Wasiirka Qorshaynta oo Soo bandhigay Qaabka ay u
maamulaan Deeqaha waxqabadka ee JSL ee
2003-2008
Hargeysa(Longlivesomaliland News)
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare)
ayaa ka waramay nidaamka ay umaamuleen Deeqaha Waxqabadka ee
Somaliland.
Taasi oo uu ku faahfaahiyay shirjaraa,id oo maanta ku qabtay
xafiiskiisa kasii oo udhignaa sidan.
Waxqabadkii Wasaaradda ee sannadihii 2003-2008.
I.Hordhac.
Warbixintani waxa ay si kooban uga warbixinaysaa waxqabakii
wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Isuduwidda iyo Xidhiidhka Hayadaha
Caalamiga ah ee Sannadkii 2003-2008. Warbixintu waxay sheegaysaa
waxyaabihii muhiimka ahaa ee u qabsoomay wasaaradda dhinacyada
qorshaynta, isuduwidda iyo xidhiidhinta hay’adaha caalimiga ah iyo
ururinta, qiimaynta iyo adeegsiga xogaha dalka sida dhaqaalaha,
adeegyada Bulshada ee kala duwan shada.
II. Waajibaadka Wasaaradda
1-Ururinta baahiyaha Horumarineed ee dalka
2-Kala horreysiinta muhiimadda baahiyaha Horumarineed
3-Diyaarinta qorshaha horumarinta dalka mid dhow, dhexe iyo dheerba
4-Diiwaangelinta hay’adaha aan dawliga ahayn
5-Isuduwidda deeqaha caalamiga ee dalka imanaya
6-Hubinta iyo qiimaynta deeqaha caalimiga ee dalka
7-Ururinta xogaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada
8-Qiimaynta iyo ku go’aan qaadashada xogahaas
9-Diyaarinta qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka
10-Diyaarinta qorshaha tayeynta hay’adaha Dawladda
11-Ururinta iyo hawlgelinta aqoon yahannada dalka
12-Diyaarinta Miisaaniyadda Horumarinta ee sannadka
13-Qaadista Tiro koobka dadka iyo xoolaha
14-Kala talinta Wasaaradaha kale Arrimaha Dhaqaalaha iyo Qorsheynta.
15-Wada xaajoodka heshiishyada Gargaarka farsamo iyo Deeqaha
16-Diyaarinta Barnaamijka Horumarinta Xoogga Shaqaalaha
1. Qorshaynta Qaranka
1.1. Qorshaha Stratejiyadda Horumarineed iyo Dhimista Faqriga ee
2002-2005.
Marka xaqiiqda laga duulayo xaaladda aqoonsi la’aanta ee ay
Somaliland ku sugantahay maaha mid u saamaxaya in ay kaligeed
samaysato oo ay fuliso qorsho horumarineed. Sidaas awgeed,
barnaamijkan kor ku Xusan maaha mid ay kala qayb gashay
diyaarintiisa Beesha Caalamku, Somalilandna keligeed uma lahay awood
dhaqaale oo ay ku fuliso. Sidaas baanu barnaamijkaasi ku hirgelin.
1.2 Barnaamijka Dib u Dhiska iyo Horumarinta Somaliland ee 2008-2012
Barnaamijkan waxa la bilaabay diyaarintiisa sannadkii 2005, iyadoo
ay iska kaashadeen Xukuumadda Somaliland, Qaramada Midoobay iyo
Baanka Adduunka oo ay taageerayaan Deeqbixiyayaashu. Barnaamijku
waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo kala ah:
1.2.1 Horumarinta Adeegga Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka,
Biyaha iyo fayo-dhowrka iyadoo la tayeynayo shaqaalaha arrimaha
Bulshada ka shaqeeya
1.2.2 Horumarinta Dhaqaalaha iyo yareynta Faqriga, iyadoo la
horumarinayo dhinacyada wax-soo-saarka sida Kalluumaeysiga, Xoolaha,
Beeraha, Beeyada, Ganacsiga Gaarka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si
loo helo wax la dhoofiyo oo laga helo lacag adag iyo shaqo abuurid.
1.2.3 Adkeynta Nabadgelyada iyo Tayeynta Hayadaha Dawladda iyadoo
xoogga la saarayo diyaarinta Stratejiyada, siyaasadaha, nidaamyada
iyo qaabdhismeedyada Hayadaha Dawladda. Waxa sidoo kale la
tayeynayaa shaqaalah dawladda ee halbowlaha u ah fidinta adeegyada
Bulshada.
