Wasiirka Shaada iyo Arrimaha Bulshada Oo Maanta Dhagaxdhigtay Goob Loogu Tallogalay Daryeelka Haweenka Darxumaysan



Hargeysa, 28, Nov, 2010-(TNN)- Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland Marwo Ilhaan  Maxam ed Jaamaca, ayaa dhagaxdgigtay maanta Xarunta Daryeelka iyo xannaanaynta haweenka dhimmirka wax ka qaba ee ku baylahsan magaalada caasimadda.

Munaasibadda dhagaxdhiga Xaruntan oo ku taalla cidhifka Koonfur-bari magaalada Hargeysa waxaa  goob joog ka ahaa Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa,ahna ku-simaha duqa caasimadda Maxamed  Cab dillaahi Uur-cadde, Xoghayaha dawladda hoose Deeq Xisri, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada Maxamed Raage Ibraahin, Agaasimaha waaxda dhulha ee dawladda hoose Xaashi Cumar Cigeh iyo Madaxa xuquuqda caruurta iyo haweenka ee Hay'adda ODXA Marwo Luul Xasan-mataan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan oo hadal kooban ka jeedisay Xarunta loogu  tallo galay haweenka, ayaa ka hadashay baahida loo qabo inay haweenka xannuunsanayaa helaan goob lagu daryeelo, "Waxaynu u baahanay haweenka baahan inay caawino oo ay helaan meel lagu ilaaliyo oo ay ka heleen cunto, daryeel iyo hurdo. dawladu waxba ka hakran mayso, waxayse taageero uga baahantahay shacabkeeda, ganacsatada iyo qurbojooga, annagana waxaa naga go'an inaanu albaab kasta u garaacno dhismaha aynu maanta dgaxdhigiisa joogno." ayay tidhi Wasiiradu.

Wasiir Ilhaan waxay dareen damqasho leh ka muujisay dadka dhimirka wax ka qaba ee inta badan lugeeya dhulka xeebaha Somaliland "Waxa aad ii damqa dadka xannuunsanaya ee lugeeya dhulka xeebaha ah, wax aana noo qorshaysan inaanu u samayno goob lagu hakiyo oo meel dhexe ku taalla, wixii aanu qaban kari waynana waxaannu ka sugaynaa shacabka."

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada waay mahadnaq ballaadhan u jeedisay dawladda hoose ee  caas imadda oo ay sheegtay inay saddex cisho ka hor ka codsatay dhulka, iyaguna ay si deg deg ay u fuliyeen, kuna diyaariyeen dhulkan.

Maayar-ku-xigeenka caasimadda, ahna ku-simaha maayarka Maxameed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa  dad weynaha iyo ganacsatada ka codsaday inay ka qayb galaan xarunta haweenka loo dhisayo ee aanay cid kale wax ka sugin, si la mid ah sidii ay gacanta uga geysteen Xarunta loo dhisay derbi-jiifka oo aan  masa afo ahaan ka fogayn goobta cusub ee loo dhisayo haweenka, waxaanna uu Maayar-xigeenku tilmaamay inay shacabku gaadhi karaan horumar kasta oo ay doonayaan haddii ay gacmaha isqabsadan oo wax  wa da qabsi la yimaadaan.

Maayar-ku-xigeenku waxa uu sheegay inay dawlad hoose ahaan shanta degno ee caasimadda ku  diyaary een dhul loogu tallogalay goobaha adeega danta guud, waxaannu yidhi " Waxaannu halkan ka sheegaynaa wax allaale wixii dan guud loo baahdo inaanu ku hayno shanta degmo ee caasimadda nooc kasta oo ay tahay."

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi, ayaa tilmaamay sida ay uga go'antahay ka  qayb ga lka goobaha danta guud iyo horumarintoodaba, waxaanni yidhi Xoghayuhu, "Maamulka caasimadda way ka go;antahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta baahida loo qabo intifaacsiga goobaha  da nta guud ee bulshadu u baahantahay."

Xoghayuhu waxa uu mahadnaq gaara u diray shakhsiyaadka iyo shirkadaha ka qaybgala barnaamijyada gargaarka ah ee lagu caawinayo dadka baahan, isagoo xusay baahida loo qabo isku tiirsanaanshaha bulshadu inuu keeno wax-wada-qabsi.


Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Cadaallada Somaliland Maxamed Raage Ibraahin, ahna xubin ka mid ah Gudida Cadaalada oo isaguna ka hadlay munaasibadaas, ayaa guul ku tilmaamay dhammaystirka goob  lo ogu tallogalay in lagu hayo caruurta derbijiifka ah oo uu sheegay inay fikirkeeda lahayd Hay'adda  Wadani ga ODXA oo ku dhaw goobta laga sammaynayo xatuntan loogu tallogalay haweenka.

Agaasimuhu wa uu ka hadlay baahida keentay xaruntan haweenka, waxaannu yidhi "Waxa muuqata baahi deg dega oo ka dhalatay hablo lagu arko shaarcyada magaalada Hargeysa, waa meesha ugu xun ee bilow aadamku gaadho in haweenkoodu derbiyada jiifsadaan, arrintan waxaan u sheegay wasiirka shqada, way soo dhawaysay, islamarkaana dawlada hoose waxay muujisay inay garan taagantahay , gobollada kale oo dhana waanu tegaynaa, iyadoo laga hireglin doono goobo lagu hayo dadka isku filaan waayay. waxaan  te gi doonaa Yurub si aan caawimmo uga raadiyo gabdhaha masaakiinta ah ee shaaricyada Hargeysa  carar aya."


Agaasimuhu waxa uu baaq u diray qurbojooga, waxaannu yidhi "Waxaan la hadlayaa qurbojooga meel  ka sta oo ay joogaan 'dadkiinii idinkay idin sugayaan wax yar oo aad ku soo caawisaan ayaa u dhisi kara  goo bo lagu daryeelo kuwa baahan, meel kasta oo aad joogtaan waxaan nafihiina iyo tayda ku dardaarayaa inaynu gurmad qaran galno oo dadka wax loo qabto, dadka Yurub tegay ee biyaha, laydhka iyo  caafimaa dka helay waxaan leeyahay dadkiinii ma haystaan ee waanu idin sugaynaa."


Madaxa xuquuqda caruurta iyo haweenka ee Hay'adda ODhA Marwo Luul Xasan-mataan oo iyana halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay inuu dhammaan ku dhawyahay dhismaha Xarun loogu tallogalay Caruunra derbi-jiifka ah oo ay kormeer ku soo mareen ka hor intii aanay dhagaxdhigin Xarunta Haweenka loogu  tall ogalay, waxaanna ka mid ahaa hadalladeeda, "Mar labaad maanta waxaynu dhagaxdhigaynaa Xarun loogu tallogalay haweenka dhimmirka wax ka qaba, waxaana muuqata inay dawladda hoose ka midho dhalisay samofalka dhulka danta guud, goobtana waxa noqon doontaa xarun lagu daryeelo haweenka suuqa ku  da yacan oo lagu xanaaneeyo."


Agaasimaha Waaxda dhulka dawladda Hoose Eng. Xaashi Cumar Cigeh, ayaa sheegay inay diyaariyeen  qo rshe shan sannadood ah oo ay ugu tallogaleen in wasaaradaha qaranku wixii ay dhul dan guud ah u  baah daan ay siin doonaan oo ay u hayaan.

Inaa ka bacdi, waxay saddexda agaasime dhagaxdhigeen Xarun loogu tallogalay Caruurta debmiyada gasha oo ku taalla Bariga Magaalada

 



Ahmed Mahamed (Shaqale)