo
Somaliya
Istanbul (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi
Cali Xaaji, Xasan oo ka mid ah weftiga Somaliland uga qayb gaalaya wada
hadalada Somaliland iyo Somaliya uga socda Dalka Turkiga ,ayaa
sheegay in ay beesha Caalamka iyo Dawladda Somaliyaba gaadhsiinayaan
mawqifka Madax banaanida Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada, ayaa bartiisa mareegta ku baahiyey qoddobada ay shirka la tageen, ayaa ku bilaabay
hadalkiisa:-
Waxaa si toos ah u furmay wada hadaladii aan la lahayn dawlada aan
jaarka nahay ee Soomaliya, waxaan fadhinaa madal marag iyo markhaati
leh, waxaa kulankan marti galinaysa dawlada Turkey-ga, balse
caalamka oo dhan ayaa codkeena maqlaya.
Waxaan fadhinaa Geed aan uugu gar- naqsanayno beesha caalamka iyo
dawlada Soomaliya-ba, waxaan miiska saarnay wixii naloo igmaday oo
ah gaadhsiinta codka shacabkayaga meel dheer.
Maalmaha soo socda waxaa lasoo saari doona qodobada xayn daabka u
noqon doona wada hadalkan “Ajenda”-yaashi kulankan,
Waxaan qalbiga ku haynaa yoolka kulamadan oo ah in aan beesha
caalamka iyo Soomaliya-ba ku qancino in codka aan ku hadlayno yahay
mid ku qotoma afti shacab iyo rabitaan umaddeed.
Waxaan Rajaynaya in Caalamku ku Qanco in Somaliland tahay Qaran
Qiraal u Baahan.
|