Waxa Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah, Baanka Adduunka iyo Qaramada
Midoobay Ballaqaaday Bixinta kharajka barnaamijkan oo dhan $ 550
Million. Barnaamijkan fulintiisu waxa ay u qaybsantaa saddex qaybood
oo kala ah
1.2.4 Qorshaha Kala Guurka ee Qaramada Midoobay (UNTP)
1.2.5 Warqadda Istraatejiyada Dalka ee EU, Norway, Denmarka
1.2.6 Warqadda Istratejiyada Ku-meel-Gaadhka ah ee Baanka Addunka
1.3 Istratejiyadda Horumarinta Qaranka(National Strategy
Development)
Barnaamijka Dib-U-Dhiska iyo Horumarinta ma wada daboolayo dhammaan
baahiyaha Horumarineed ee dalka gaar ahaan dhinaca Kaabayaasha
dhaqaalaha iyo cusbitaalada. Sidaas awgeed waxa ay Wasaaraddu
diyaarinaysa barnaamij kaas hore mid ka ballaadhan oo wada koobaya
dhammaan baahiyaha horumarineed ee dalka si meelo kale looga helo
lacag lagu fuliyo barnaamijkaas. Barnaamijkaas oo hadda gacanta lagu
hayo.
2. Maareynta iyo Isuduwidda Deeqaha
Si loogu maamulo la isuguna duwo si hufan dhammaan Deeqaha dalka
imanaya isla markaasna Xukuumadda iyo Hayadahaas kale u nqdaan kuwo
isla xisaabtama, fulintooduna caddahay, waxa ay wasaaraddu
diyaarisay isla markaasna Deeqbixiyayaasha kula heshiisay, Warqadda
Siyaasadda Deeqaha(Aid policy paper) taas oo qeexaysa Ujeedda,
Siyaasadda, Mabaadi’da iyo qaab-dhismeedka loo maamulayo Deeqaha
dalka imanaya, si ay u noqoto waxa la wada leeyahay oo la wada
arkayo qaabka loo maamulayo.
2.1 Warbixintii waxtarka Deeqaha.
Dabayaaqadii sannadkii 2008dii waxa ay Wasaaraddu isugu yeedhay
dhammaan Hayadaha Qaramada Midoobay ee dalka ka shaqeeya iyo kuwa
Caalamiga ahba si ay uga warbixiyaan sannadkaas wixii deeq ah ay
qoondaysteen, wixii soo galay waxa la isticmaalay, meelaha lagu
istimaalay cidda la shaqaysay, ciddii deeqda bixisay iyo caqabadah
ka horyimid. Haddaba warbixintaas oo kooban waxa ay ahayd sida tan:
· In Somaliland sannadkii 2008 loo qorsheeyey lacag dhan
US$165,812,408
· In Somaliland sannadkaas loo ballanqaaday lacag dhan
US$119,808,869
· In Somaliland sannadkaas lagu bixiyey lacag dhan US$70,731,769
· Lacagta la ballabqaaday waxa ay noqonaysaa 72.3%
· Lacagta la isticmaalay waxa ay noqonaysaa 59%
· Lacagtii la ballanqaaday wakhtigaas oo dhan US$49, 077,100 oo
noqonaysa boqolkiiba 41% inaan la isticmaalin wakhtigaas
· Waxa shaqada iyo wadashaqaynta ka hor yimid 54 caqabadood oo u
baahan in la qaado
3. Xafiiska Maareynta Dhaqaalaha Guud
Furitaanka xafiiskani waxa uu ka yimid Shir ay wada yeesheen
Xukuumadda Somaliland Baanka Adduunka, kaas oo lagu qabtay magaalada
Addis-Ababa ee dalka Ethiopia. Waxan ka soo baxay in Somaliland laga
tageero Dhaqaalaha horumarinta, Somalilandna samaysato nidaam lagula
xisaabtami karo oo muuqda. Waxa la isla gartay xafiiskan oo
qaabilsanaandoona Dhaqaalaha Guud iyo maamulka Hantida Qaranka in la
sameeyo lana hoos keeno Wasaaradda.
