Wasiirka Xanaanada Xooluhu ma wuxuu Caayayaa Garaadka dadka G/Saaxil ...

 

Dadka Berbera maskaxdooda way ku hayaan xaqiiqada jirta ,waxwalna way la socdaan maantana waxay …. ballanqaadyada beenta ah ee codka lagaga raadinaayo iyo Maxjarada bisha soo socota loo furaayo Xukuumaduna waxay sided(8) sannadood ku qaban-weyday…. xilka qabatay(Xukuumadani) sida ay Berberi ahayd iyo heerka ay taagnayd …. Magaalo aad u camiran oo si fiican u shaqaynaysa, xooluhuna ay si …. in Xukuumadani dhibaatada ay u geysteen G/Saaxil aanay waxkale ugu darin

Waxaanu aad ula yaabnay waxqabadka uu sheegayo Wasiirka  Wasaar adda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibiraahin Cabdi,ee uu leeyahay Maxjarka dhoofka Xoolaha Somaliland oo ku yaalla Magaaladda Berbera,ayaa la furayaa bil ka dib, doorashada ka hor isla markaana Xoolaha laga raraayo ka dhoofa iminka jibouti , waxaan kuu sheegayaa Wasiir adiga iyo masiiliyiinta kale ee metelayey gobolka saaxil siidhigii wuu idinku qayliyey dadka g/saaxil wax ha u dhimina maanta xaalada uu G/saaxil ku suganyahay maaha wax qarsoon mana difaaci,kartid dhibaatada Xukuumadda u geysatay gobolka saaxil.
Wasiir Idirisow haddii ay kaa ahayd olole dib u doorasho oo aad rajo ka qabtaan, mana jirto maanta olole siyaasadeed oo idiin yaala G/Saaxil oo aad ogtihiin sida aad u gasheen, goob joogna aad ka ahayd inta jeer ee been loo dhagaxdhigay iyo balamihii xadiga badnaa loogu bushaareeyey reer Berbera, Marar badan in Wershado waaweyn ,Soo saarid Shiidaal, iyo Xarumo dalxiis in laga hirgelinaayo oo ay aad u soo dhaweeyeen intii karaankooda ahayd.

Dadka Berbera maskaxdooda way ku hayaan xaqiiqada jirta ,waxwalna way la socdaan maantana waxay noqonaysaa maalin Cusub oo laga faaideysanayo waqtigeeda , jawaabtana waxaad ka war sugaysaa 27/Sep/2009 G/Saaxil iyo Taariikhdaa in ay Codkooda ku ciil baxaan, waxaa aad ka hadlaysaana waa riyo.

Dadweynaha Saaxil maaha sida xukuumaddu u aragto,waa shacbi  sami rku ku badan yahay, oo wax kasta fahamsan,kana war sugaaya in waxkastaaba ay si sharciyad leh ku dhamadaan,balse sugaayaan maalinteeda iyo kolka sanduuqa codka lays hortaago, waxaana aan ogahay in arrinku yahay kan dambe ee aanu ahayn sida gaaban ee Masuuliyada Xukuumadda Riyaale aragtideedu tahay.

Bulshada Gobolka Saaxil ayaa ka mida dad ay xadaaradoodu aad u  fogt ahay ogna ballanqaadyada beenta ah ee codka lagaga raadinaayo iyo Maxjarada bisha soo socota loo furaayo ,Xukuumaduna waxay sideed(8) sannadood ku qaban-weyday Labo(2) bilood ee u hadhay ku qaban-meyso maxay beeni …Tari Wasiir Idirisow ….iyadoo aan kuwii horeba waxba ka fulin, oo Xukuumada Rayaale markasta Berbera balan qaadyo badan beena oo aan Magaalooyinka kale loo qaadin loo Sameeyey …waa halka wasiir idiris leeyahay Berbera waa meesha ugu waxqabadka badan (ugu Balanqaadyada Beenta Badnayd )Gobolada Somaliland) Qofka aan qajilin , waa loo qajilaa .

