Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo sheegay Sanduuqii Horumarinta
Somaliland filaysay in uu dib u dhacay
Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Sacad
Cali Shire ayaa waah een siiyay waraysi gaar ah oo uu kaga waramay
arrimo sacadbadan oo saameeya Mashaarii cda Horumarineed ee sanadkan
loogu talogalay in Dalka laga fuliyo, kuwaas oo aan wali suur
togelin, sidoo kale waxa uu kaga waramay qaabka dhaqaalahaasi dalka
u soo galo iyo sida uu wax uga qaban karo shaqo abuurka dadweynaha
Reer Somaliland u baahan yihiin.
Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu u dhacay sidan:-
S: Wasiir waxa aad balanqaadeen mashruucii Horumarinta Somaliland
inaad bilaabayseen bishan, dhawaana kulanbaad ku qabateen Ambassador
maxaad nooga sheegi kartaa mashaariicdii Sanduuqaasi loogu talogalay
goorta la fulinayo?
J: Bisha sadexdeedii waxa isku yimi guddidii wadajirka ahayd, waxay
wasaaraduhu soo bandhigeen mashaariicdoddii dabadeedna waxa la isla
gartay in mashaariicda wixii ka dhiman la soo dhamaystiro,
dabadeedna lagu celiyo gudida qorshaha gudida qorshuna markaa soo
dhamaystirto dabadeedna loo gudbiyo shirkaddii u xil saarnayd
fulinta.
Shirkadda u xil saaran fulinta waxa la magacaabay bishii April,
heshiiskii waxa la siiyay bishan, wali hawshii muu bilaabin, waxaan
rajaynayaa bishan inuu bilaabo oo uu yimaado oo uu xafiiskii
dhamaysto dabadeed markay guddida qorshaynta qaranku soo dhamayso
mashaariicdii in iyaga lagu wareejiyo , dabadeedna markaa iyagaa
bilaabaya fulintii, Sanadkan waxaan u malaynayaa haddii ay u soo
horayso oktoobar ama November mashaariicdu way bilaabmayaan.
Anaga xagayaga wuu ka soo dhamaaday, anaga xagayaga waxa ku dhiman
uun in guddida qorshaynta qaranku ku raacdo uun markaa waxa loo
gudbinayaa guddida wadajirka dabadeedna fulinta oo ah shirkadda.
Tusaale ahaan haddii biyo la qodayo waa in shirkaddu qandaraas ku
bixiso cidii biyaha qodaysay.
S: Wasiir sanadkan siyaasadda Miisaaniyadda waxa ku jiray mashaariic
horumarineed waliba adiga iyo wasiirka Maaliyadda ayaa la idiin xil
saaray sadex biloodkiiba in aad warbixin ka soo saartaan
Mashaariicdaasi ma muuqato, warbixin aad soo saarteena ma jirto
maxaa dhacay?
Waa runtaa oo sanadkan siyaasadda miisaaniyadda qaranka waxa ku
jirtay qayb horumarineed, waa sax labada wasaaradood ee Maaliyadda
iyo Qorshayntu in ay dabagal sadex biloodle ah sameeyaan bay ahayd
maanaan samaynin wali, laakiin insha allaah marka ugu horaysa ayaanu
samayn doonaa, waanu kala mashquulnay hawlo farabadan baa soo galay
markaa wali maanaan samayn.
S: Markaa maxaaad nooga sheegi kartaa mashaariicda aad sheegayso
inaad hirgaliseen?
Walaahi waxaan filayaa mashaariicdu inay sidoodii u socdaan, waxaan
kaaga sheegi karaa anagu wasaarad ahaan oo kale mashruuc cilmi
baadhis ah baanu wadnaa, wuu noo socdaa markaa cilmi baadhistaasi
waxay tahay in aanu ogaano baahida ka taagan goboladda, mashruucaasi
kabacdi waxaanu ka soo saaraynaa qoraal baahiyihii gobolada ah,
dabadeedna sidaas baanu u isticmaalaynaa markaa waxaan filayaa
wasaarad kastaa sidii loogu talogalay inay u wado, inkasta oo
dakhligeenu yar yahay, waad taqaanaayoo inaga dakhligeenu waa
mushahar iyo shiidaal iyo qalabka xafiisyadda, markaa wuu yar yahay,
hadana waa dedaalnaa oo meelo badan baa wax laga hirgeliyay waxa ka
mid ah wasaaradda Kalluumaysiga oo kale, dhisme weyn bay dhistay
waxa uu ka mid ahaa mashaariicda horumarinta. Wasaaradda ciyaarahana
sidaasoo kale, wasaaradda xanaanada xoolaha waa sidaasoo kale, gidi
waxa maal-geliyay dawladda. Way jiraan xafiisyo kale oo ay noo
maal-geliyeen hay’adduhu sida Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Maaliyadda
iyo Arrimaha gudaha qaarkoodna way dhamaadeen, qaarkoodna way
socdaan.
S: Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada waxa
soo gala dakhliyo ay ka helaan Hay’addaha Caalamiga ah iyo
Dawladdaba waxaanay ahayd in lagu xareeyo qasnada dawlada maxaad
nooga sheegi kartaa ilaa hada lacagaha wasaaradahaas soo galay?
J: Horta sidaan hore kuugu sheegay wixii ku saabsan mashaariicda
horumarinta guud ahaan waxa ina siiyaa waa hay’adaha Ajanabiga ah,
ama Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ha ahaadaan ama Hay’adaha
Caalamiga ah ha ahaadeene, guud ahaan waa sidaas, hase yeeshee
wasaaradaha way ku kala badan yihiin. Wasaaradda Tacliinta iyo
Wasaaradda Caafimaadka ayay ugu badan yihiin; waayo waa labada adeeg
ee bulsho wax aliyaala waxa adeeg caafimaad inoo furan iyagaa
bixiyay 90%, hadana imika kuma odhan karo waa intaas dhaqaalaha ay
ina siiyaan.
