Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Wacyigalinta Iyo Dhaqan ka Somaliland OO Xilkii Ka Xayuubiyey Madixii Wararka Ee TV-ga Qaranka Xamse Cali Bulbul

 



Xamse cali oo inta badan lagu amaano Karti iyo Dadaal Dheeraad ah oo uu ku Kasbado Shaqo oyinka Warbaahinta .....


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Wacyigalinta Iyo Dhaqanka Somaliland C/l aahi Maxamed Daahir Cukuse Ayaa Maanta Xilkii Ka qaaday Madixii Wararka Ee Telefishanka Q aranka Somaliland Xamse Cali Bulbul Halka Uu U Magacaabay Maxamed Siciid Muxumed oo hore u ahaan jiray Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeysa.

Xilka qaadista Madaxii Wararka Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa lala xidhiidhinayaa in ay sababtay War ku saabsanaa Shirkadda Pontus Marine oo hotelka Ambassador ku qabsatay X afladd lagu daah-furayay, taasoo ay ka qayb galeen Wasiiradda Madaxtooyadda, Wasiirka W arfaafinta, Wasiirka Kalluumaysiga, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somalailand.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku Eedeeyay Wariye Xamse Cali Bulbul in uu warkaas sii dayn waa yay isla markaana waxa uu xilkiisii u dhiibay La-taliyihiisa Maxamed Siciid Muxumed oo hore u ahaan jiray Agaasimaha Idaacadda.

Ilo wareedyo u dhuun daloola Eriga Wariye Xamse Bulbul ayaa sheegaya Wariye Xamse in uu ku dooday warku in uu ahaa mid shirkadd madax banaani Ay Leedahay oo hore loo amray in ay Lacag kaga qaadaan shirkadaha Madaxa Banaan, isla markaana waxa kale oo uu ku dooda  y in aanu isagu sii daynta Wararka awood u lahayne la amro oo loo soo gudbiyo Liiska Wara rka, warkanina aanu ka mid ahayn wararka sharciyan isaga soo mara.

Si kasta ha ahaatee wariye Xamse Cali Bulbul waxa uu shaqadiisii ku waayay sii dayn la’aanta Warka shirkaddan oo La Sheegay In Uu U Baajiyey Lacag La,aan Iyadoo La Sheegay In Lacaga ha Laga Qaado Wararka Shirkadaha Madaxa Banaani Ay Si Toos Ah Ugu Dhacaan Jeebka Maa reeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland, Halka Ay Ahayd Inay Ku Dhacdo Wasaarada Maaliy ada Somaliland.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland