Wasiirka Warfaafinta Oo sheegay inay Puntland dusha ku qaadi doonto masuuliyada weerarkii weftiga



 

Hargeysa 10 August,2011(TNN)-Wasiirka Wasaarada warfaafinta Md.Axmed Cabdi Xaabsade oo shir jaraa’id caawa ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta ee caasima da Hargaysa ayaa daboolka ka qaaday in maamul goboleedka Puntland ay mas’uul ka yihiin dh acdadiii saaka lagu bartilmaameedsaday wefti uu hogaaminayay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsanaa gudidooda oo ku sii jeeday dhinaca degmada Taleex isla markaana ugu baaqay maamul goboleedka puntland sii daynta xubnaha ay ka qafaasheen deegaankaas.

Wasiirku waxa uu sheegay in weftigan oo saaka ka ambobaxay magaalada Laascaanood ay jidgooyo u galeen Maleeshiyada Puntland isla markaana ay weerareen weftigaasi oo watay lix baabuur isla markaana ay qafaasheen afar baabuur iyo dadkii saarnaaba oo ay geeyeen Garoowe.

Md. Xaabsade waxa uu intaasi ku daray in Puntland ay dusha u ridan doonto masuuliyada kh asaaraha ka dhashay weerarkaasi waxaanu carabka ku dhuftay in xukuumaddiisu ay jawaab ka bixin doonto falkaasi foosha xun.

“Waxaanu leenahay Itoobiya oo nagu dhex dhexaadinaysay nabad geliyada waxaanu u shee gaynaa in ay nabad geliyadii ay jabiyeen Puntland.Haddii aanay Puntland ka noqonin arintaa wixii ka yimaada iyagaa masuuliyadeeda qaadaya Itoobiyana waanu u sheegaynaa anaguna talaabo ayaanu qaadaynaa haddii aanay ka noqon”. Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.

Md. Xaabsade waxa uu ugu baaqay Puntland inay deg deg u soo daayaan gaadiidka iyo masuu liyiinta ay qafaasheenba, waxaanu xusay inay beesha caalamka ku wargelinayso gardarada maamulka Garoowe.

Wasiirka warfaafintu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray ehelada masuulka ku dhintay weerar kaasi iyo kuwa ku dhaawacmayba.


Sidoo kale la taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo xisbiyada Maxamed Mu use Abees ayaa sheegay in wax badan ay ka soo qabteen mudadii ay joogeen gobolka Sool gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada,dhaqaajinta maamulka dawlada iyo arrimo kale .

La taliyaha madaxweynaha ee doorashooyinku waxa uu xusay inay bartilmaameed ka dhigtee n dadkii dadka layn jiray taasina ay soo celisay sida uu sheegay kala danbayntii iyo nabad gal yadii gobolka Sool waxaanu cambaareeyay weerarkan gaadmada ah.


Source: Somaliland.Org