Waxa aanu go’aansanay in sanad walba aynu yeealano laba dakhli.
Dakhliga Dawlada iyo Dakhliga Hay’adaha, sidaa awgeed Hay’adaha
waxaanu ka codsanay ilaa laga bilaabo kal hore in ay noo soo
gudbiyaan wax allaale wixii dakhli ah ee ay ina siinayaan ama
mashaariic ah, noomay suurtogelin illaa iyo hadda laakiin imikay noo
soo dhamaatay waana gabagabo oo hada waanu garan karnaa inta
mashruuc ee ay noo fuliyeen, hadana wax kastaa waa ku talagal
inkasta oo wixii lagu talogalay aanay wada dhacayn imika halkan kuma
hayo, laakiin waan idin siin karnaa wixii ay bixiyeen ama ha ahaato
caafimaad ama ha ahaato Tacliin
S: Maalmahan waxaad ku mashquulsantihiin mashruuca shaqa doon.
Maadaama oo aydaan illaa hada wax mashruuc horumarineed ahba aydaan
fulin wali, sidee bay idiin ku hirgeli kartaa inaad shaqo abuur
samaysaan?
J: Malaha dhinac bay kaa dhaafeene mashaariic horumarineed way
fuleen oo dhismayaashii baa ka mid ah aan kuu sheegayay, way fuleen
laakiin waxa kala badan shaqada aan ku abuurnay mashaariic iyo dadka
inoo soo baxaya ee doonaya shaqada wixiina is dabooli maayaan ilaa
la helo maal-gelin. Maal-gelintaas midi waxay ka timaadaa dadka
gaarka ah ee Ajanabiga ah adeegyada Baananka oo kale waa caqabadaha
ina hortaagan ee yareeya Maal-gashigii tooska la inoo maal-gashan
lahaa iyo kaabayaashii kale.
Arrinta labaad waxa weeyi waa daymaha laga qaato baanankan waaweyn
ee caalamiga ah gaar ahaan kuwa horumarka loogu talogalay ama ha
noqdaan caalami ama goboleed taasna dayn kama qaadan karno,
dakhligeenuna wuu yar yahayoo inta mushahar loogu talogalay weeyaan,
ta sadexaad waxa weeyi shicibweynaheena, shicibweynuhuna wuu
maal-gashadaa waa idinka arkaya waxa ganacsi socda, laakiin xaga
wershadaynta oo kale oo ahayd meelaha shaqo abuurku ka samaysmi
lahaa waa idinka arkayoo wuu yar yahay oo waa mid jirta, takale
dhibta jirtaa waxa weeyi dhinaca Tamarta.
Waxa la furay konton wershadood waxa shaqeeya labaatan in ka yar,
inta u badani waxay u xidhmeen way is bixin waayeen, taas laftigeedu
mushkiladaha ayay ka mid tahay, markaa marka aad isu geyso
carqaladaha dhinaca maal-gelinta ayaa waxay keentay shaqo abuurkii
inuu yaraado, halka dadka shaqo doonka ahi ay soo badanayaan markaas
taas weeyi mushkiladeenu
S: Laakiin wasiir mushkiladaha intooda badan idinkaa la idinku
eedaynayaa tusaale ahaan korontadii Itoobiya ilaa hada xagiinay ka
dhaqaaqi la’dahay oo heshiiskii hortaagan, wasaaradaadu Hay’adihii
yaraa ee dalka imanayay ayay shuruudo adag ku xidhay, shiidaalkii oo
kale waxaasi miyaanay jirin?
J: Wax caqabad ah oo ay xukuumadda Somaliland hor dhigtay cid
doonaysa inay dalka maal-gashato horta ma jirto, aad baa loo soo
dhaweeyaa cidii doonaysa dalka inay maal-gashato waxaana qeexa
sharciga maal-gashiga dibeda midna ka gudaha, qof wuxuu sharcigu
siinayo oo loo diiday ma ogi mana jirto. Sharciga ganacsigu runtii
wuxuu hoos yimaadaa wasaarada ganacsiga iyo Wershadaha markaa shirar
badan baanu ka qayb galnay in la soo dhaweeyo mooyee runtii ma jirto
in la fogeeyo, dadka qurbahana in badan baanu ku wacyigelinay inay
dalka soo maal-gashadaan.
Dadka ajanabiga oo kale waxay la soo degaan lagama cashuuro,
shaqqalahooda way keeni karaan kuwa kale ee muwaadiniinta ahna waa
sidaas oo kale, markaa runtii waxaan ahayn carqaladahaas gacanteena
ka baxsan mooyee wax kale ma jiraan. Imika dhawr iyo labaatan sano
baynu dawlad ahayn dee dhawr iyo labaatankaa sano dawladihii soo
maray waxbay qabteen, haddii anagu aanu waxba qaban weynay oo wax
socday jireen oo ay hoos u dhaceen waa la arki lahaa oo may dhicin,
runtii wax kor u kacay mooyee ma jiraan, aad baana runtii la inoo
daneeyaa imika. Dawlada way ka go’antahay inay soo dhaweyso
maal-gashiga waanay ogtahay inaan si kale shaqo loo abuuri Karin
maal-gelin mooyaane, laakiin waxa jira meelo laga fikirayo
Maal-gashigooda.
source:waaheen
|