Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Shirkii Uu Kala Qab Galay Wasiirada Somalia Iyo Maamulka Puntland

 


Sweden (TNN ):-Wasiirka warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga qayb galay shirka maalgashiga Somalia oo lagu qabtay dalka Holand.

Shirkaasi waxaa dhaliilay saxaafadda Somaliland iyo mucaaradka ka dib markii la arkay wasiir Sh ucayb oo dhex fadhiya wasiirka warshadaha Puntland iyo wasiirka warshadaha Somalia.

Wasiir Shucayb ayaa sheegay in si gaar ah loogu casuumay shirkaasi islamarkaana uu tagay isa goo matalaya qaranka Somaliland " Afartii bisha ayaan ka soo baxay wadankeenii, anigoo soo maray itoobiya.
Waxyaabaha aan u imid maxay ahaayeen? Waxaan u imid shaqo dawladeed. Shakhsi ahaan uma iman ee anigoo qaranka Somaliland metelaya oo waxa dalkaygu u baahan yahay iibinaya oo fur sadaha dalkayga soo bandhigaya, waxyaabaha la qaybsanayana inaan qaybtayda helo doonay a ayaan halkan wadamada Yurub u imid,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka ayaa ka sheekeeyay waraaqo ay is dhaafsadeen wasaaradda khaarajiga Somaliland iy o ururka shirkaasi qabanqaabiyay ee Spark " Qolo la yidhaahdo Spark oo ka diwaangashan wad anka Netherland oo qaabilsan awoodsiinta iyo maalgalinta Qurbejoogta ayaa nasoo casuumay. Iyadoo aanu caalamka qaarkood fahmin waxaynu kala nahay Somalia iyo Somaliland, waxaa xu sid mudan inay markii hore nagu soo casuumeen warqad ay ku qoran tahay wasiirada Soomaa lida (Somali Ministers). Warqaddaasi markay xafiiskayga soo gaadhay waxaan u gudbiyay wasii rka khaarajiga. Maxamed Biixi markii aan qoraalka u geeyay waxaanu isla garanay inaanan shir ka ka qayb galin.

Wasiirka khaarajigu warqad buu u qoray uu ku leeyahay shirkaa kama soo qayb galayno hadd aydaan nagu soo casuumin Somaliland oo madax banaan. Intaas waxaa ka dambeeyay in qoladii Spark ay soo diraan warqad kale oo ay ku qoran tahay "Republic of Somaliland minister of forei gn affairs” waxay markaa ka garaabeen rabitaanka shacabka Somaliland. Intaas kadib ayuu wa siirka arrimaha dibada Somaliland u diray warqad uu leeyahay haddii aad ogolaateen inaad Som aliland gaar u soo casuuntaan, waxaan ogolaaday in wasiirka warshadaha Somaliland yimaado shirkaas, sidaas baanan horta ku imid,” ayuu yidhi wasiirka warshadaha Somaliland.”

Wasiirka ayaa sheegay inuu shirkaasi ku bandhigay fursadaha ganacsi ee Somaliland iyo sidoo kale baahiyaha Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay u baahan tahay in wax lagala qabto ay ka mid yihiin Laydhka oo qaali ah iyo sidoo kale ammaanka.

Shirka Netherland ka dhacay ayaa la iskugu keenay Wasiirada ganacsiga iyo warshadaha Soma liland, Somalia iyo Puntland, waxaa kale oo ka qayb galay Qurbejoogta Soomaalida, ruggaha gan acsiga Soomaalida iyo daneeyeyaal kale. Waxaana kulankaasi lagu faaqidayay fursadaha dhulka Soomaalida ka bannaan ee ay maalgashan karaan qurbejoogta Soomaalida ee wadamada Yurub joogta.