Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojiyey Agaasimihii Guud

 



Hargeysa (TNN) :- Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee somaliland ,Cabdilaahi Ibraahin Habane ,ayaa shaqo joojin ku sameeyey Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi, Abiib Axmed Cali.

Wareegtada uu wasiirka waxbarashadu shaqada kaga joojiyey agaasimaha guud oo ayaa u dh ignayd sidan:

“Mudane Agaasime Guud tan iyo maalintii uu madaxweynuhu ii soo magacaabay inaan hogaam iyo wasaaradan oo aan xilkeeda la wareegay 7/11/2015, wax wada shaqayn ah kaamaan ar ag ilaa iyo maanta, Agaasime Guud oo xil haya laba arimood mid kood ayuunbuu ku shaqeeyaa waa ta koowaade qorshe iyo siyaasad uu dejiyo oo Wasiirkuna u ansixiyo, waa tan labaade qo rshe iyo siyaasad uu Wasiirku dejiyo oo uu fuliyo,mudane agaasime labadaas midnaba ku maa d camal falin, waxaanad igu bilawday amar qaadasho la,aan.


Laba tusaale ayaan ku xusuusinayaa, kalana ahaa dugsiga sare ee M.A Sheef oo aan kuu shee gay inaad ka xaysato injineerada wasaarada soona qiimaysid baahida ay ardaydu ka soo cab atay oo ahaa dayactir la,aan, laab la,aan iyo maktabad la,aan iyada oo ay ahayd dhamaadkii bishi November ee 2015, manayse dhicin inaad qabato shaqadaas, markii aan ku waydiiyey sa babta aad uga baaqsatayna iimaad sheegin wax lagu qanci karayey.

09/12/2015 subaxdaas oo aan u baxayey Nairobi xafiiskana aan idinkula sii shiray adiga, wa siir ku xigeenka iyo wasiirul dawlihii hore ayaan mar labaad ku faray inaad soo qiimayso, ka dib markii ay xaalada dugsigaasi (Sheekh Yuusuf Kaynuun) igu soo qayliyeen qaar ka mid ah waal idiintu soona arkay, nasiib daro kamaad ag wareeginba, hadalkaygiina waxba kamaad soo qaa din, hadaba dayactirkii iyo qalabkii kale ee ay dugsiyadu u baahnaayeen markii la soo dalbada y ee shirkadii fulisay soo codsatay kharashkii hadal iyo muran ayaad ka keentay iyo waliba dii dmo inaad saxeexdo kharashkii baxay ee lagu fuliyey hawlihii dugsiyadaasi adiga oo ka baaqsa day xilkaagi

Intaas marka laga yimaado waxa kale oo aad sifo ka baxsan anshaxa shaqada kaga hor timid shaqooyinkii iyo barnaamijyadii wasaaradu u waday qaranka tusaale ahaan barnaamijkii taba barka macalimiinta ee ay fulinaysay wasaaradu lana soo wareegtay 2015, ilaa bilawgiisii mash ruucaas si badheedh ah ayaad isku hor taagtay adiga oo khal khal iyo jaah wareerin joogto ah ku haya, su,aasha is weydiinta leh waxay tahay yaad kala shaqaysaa hawlaha wasaarada?.

Dhinaca kale hawlihii imtixaanka iyo cidii xaqa u lahayd inay gasho ayaad arbushtay, ka dib ma rkii xafiiska imtixaanka masuuliyiintiisa aad isku dayday inay khasab kaga qaadaan arday fasa lka shanaad ah imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe, oo aad ka badheedhay si aad u fuliso nidaam sharci daro ah oo ka baxsan habkiisa iyo hanaankiisa,( Fiiri warqada ka soo baxday gudoonka waxbarashada gobolka gabiley ee ku taariikhaysan 24/12/2015, fiiri warqada aad u qortay xafiiska imtixaanaadka ee aad ku meel marinaysay sharci darada gud oonka waxbarashada gobolka Gabiley ka soo cawday, fiiri warqada jawaab celinta ee xafiiska imtixaanaadka 28/02/2016.

Sidoo kale barnaamijkii horu marinta manaahijta iyo sidii ardayda loogu heli lahaa kutub qiimo ahaan jaban ayaad u laxaadsatay sidii aad u fashilin lahayd, ilaa hadana maxadku uu ka shaqa yn la yahay (Institute of Curriculum Development) tixraac warqada ka soo baxday xafiiskaaga MoE/Dg/0488/27/7/2016 ee ku lifaaqan halkan.

Waxaad ku guul daraysatay inaad ka soo baxdo xilkii, masuuliyadii, shaqadii aad u haysa wasa arada, marna may dhicin inaad wax qorshe iyo nidaam ah aad la timaado oo aad kula xisaabt anto agaasime waaxeedyada iyo gudoonka waxbarashada ee gobolada, waxaana ka muuqata wasaarada kala daadasho iyo hogaamin la,aan haysata oo fadhiid ka dhigtay maamulkii iyo sh aqo maalmeedkii joogtada u ahaa hawlaha wasaarada oo sababay inay istaagaan, ka dib mar kii aad is badheedh ah u diiday socodsiinta, fulinta, qabashada iyo gudashadii waajibaadkaagii agaasime guudnimo.

