Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Kallumaysiga oo Maanta si Rasmi ah
Xilkii ugu Wareejiyay Wasiirka Cusub ee Dhawaan la soo Magacaabay
Wasiirka cusub ee kaluumaysiga oo xilkii kala wareegay..........
Hargaysa (TNN):-Xaflad Balaadhan oo Si heer sare Ah loo soo
Agaasimay Oo Ka dhacday Hoolka Wey nee Wasaarada Kallumaysiga Iyo
Khayraadka Badda, ayaa Ahayd Xafladii ay xilalka Kula Kala
Wareegayeen Wasiirka Wasaaradaasi kallumaysiga Cabdilaahi jaamac
Geel-Jire iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradaasi Cali Jaamac Faarax,
iyada oo xafladani ahayd Xaflad Ay ka Soo Qayb gal een Qaar kamid ah
golaha Wasaarada Xukumada Silanyo iyo Shaqaalaha wasaardaasi Sidoo
kale taliyaha Ciidanka Badda Somaliland.
waxaa ugu Horeyn Halkaasi Hadalo kooban Ka Jeediyay Qaar Kamida
Madax-da Mamuulada badd a Ee Isku Xidhka Wasaarrada Iyo
Kallumaysatada, Iyada oo Sidoo Kale uu Madashaasi Ka Hadlay Wasiirka
Cusub Ee wasaarada warfaafinta Mid. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse
isaga oo Soo dhaweeyay waiirkan Cusub Una Mahad Naqay Wasiirkii Hore
Sida Fiican Ee Uu xilkaasi Umada Iyo Dawladaba Uu U Hayay uu U
wareejinayo, Isaga oo Intaasi ku daray Inay Wasaaradan Waxbada n
Qabatay Laguna Xasuusan Doono Wasiirkan Hada Xilka Badalaya horun
marka Wasaarada Oo ahayd Inuu U dhisay Wasarada Meel muuqata oo
Ahayd Fooqii Dhawaan Xadhiga Laga Jaray Taai oo wasarada Kor U soo
qaaday Madama Oo Ay Fiicantahay Ayaa uu Yidhi In Qofku Hoygiisa Ka
Bi la abo Inta uuna haqada Guudo Galin Taasina Ay Noqon Karto
Horunmarka Uu Gaadhsiiyay, Sidoo Kale Waxaa Munasibadaasi Qiimaha
Badnayd Ka Hadlay Aggasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Mud. Waxaa Gaba
Gabadii Xafladaasi Ka Hadlay Wasiirkii xilka Wareejinayay Mud.
Cabdilaahi jaamac Geel-Jire Isaga
oo Tabtay kuna Dheeraday inay Tahay Wasaaradani wasaara da aadka Ugu
Fiican Somaliland Lana Rabo In La Maal Gashado madama Oo Ay Tahay
Wasaaradii Khayraadka Badda Isla Mar ahaantaana Aynu rabno Inaynu
wax soo saar ku sameeno Baddena, waxaa kale oo jirta ayaa uu yidhi
wasiirku in ay Noo Socotay Xukumada In laga Wada hadlo habk ii wax
Loo bari Lahaa Dadka kaluumaysatada Ah madama oo Ayna Aqoon u Lahay
Kallumasiga Badda Markaana : rabo Dad Aqoon u Leh oo Noqota
ganacsato Ay Wasaaradu Gacan Qabto In kasta oo Ay jiraan Ayaa uu
Yidhi ardey hada aanu gacan Haynoo oo aad u taba baran oo wasa arada
ku Xidhn Insha Allh Aanu Doonayno inay Noqdaan Ganacsato Waaweyn Oo
Badda Maal ga shada Dadka Iyo dawladana wax Tara, waxaanu U soo
Jeedinayna Ayaa uu Yidhi Wasiirku gana csatada waaeyn inay Maal
gashadaan Dhulkooda Hooyo Iyo Badda ku taala Isaga oo Sheegay Inay
Xidhiidh la Sameeyeen Ganacsade Weyn Oo Qurbaha Joogay Isla Markaana
uu Hada ku Dha waaqay inu Maal Gashan Doono badda taasina Ay Tahay
tuusale wanaagsan iyo ku dayasho Wax tar leh.
Gaba Gabadii Ayaa waxaa Halkaasi Shahaado Sharaf Ay U Soo Igmadeen
Shqaalaha Wasaarada asi Lagu Guddonsiyay Wasiirkii Hore Ee
Wasaaradaasi Mud. Cabdilaahi jaamac Geel-Jire Iyaga Oo Kula Kala
Wareegay Xilkiina Goobtaasi
Jimcaale Dayib Aw-Cali
Timacade News Desk
Hargeisa, Somaliland
|