G/Saaxil waxaa loo saraa markasta muhiimada 1aad ee ujeedadeedu ay tahay in ay ku taalo halka dakhliga ugu badan ay ka hesho Xukuumadu, iyadoo aynaan odhankarin ama qaadankarin Xukuumada intaas oo sanadood umaddeeda been u sheegaysey.. , dadkana kama muuqato wax abaar iyo diif ahi, lakiin busaarad iyo shaqo la,aan ayaa ku dhacday iyo siyaasad loogu talo galay in lagu curyaamiyo .

Xalaada nololeed ee dadweynaha ku nool Gobolka Saaxil ayaa ah mid deyro ah maanta , oo ay ku nool yihiin nolol aad iyo aad u qalafsan oo aan soo marin weligood,oo weliba magaaladu ay ku jirto kulayl xad dhaafa oo galaaftay dad badan oo degaanka ah oo ku sii hadhay oo aan haysan leydh jaban oo wax ka bedeli lahaa noloshooda ,Dhaqdhaqaqii Dekada Berbera ayaa qaab ahaan in cunoqabatayn saarantahay ama ay xidhantahayba aad moodaa , Baddii oo iyadana la xaalufiyey oo lagu soo daayey marakiib farabadan oo ay iyadana kaliftay in laga gurto kaluunkii noockasta , shabaag ka madnuuca caalamka oo ilaa ugxanta lagu guranayo , iyadoo dadkii kaluumaystada berbera ay bada ku soo hungoobaan maalmaha qaar iyo kalluun badan oo isagana ay soo qubaan markasta mariikiibtaas ajaanibka ah ee badaha lagu soo daayey oo kalluunkii oo caari ah oo bakhtiya aad ku arkayso xeebta.

Shacabka ku nool Berbera waa arkayaan waaqica dhabta ah ee yaala Magaladooda , wax allaaliyo wax ay xukuumadan waqtiga yar u hadhsan tahay oo ay u qabtayna ma jirto waanay isla duntay, waxii kale ee la sii wadaana waa balan-qaadyo kale oo aan jirin ,oo waqtigiisii dhamaaday weeye iminka , kuwii hore ee weligood la sameeyayna waxba kama fulin, waxaana la ogyahay in hadal layska yidhaahdaa waxba soo kordhinayn xiligan ay joogto , si kasta oo looga faa'ideysto xitaa awooda qaranka , Dadkani way bisladeen ,wax danbe oo balanqaad ahna ka dhagaysanmayaan Xukuumada Riyaale.

Iyagoo Dadka Saaxil aad u xusuustaan Maalintii ay xilka qabatay  Xukuu madani sida ay Berberi ahayd iyo heerka ay taagnayd oo cidkastaaba dareemi karto , ahaydna Magaalo aad u camiran oo si fiican u shaqaynaysa, xooluhuna ay si xawli leh uga dhoofi jireen  maceeshad una dhamaanteed si toosa ugu soo degi jirtay ,cashuurteedu jabnayd oo ganacsatadu ay wada isticmaali jireen , dekadeedu si caadiya u furnayd waxaa dhacday in xoolihii inta laga daabulo xeryaha berbera ku yaala la geeyo Dekada Jabuuti,

Waxaana haboon in Xukuumadani dhibaatada ay u geysteen G/Saaxil aanay waxkale ugu darin , waayo meel la xidhay oo ciddii xidhay ay yidhaahdaan waxbaan u qabanay oo waa Gobolka ugu waxqabadka badnaa Somaliland waa digasho weyn …. . Waxaana masaxmay oo maydhmay sawirkasta oo muujinayey in G/Saaxil ay Rajo ka qabaan in dib loo soo celiyo Rajadii dhimatay dadka Saaxil wax Taageero ahna Xisbiga Udub mar kale ay ku adagtahay in Bulshada Saaxil oo haatan u muuqata mid uu kala Goosteen Duruufo Baaxad leh oo waaweyn .

Ujeedada wareysiga wasiirkuna waxa ay u muuqataa kicin dacaraha badan ,waayo masuuliyiintii kale ee ka sareysay ee ku jira Xukuumada ayaa indhaha ka qarsaday xaalada jirta ee lawada ogyahay maanta, lakiin waxaa lays weydiinayaa indho adkaanta wasiirka uu u badheedhay wax aan maanta loo fadhiyin .
 


Muj :Abdi Awil Hassan

Berbera , Somaliland