Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Sheegay In Gob olka Saaxil Yahay Gobolka Ugu Wax-qabadka Ba dan Ee Ay Xukuumadda Rayaale Ku Faanayso

 

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibiraahin  Ca bdi,ayaa sheegay in Maxjarka dhoofka Xoolaha Somaliland oo ku yaalla  Mag aaladda Berbera,in uu Sucuudiga u furmi doono bil ka dib,isla markaana  Xool aha laga raraa ay si rasmiya u tagayaan dalka Sucuudiga. Isaga oo dhinaca kalena Wasiirku difaacay waxqabad la’aan lagu eedeeyo Xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Wasiirka oo maanta si khaas ah ugu waramayay Horn Cable TV,waxa uu faahfaahin ka bixiyay meelaha ay u dhoofi doonaan xoolaha Somaliland iyo inta wadan ee la soo xidhiidhay tan iyo intii Maxjarka Somaliland laga hirgeliyay. Waxaanu tilmaamay inay guul ka gaadheen dhinaca dhoofinta Xoolaha nool, Oontooda iyo tayaynta caafimaadkooda-ba, kuwaasoo ka mid ah Waxqabadka Wasaaraddiisa intii uu joogay sida uu sheegay Wasiir Idiris.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, waxa kale oo uu ka hadlay Maxjarka dhoofka xoolaha ee dhawaan laga hirgeliyay Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, in haatan ilaa siddeed wadan oo ay ku jiraan lix wadan oo ka mid ah yihiin wadamada Khaliijku ay la soo xidhiidheen Maxjarka.

Dr. Idiris mar wax laga waydiiyay qadarka lacageed ee ku baxday dhismihii Maxjarka, waxa uu sheegay in ay ku baxday lacag dhan Shan Milyan oo Doollar-ka Maraykanka ah. Isla markaana waxa uu intaa ku daray in uu noqday Maxjarkii ugu qiimaha Jabannaa.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu mar uu ka hadlayay Xoolaha Somaliland ee u leexday ama ka dhoofa Dekadaha kale ee wadamada Jaarka, waxa uu caddeeyay inay faraha ka qaadeen ka dib markii laga xoog-roonaaday. Isaga oo xusay in Xisbiyada Mucaaridku siyaasad ahaan uga faa’iidaysteen wakhtigii la dhisayay oo ay ku dhaliileen in Nin Carbeed leeyahay Maxjarka. Sidoo kalena ay aad u yaryihiin tirada dadka Mucaaridka ah ee taageeray hirgelinta Maxjarkan oo ah kii ugu horeeyay ee ay Somaliland yeelato.

Waxa kale, oo uu Wasiir Idiris Ibraahin Cabdi ka hadlay, doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 27 September 2009-ka, oo uu sheegay in dawladdu mar walba diyaar u tahay qabsoomidda doorashada, isla markaana ay kalsooni weyn ku qabaan inay guulaystaan. Wasiirka Xanaanada Xooluhu waxa uu difaacay waxqabadka Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee ku aadan Gobolka Saaxil.


Gobolka Saaxil oo sida la ogsoon yahay ah Isha ugu weyn ee dhaqaalaha Somaliland ka soo baxo, ayaa dhawaanahan waxa soo baxayay cabashooyin is-daba-joog ah iyo dhaliilo ay u jeedinayaad ay Xukuumadda Rayaale dadka Deegaanka, Xisbiyada Mucaaridka, Xildhibaanada Golayaasha ee Gobolka ka soo jeeda iyo qaybo kala duwan oo bulshada ka tirsan, taasoo ay ku duraan inaan Xukuumaddu waxba u qaban, isla markaana Magaaladda Berbera ay tahay mid ka ragaaday guud ahaanba arrimaha bulshada iyo horumarkii ay mudnayd. Hase ahaatee, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahin Cabdi oo ka mid ah Wasiirada Gobolka Saaxil ka soo jeedaya, ayaa difaacay eedaha loo jeediyo. Waxaanu ku dooday in Gobolka Saaxil yahay Gobolka ugu waxqabadka badan ee ay ku faanayso Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee uu ka tirsan yahay.


Hadhwanaagnews.com