Ujeeddada Xafiiska Maareynta Dhaqaalaha Guud waa habaynta iyo
Diyaarinta Horumarinta Guud ee Dhaqaalaha dalka taas oo ku salaysan
aqoon iyo cimi baadhis. Siyaasad kasta oo dhaqan-dhaqaale oo
xukuumaddu qaadanaysaana waa inay ku salaysnaataa aqoon iyo cilmi
baadhis. Xafiisku waxa kale oo uu u xilsaaranyahay fulinta
Barnaamijka Dib u dhiska iyo Horumarinta.
Xafiiska waxa ka shaqeeya ilaa toban qof oo aqoontoodu sarreyso
kuwaas hadda ku hawlan diyaarinta siyaasadihii iyo barnaamijyadii
lagu horumarinlahaa dhaqaalaha dalka isla markaana lagu fulin lahaa
barnaamijka Dib-u Dhiska iyo Horumarinta
4. Adeegga La Talinta Farsamo ee Qaranka (National Consultancy
Service)
Wasaaraddu iyadoo ka duulayasa siyaasadda Xukuumadda ee shaqo
Abuurista aqoonyahanka, waxa ay isugu yeedhay khubarada aqooneed ee
reer Somaliland si ay ugu dheerri geliyaan isla markaasna ugu
fududayn lahayd sidii ay aqoonayahankaasi u samaysan lahaayeen urur
kulmiya oo ka shaqeeya danahooda. Wasaarddu waxa ay siisay xafiis
iyo dhammaan adeegyadii kale ee ay u baahnayeen, si ay u smaystaan
ururkaas.
Aqoonyahaniintaas waxa u hirgalay in ay samaystaan guddi,
guddigaasna ay marti qaadaan dhamman aqoonyahanka inta ay ka
gaadhayaan si loo helo sharciyadda ururka iyo xubniisii. Waana lagu
guulaysatay samaynta urur kaas oo kulmiya aqoon yahaniinta
Somaliland, waxana ay leeyihiin Website. Wasaaraddu waxa ay u dirtay
qoraal ay ku amrayso dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda iyo Hayadaha
Qaramada Midoobay iyo Kuwa Caalamiga ahba inay adeegsadaan
aqoonyahannadan ee anay cid kale dibadda ka keenin.
5. Gargaarka Baniaadanimo
5.1 Gurmad Taageero.
Waxaa Wasaaraddu u gurmatay sanadkii 2007 degmooyin badan oo ay
aafeeyeen dabaylo, daadad iyo roobab waxyaalo gaystay , waxaana la
qabtay waxyaalaha soo socda.
Burco:
Boqolaal qoys ayaa raashin loo qaybiyey baco iyo darmooyin loo
qaybiyey. Waxa kaloo la maalgaliyey leexinta ililadihii daadku
keenay dayactirna lagu sameeyey wadooyinkii uu daadku waxyeeleeyey.
Allay- baday
90 saacadood oo loo qoday balliyada, 20 mashiin oo kuwa biyaha ah
iyo 1000 mitir oo tuumbooyinka biyaha ah iyo siidhka beeraha.
Bali cabanay, Gumar
300 oo qoys raashinkood, Baco iyo darmooyin. Waxa kale oo loo dhisay
saddex fasal oo dugsi hoos
Baki, Boon
150 qoys raashinkood, baco, iyo bustayaal. Waxa kale oo loo dayac
tiray dugsi hoose iyo Xarunta Hooyada iyo dhallaanka.
Berbera
300 qoys raashinkood, weelka maacuunka, bustayaal iyo baco.
Ceegaag
250 qoys raashinkood, 3 bilood oo biyo ah, 20 musqulood
6.2 Gurmad Baniaadanimo
Wasaaraddu waxa ay gurmad degdeg ah ka gashay Abaaro soo
noqnoqonayey oo muddooyinkii u danbeeyey ku habsaday dalka.
Wasaaraddu iyadoo la kaashanaysa Hayadaha Caalamiga waxay gargaar
cunto iyo biyo ahba Gaadhsiisey Dhammaan Gobollada dalka oo dhan.
Sannadkan Gudihiisa waxa ay Wasaaraddu si joogto ah muddo saddex
bilood ah cunto ugu qaybinaysay dhammaan gobollada dalka gaar ahaan
saddex gobol ee bariga, Togdheer, Sanaag iyo Sool taas oo illa hadda
socota.
6. Waaxda Xog-Ururinta iyo Cilmi-Baadhista
6.1 Waaxdani waxa ay u xilsaarantahay ururinta, keydinta, fidinta
iyo isticmaalka dhammaan xogaha dalka taas oo loo adeegsado go’aan
qaadashada siyaasadaha xukuumada iyo diyaarinta Qorshaha
Horumarineed ee dalka. Sidoo kale waxa ay cilmi baadhis ku
samaeeyeen arrimo gaar ah oo aqoon dheeraad ah looga baahan yahay
hadba sidii loogu baahdo.
Waaxdu waxa ay soo saartaa Buug yaraha caanka ee loo yaqaan
Somaliland in Figures, Buuggaasi waxa uu soo baxay sannadihii 98/99,
2001/2002, 2002/2003, waxa kale oo hadda la daabacayaa buug koobaya
sannadihii 2004-2007. Buuggani waa ka kaliya ee ka soo baxa dalka
waxanu ku siinayaa dhamaan xogaha maamu l ee dalka looga baahan
yahay sida wax-soo-saarka, dhoofinta iyo soo dejinta, dhaqdhaqaaqa
badeecadaha iwm.
6.2 Waxa kale oo ay soo saaraan daabacadda la yidhaa (Statistical
Bulletin) kaas oo saddex- biloodle ah. Xogsihani waxa uu
xambaarsanyahay xogaha qiimaha ascaarta iyo isbeddelkooda,
isbeddelka sarrifka lacagaha, isbeddeleda dhoofka iyo wax soo
dejinta iwm.
6.3 Waaxdu waxa kale oo ay tabobar ku saabsan xog ururinta iyo
Qorshaynta u samaysay ku dhowaad 100 qof oo ah shaqaalaha waaxaha
iyo qaybaha Qorsheynta iyo xog ururinta ee dhamman hayadaha Dawladda
iyo Gobollada iyo Degmooyinka kaas oo soconayey muddo siddeed
maalmood ah oo lagu qabtay qabtay degmada sheekh
7. Wada shaqaynta Hayadda WFP
Wasaaraddu waxa ay xidhiidh wada shaqayneed oo hor leh la yeelayatay
Madaxda Sare ee Hayadda Cuntada Adduunka si Cuntada mucaawinadu u
gaadho dadka u baahan muddo kooban isla markaana la kordhiyo.
Cuntada gargaarka waa la saddex laabay iyadoo halkii 400 ton bishii
laga bixin jiray waxa la gaadhsiiyey 1200 ton bishii, waxa kale oo
la sameeyey guddi wada jir ah oo ka kooban Wasaaradda iyo Hayadda oo
wada eega mashaariicda dadka ay soo qortaan iyadoo loo fududeeyey
sidii ay u codsan lahaayeen dadkii u baahnaa ee tuulooyinku.
Labadii sano ee 2007 iyo 2008 waxa dadweynaha loo sii daayey
mashrriic ku dhow 1000 mashruuc oo dhammaan gobollada dalka la wada
gaadhsiiyey, kuwaas oo lagu fulinayey dhinacyada horumarinta
beeraha, berkadaha, waddooyinka, ka hortagga carro guurka iwm.
Iyadoo laga duulayo maciishadda kor u kacday iyo abaaraha so
noqnoqonaya waxa ay Wasaaraddu mar kale ku guuleysatay inay
gargaarka cuntada gaadhsiiso ilaa 3500 ton bishiiba.
Wasaaraddu waxa ay hadda ku hawlan tahay in ay Hayadda la gasho
heshiis cusub oo lagaga wada shaqaynayo mashaariic waaweyn oo muuqda
oo dalka waxtatr u leh. Wasaaradda iyo Hayaddauna arrintan mada’a
ahaan way isla qaateen waxa keliya oo dhiman in la diyaariyo
barnaamijkii lagu hawl geli lahaa mustaqbalka dhow.
8. Xidhiidhka Hayadaha Caalamiga
Waajibaadka Wasaaradda waxa ka mid ah xidhhidhka Hayadaha Caalamiga
ah. Sidaas awgeed, Siyaasadda wasaaradda waxa ka mid ah in xidhiidh
wanaagsan oo wadashaqayneed lala yeesho, dhammaan Hayadaha ay
wasaaraddu la shaqayso. Haddaba si xidhiidhkaas loo horumariyo
wasaaraddu waxa ay xidhiidh wada tashi la yeelatay.
