Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo La Kulmay Dhigiisa Koonfurta Suudaan




Juba (TNN):- Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md C/raxmaan Yuusuf Duca ale (Boobe), oo safar shaqo ku jooga koonfurta Suudaan ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Juba wasiirka warfaafinta ee dawlada koonfurta Suudaan.

Safarka uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland ku tegay wadankaasi ayaa ka danbaysay martiq aad ay u fidisay Jaamacada Juba, halkaasi oo ay toddobaadkan ka furatay dood cilmiyeed la gaga hadlayay waaya-aragnimada iyo tubta koonfurta Suudaan ay u martay helitaanka aqo onsigeeda.

Labada wasiir ayaa kulankaasi kaga wadahadlay arrimo ay ka mid ahaayeen wada shaqayn dhex marta labada dal ee Somaliland iyo Koonfurta Suudaan iyo sidii ay labada dal u yeelan lahaayeen xidhiidh dhaw oo dhinacyo badan leh, Sidoo kale labada wasiir waxay si qoto dhe er ugaga wada hadleen kulankaasi iskaashiga labada dal gaar ahaana dhinacyada wacyi gel inta iyo farsamada warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md C/raxmaan Yuusuf Ducaale ayaa Jimci hii hore safarkaasi ugu baxay dalka Koonfutta Suudaan, waxaa ku wehelinayay la-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Shuruucda Prof Aadan Xaaji Cali.

waxaanu safarkoodaasi ka danbeeyey ka dib markii ay martiqaad ka heleen dawlada koonfur ta Suudaan dood cilmiyeedkaasi lagaga hadlayay dariiqa ay koonfurta Suudaan u soo marta y citiraafkeeda iyo waaya-aragnimada ay u leedahay arriahaasi, oo lagu qabtay Jaamacada Juba waxaa qabsoomidiisa iska kaashaday Machad ka dhisan ama ka dhisan dalka Sweden iyo Jaamacada Juba ee Koonfurta Suudaan.

Waxaana kulankaasi dood cilmiyeedka ahaa ka qaybgalay aqoonyahano iyo khabiiro tiro bad an oo ka kala socda wadamo badan. Isaga oo wasiirku marka uu kulankaasi ka soo laabto l agu wado in uu soo maro dalka Itoobiya.

Sida laga warqabo Somaliland muddo dheer waxay raadinaysay inay madaxbanaanideeda aq oonsi uga hesho beesha caalamka, balse aan ilaa hada meelmarin inkasta oo uu dalkan Soma liland uu oofiyay dhamaan shuruucdii iyo shuruudihii looga baahnaa dal jira oo madaxbanaan.
 


Cumar Maxamed Faarax