Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jabuuti Cali Faarax Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo     Soo Gaadhay Caasimada Hargeysa

 

Wafigan Jabuuti oo Booqasho rasmi ah ku joogi doona Somaaliland mudo laba Cisho ah waxa si wayn Madaarka ugu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali Ciro, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada C/laahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Nuur Aamin Ismaaciil.

Waftigaas oo la dajiyay Maansoor Hoteel ee Magalada Hargeysa waftigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Maliyada Jabuuti waxay Warbaahinta u sheegeen in ay Kulamo la yeelanayaan Madaxda Dawlada Somaliland balse waxa ay warbaahinta hor dhac ugu sheegeen in ay Dawlada iyo Dadwaynaha Somaliland ka tacsiyadaynayaan Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Madaxtooyada, Safaarada Itoobiya, iyo Xarunta UNDP da, waxa kale oo uu waftigu sheegay in ay Dalka u yimaadeen si ay Dhaqalaaha uga wada hadlaan iyo iyaga oo xusay in Dalka Fransiisku uu dhawaan Somaliland ka furan doono Baan ka mid ah Baanankodda.

Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa isna Shacbiga Somaliland hore uga tacsiyadeeyay dhibaatadii soo gaadhay waxaanu Taageero wayn oo dhinaca caafimaadka ah ugu deeqay Dadkii dhaawacyadu ka soo gaadheen Qaraxyadii ismiidaminta ee 29 october ka dhacay Magalada Hargeysa Booqashada waftigani waxay ku soo hagaagtay iyada oo Todobaadkii hore iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac keenay uu dhex maray Ciidanka labada Dal ee ku sugan Xuduuda labada Dawladood u dhaxaysa Taas oo ka dhalatay Xoolo si koontara baan ah ku galay Dalka Jabuuti.

 

 

 

 


Waaheen