8.1 Hayadaha Qaramada Midoobay.
Wada tashi iyo isqancin ka dib waxa ay Xukuumadda Somaliland oo ay
wakiil ka tahay Wasaaraddu iyo Hayadaha Qaramada Midoobay ku
heshiiyeen qodobadan:
8.1.1 In Somaliland loo sameeyo Hal Barnaamij oo horumarineed
8.1.2 In Hayadaha QM kor u qaadaan awoodda xafiiskooda Somaliland
8.1.3 In shaqaalaha Hayadaha QM aqoontooda iyo tayadooduba sarreyso
8.1.4 In heerka nabad gelyada ee Somaliland kor loo qaado
8.1.5 In ay adeegyadooda gaadhsiiyaan gobollada Bariga ee dalka
8.2 Hayadaha Samafalka ee Caalamiga ah
Sidoo kale waxa ay wasaaraddu wada tashi la yeelatay dhammaan
Hayadaha Samafalka ee Caalamiga ah ee dalka ka shaqeeya, kuwaas oo
gabagabadii lagu heshiiyey in qodobadan soo socda:
8.2.1 In Hayaduhu u hoggansamaan dhammaan shuruucda dalka
8.2.2 In marka Hayaduhu Diyaarinayaan Barnaamijkooda kala tashadan
Wasaaradaha ay khusayso iyagoo tixgelinaya baahiyahood
8.2.3 In Hayaduhu samaystaan Xidhiidhiye Hayadahay iyo Wasaaradda
8.2.4 In Hayaduhu adeegooda gaadhsiiyaan gobollada Bariga.
9. Horumarinta Ganacsiga Gaarka ah
Xukuumadda Somaliland iyo Baanka Adduunka waxa ay si gaar ah ugu
wada shaqaynayaan horumarinta Ganacsiga gaarka oo ah halbowlaha
horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurista. Sidaas awgeed,
waxa si wada jir ah wasaaradda iyo Baanka Addunku u soo wada qaban
qaabiyey shir lagu qabtay Djibouti oo ay wasaaraddu Hoggaminaysay,
kaas oo lagaga wada hadlay horumarinta qaybaha Kalluumaysiga,
Beeyada iyo xabkaha iyo sidii loo hirgelin lahaa barnaamijka wada
shaqaynta Dawladda iyo Shacbiga.
Wajigii hore ee shirka oo la soo gaba gabeeyey waxa la isla qaatay
in muhiimadda la siiyo horumarinta Kalluumaysiga, Beeyada iyo
Xabkaha si loo abuuro shaqo abuuris iyo wax dhoofin laga helo lacag
adag oo dalka soo gasha.
10. Sharciga Ururrada Samafalka ee Wadaniga ah.
Waxa Wasaaradda ka diiwaan gashan in ka badan 1000 urur oo samafal
wadani ah kuwaas oo inta badan ay u jiraan magic ahaan uun. Haddaba
si loo helo ururo wax ku ool ah ummaaddana u faaiideeya waa in la
helaa sharci lagu hago oo lagu maamulo kaas oo u saamaxaya in ay si
habsami u socod ah u gutaan waajibaadkooda, isla markaana loola
xisaabtami karo hantida ummadda ee ay gacanta ku hayaanna noqoto mid
muuqata oo lawada arkayo maamulkeeda.
Sharcigu waxa kale oo uu meesha ka saarayaa ururrada ku gafa
sharciga ama lunsada hantida ummadda, sidoo kale waxa uu darajooyin
kala siinaya urrurrada sida wanaagsan u shaqeeya iyo ku aan shaqayn,
si kuwa shaqeeyaa u helaan dhaqaalihii ay u baahnaayeen, ee ay
ummadda awx ugu qaban lahayeen.
11. Dhismaha Xarunta Wasaaradda
Waxa Wasaaradda u suurta gashay inay ku guulaysato in ay dhisato,
dhisme saddex dabaq ah oo ay ku baxayso lacag dhan US$ 230,000.
Dhismahaas oo uu Madaxweyne ku xigeenku dhagaxii ugu hoorreyey
dhigay 7dii September 2009. Dhismahaas oo meel isugu wada keeni
doona dhammaan shaqaalaha Wasaaradda oo hadda ku kala jira afar
Dhisme.”
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa/Somaliland
|