Wasiirka Wasarada Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ,oo safar shaqo ugu anba baxay Dalka Kenya

 


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasarada Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr.M axamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay ujeedada safar uu maanta ugu baxay dalka Keniya is aga oo sheegay in uu kulamo uu la yeelandoono Masuliyiinta dawlada keniya iyo ganacsatada wadankaasi oo ay kaga wadahadlidoona sidii ay Somaliland u maalgashan lahayeen.Sidaasi wax uu ku sheegay mar uu maanta uu ka dhoofayey madaarka caalamiga Cigaal ee magaalada harg eysa.

Dhanka kale wax uu Maamulka Puntland ugu baaqay in ay xasarada iyo colaad ay hurinayaan joojiyan oo ay ka shaqeeyan Nabadgelayda.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlay safarkiisa wax uu yidhi. "Waxaan u baxaya Dalka Keniya caa simadasii Nayroobi oo aan kula kulmidoono masuuliyiinta dawlada Keniya iyo ganacsatadeed oo aanu ka wadahadlidoono iskaashi dhinaca dhaqaalaha ah iyo maalgashiga, shirkado badan oo reer Keniya ah ayaa waxay danaynayaan in ay xidhiidh ganacsi la yeeshan Jamhuuriyadda Som aliland iyo ganacsatadeenba marka safarkaygu waa sidii hawlahaasi layskaga arkilahaa oo loo xoojin lahaa, runtii inta aan joogana waxaan ka qaybgalidoona shirar kala duwan oo arrimahasi ku saabsan.”Ayuu yidhi

Mar wasiirka wax laga waydiiyey shirweynaha xisbiga kulmiye ee marar badan dib u dhacu ku yimid waxa uu yidhi. "Kulmiye waa Xisbi aad u balaadhan waana xisbigii xukumiga ahaa ee dal ka, muddo ayey socotay hawsha xisbigu diyaargarawga shirweynihiisu, waa shirweynihii xisbi ga oo wax lagu faaqidaya sidii uu xisbigu awoodiisa uu u muujin lahaa doorashada madaxtinim ada ee loo asteyey 2015, waxaan rajeynayaa in gudidii loo xilsaaray ee qabashada shirweyna ha ee uu guddoomiyaha xisbigu u magacaabay in ay dhawaan qabtan shirkii inkasta oo ay ku raageen oo ay ku rafadeen, waxan rajeynayaa in ay hawshaasi soo afjaranto oo xisbiga sidii u cadada ahayd uu shirweynihiisa oo qiimo leh qabsado”Ayuu yidhi.

Dhanka kale oo uu Wasiirka la waydiiyey sidda uu u arko Xiisada u dhaxeysa Puntland Iyo daw lada Somaliland ee Barriga Sanaag. "Xukumada Somaliland waxay Maamulka Puntland u aragta gobol ka tirsan somaliya, somaliya iyo Somaliland waa labba dal oo jaar ah oo wadda hadal ka dhexeyo, wax kale oo aanu Puntland u aragnaa gobol aanu daris nahay oo aanu jecel nahay in aanu nabadgelayda ka wadashaqayno hasayeeshe wadahadalo iyo arrimo kale oo na dhex mar ayaa oo siyaasi ahi ma jirto, waayo puntland waa somaliya dawalda somaliyana ayaa wadahad al iyo iskaaashi lasameykarnaa haaddii amni noqoto iyo haadii siyaasad noqoto, waxanse puntl and ugu baaqay in ay ilaaliyan jaarwanaaga, oo ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo in ay ogaadan in somaliland aanay duulimad ku ahayn dad somaliyeed noocu doono ah noqdee ama puntland ah joogo ama somaliyada kale ha jog in aanu xidhiidh fiican la yeelano ayaan jecel nahay, laakiin wax shido ah oo dhinacayaga ka socota ma jirto laakiin waxanu rajeynayaa in taasi la ixtiraamo maamulka puntlandna joojiyaan qaylo dhaanta colaad ee ay mandaqada kula dhex meerayaan.”Ayuu yidhi Wasiirku


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland