Wasiirkii Hore ee Wershadaha oo Shirqool iyo Dibindaabyo Qaran ku Tilmaamay Daynta Cawil u Qortay Xukuumadda Cusub
 

Hargeysa (TNN)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha xukuumaddii Rayaale Mr.  Maxam ed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne), ayaa mu’aammarad iyo shirqool qaranka lagu duminayo ku tilmaamay lacagaha daynta ah ee wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali  Duca ale (Cawil) u gudbiyey wasiirka cusub ee xilka kala wareegay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Maxamed Saleebaan oo qaar ka mid ah saxaafadda ugu warramayey shalay gurigiisa  caasimad da Hargeysa, waxa uu carrabka ku adkeeyey in wixii dayn lagu leeyahay qaranka Somaliland ay la kala wareegeen madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha la  doort ay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana aanay jiri karin dayn kale oo  wa siir la beddelay u soo qoro xukuumadda cusub, sidaa darteedna waxa uu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ugu baaqay inuu ul dheer iskaga fogeeyo arrintaas oo uu ku sifeeyey shirqool Cawil ugu talogalay curyaaminta qaranka iyo xukuumadda cusub.

“Wixiii dayn ah ee qaranka lagu leeyahay iyo guud ahaan hantidii qaranka oo dhan waxa la kala wareegay labada madaxweyne - madaxweynihii hore Md. Daahir Riyaale Kaahin iyo  madaxwey naha cusub ee talada ku guulaystay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) - isagoo  mad axweyhihii hore wixi dayn ah ee qaranka lagu leeyahay uu kala soo tashaday oo uu u soo  diya ariyey wasiirkiisii maaliyadda.

Haseyeeshee, waxa nasiib-darro iyo wax lala yaabo ah in wasiirkii hore ee maaliyadda ee  mad axweynahiisii wareejiyey dayntii dalka lagu lahaa uu soo qorto dayn kaloo uu doonayo inuu ku wareejiyo wasiirka cusub ee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. Arrintaasi waa qorshe lagu  curyaamin ayo qarannimada Somaliland

Sida muuqata Cawil [Wasiirkii hore ee Maaliyadda] waxa uu arrintaas ka leeyahay laba ujeeddo oo halis ah, kuwaas oo kala; inuu ku curyaamiyo xukuumadda cusub ee ummaddu waxqabadka ka sugayso iyo in uu abuuro qorshe burush dembiyo ah lagu marmarinayo madaxweynihii sida quruxda badan taladii u wareejiyey si la isu sudhnaado oo aan dalku wax hourmar ah weligii  ug u tallaabsan, wasiirka cusub waxaan ku boorrinayaa in aanu dheg u dhigin daynta Cawil, la  da ba socdo oo uu si cad u diido,” ayuuu yidhi Mr. Maxamed Saleebaan.

Waxa kale oo uu wasiirkii hore uu uga digay mudanayaasha Golaha Wakiilladaa in ay  carqalade eyaan ansaxinta xukuumadda cusub ee madaxweynu soo dhisay.

“Waxa maalmahan warbaahinta ku soo noqnoqonaayey qorshe qaar ka mid ah xildhibaanada  G olaha Wakiilladu oo ah wasiirrada cusub ee Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda in xukun  maxkama deed ku dhacay oo la horjoogsan doono ansixintooda.

Eng. Maxamed Xaashi iyo Dr. Gabboose waynu ogayn dulmigii, caddaalad-darradii iyo xukunkii aan sharciyadda ku fadhiyin ee xabsiga loogu taxaabay, taas oo aan noqon karin mid nin dan gaar ah leh marmarsiiyo ka dhigto. Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee xantaasi ka soo  yeed hayso waxaan leeyahay way dhammaatay wakhtigii sayladaha la joogi jirey ee maalinba ninkii dan leh dhabarka idin tuujin jirey. Maanta qaranka Somaliland meelbuu u wada jeedaa oo  horu mar baa la higsanayaa ee saxiibbayaal waxaan idin leeyahay sayladdii waa laga rawaxay ee  q arankiina u shaqeeya,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday wasiirkii hore ee wasaaradda  wars hadaha.



Source: Jamhuuriya Online