Guntii iyo gaba gabadii waliba waxaad mar kasta oo aad arin isku qabataan masuuliyiinta was aarada aad caado iyo dhaqan joogto ah ka dhigatay cay, aflagaado iyo wax qof masuul ahi aanu ku hadli Karin, oo ka baxsan ansha shaqada iyo dadnimada, waliba waxaad u gudbisaa oo aad gaadhsiisaa hay’addaha ajaanibka ah ee la shaqeeya wasaarada oo aanay waxba ka khu sayn arimaha gudaha ee wasaarada, adiga oo qoraalkaas ku xusay inay wasaarada ka dhex socdaan arimo sharci daro ah iyo ajandayaal qarsoon, waxaana loo diri doonaa baadhitaan adiga oo cadayn doona,(fiiri mid ka mid ah dhambaaladii (Emails) aad u dirtay 11/05/2016 ee halkan ku lifaaqan), waxaad ku tilmaantay wasaaradii inay wado falal argagixiso.

Mudane agaasime guud wali xafiiska w.w. waxbarashada maad soo galin subaxna adiga oo ka waramaya hawl socodsiinta wasaarada iyada oo aan kuu yeedho mooyee, waxaad isku soo hoos xidhaa (hoosta ka qufushaa)xafiiska adiga oo waliba yar yahay imaanshaa xafiiskaaga.

Ugu danbayntii talaabooyinka isbadalka leh ee lagu horu marinayo waxbarashada, laguna tay eynayo dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka ahba si cad oo aan mugdi lahayd ayaad u cury aamisay, waxaanad siyaasadaha waxbarashada ku furtay dacaayado aad ku wiiqayso taaba galka hawlaasi.

Waxa la yaab leh warqada ka soo baxday xafiiska wasiirka ee ku saabsanayd isku bedalka sha qaale geeriyooday loona qabay baahi iyada oo la tix galinayey codsiga iyo baahida ee ka timid gobolada, sababta adiga oo agaasimihii wasaarada ah ugu feegartay amar qoraal ahna ku sii say agaasinka maamulka iyo lacagta inaan wax mushahar ah loo samayn, sida ku cad lifaaqan, Goormaad awooda intaas leeg yeelatay ee aad go,aan wasiir ku hor joogsatay?.

Waxaan yaqiinsaday kuna qancay inaad wasaaradan ku noqotay hagar daameeye, caqabad maamul, kuna abuurtay wasaarada ismaqal la,aan iyo kala amar qaadasho la,aan aad si joogto ah dhaqan iyo caado uga dhigatay, taas oo abuuraysa curyaamin maamul oo aan loo dulqaadin Karin maadaama oo ay wasaaradu xiligani gacanta ku hayso hawlo waaweyn oo la xidhiidha sii horu marinta waxbarashada qaranka.

Sidaas awgeed mar haddii aad ku guul daraysatay habsami u socodkii hawlaha maamulka ee wasaarada, isla markaana aad diiday oo aad iska dhago tirtay tilmamaha masuuliyiinta kaa saraysa, wasiiradiina aad u isticmaashay hanti aad leedahay oo kale, dhinaca kalana aad aqoo nsanayn inay masuuliyiin kalaba kaa sarayso,qabtana inaad kaligaa masuul ka tahay wasaara da, kuna hadasho mar walba.

- Mar haddii aad ku dhaqmi wayday tilmaamihii iyo talaabooyinkii lagu siiyey

- Mar haddii aad u horseeday kala danbayn la,aan, ismaqal, ixtiraam la,aan aad ku riday wasa arada

- Mar haddii afcaasha aad ku dhaqmayso ay wiiqday habsami u socodkii hawlaha maamulka ee wasaarada, taasina ay keenayso inuu baaqdo, dib u dhacyana ku yimaado adeegii bulshada e e wasaarada.

Sidaas darteed laga bilaabo saacada aad warqadan hesho ahna 06/08/216 waxaan kaa jooj iyey xilkii agaasime guudnimo ee aad wasaarada u haysay, waxaana kaa reeban inaad xarun ta wasaarada iyo xafiiskii aad ku shaqaynaysayba aad soo gasho laguguna arko amar la,aan.

Waaxaha wasaarada, maxadka manaahijta iyo xafiiska imtixaanaadka madaxdooda waxa lagu war gelinayaa lana farayaa inay la socdaan shaqo ka joojinta lagu sameeyey agaasihii guud, isla markaana ay si habsamiya ula shaqeeyaan cida si ku meel gaadh ahaana loogu magacaabi doono sii socodsiinta masuuliyadii iyo hawlihii xilka agaasime guud-nimo ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare.
 

 


ALLA MAHAD LEH

Abdilaahi Ibrahim Habane

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliland