Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) oo  ka qayb galay munaasibad balaadhan

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) ayaa maanta (shalay)- ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu dhagax dhigayay Jaamacada Cusub ee Time-cade iyo Dugsi sare oo loo dhisayay Gobolka Gabiley.

Munaasibad oo ka dhacday caasimada Gobolka Gabiley ee Gabiley ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka waxbarashada, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada, badhasaabka gobolka gabiley, maayarka caasimada Gebiley, salaadiin iyo marti sharaf kale, waxaana munaasibadaas lagu furey jaamacada Gabiley ee Timacade iyo dhagax dhiga dugsiga sare waxana Munaasibadaa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyay wasiirka waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) waxana uu sheegay in ay maanta u yimaadeen Gabiley sidii ay u dhagax dhigi lahaayeen Dhismaha dugsiga sare ee lagu badelay Jaamacada cusub oo xeerkeedii soo dhamaaday isagoo wasiirku tilmaamay in ay la socdaan Hay'adihii dhisayay dugsiga sare, wasiirku isagoo isagoo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi "waxaanu halkan u nimid dhagax dhiga Dugsiga sare ee dhismihiisa lagu badelayo Jaamacada Time-Cade oo xeerkeedii soo dhamaaday, iyana hay'adii dhisaysay Secondry-yada way nala socotaa, markaa ujeedada socdaalkayagu waa in Jaamacadiina aanu bilowno, dugsigii sarena dhagax dhigno ayaanu u soconay".

wasiirka waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay hay'ada dhisaysa iyo ha'ayada maalgalinaysa isagoo hadalkiisii sii faahfaahinaya waxa uu yidhi "waxaa dhisaysa ha'ayada DRC, iyo Hay'ada (African Educational Trust) AET-na waa ha'ayda maal galinaysa ee Secondry-yada dalka intooda badan gacanta ku haysa, markaa waxba qabyo nagama aha anaka wakhtigan xaadirka ah, amar culusna waanuqabnaa" ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay


Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Cusub ee Gabiley Maxamed Axmed Cabdi(xabiib), oo sheegay in ay maanta Reer Gabiley u tahey maalin taariikhiya waxaanu isagoo arintaa kahadlaya ku bilaabey hadalkiisa sidan: "Waxaan soo dhawaynayaa wasiirka waxbarashada iyo wasiiru dawlaha oo maanta halkan noogu dhagax dhigaya jaamacadii Time Cade University, waxaana leeyahay maanta waa maalin taariikhiya oo dhalinyarada gebiley, waxaana bushaara labaad noo ah in maanta wasiirku dhagax dhigayo dugsigii Sare oo ay is dabooli doonaan waxbarashada Jaamacada iyo dugsiga sare"Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabiley.


Waxanu Badhasaabku ugu baaqay gudoomiyayaasha jaamacadaha dalka oo badankoodu ay ka soo jeedaan Gobolka Gabiley in ay ardayda Gobolkooda qayb ka mida wakhtigood, u huraan sidii ay wax u baran ahaayeen, sidoo kale waxa uu ugu baaqay tijaarta ka soo jeeda Gobolkan Gabiley inay ka qayb qaataan sidii dhismaha jaamacada loo xoojin lahaa iyo sidii ay caruurtooda uga caawin lahaayeen dhinaca waxbarashada.

Source:SP