Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo Maanta kulan la yeeshay Waf ti ka socda Dawlada Norway iyo Nuxurka Waxyaabihii ay ka wada hadleen

 


 

Hargeysa(TNN)-Wasiirada Beeraha, Kaluumaysiga, Xanaanada Xoolaha iyo Agaasimaha Tacliinta Sare ee Xukuumada Somaliland ayaa kulan la yeeshay wafti ka socda Dawlada Norway oo Booqasho ku jooga dalka.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Beeraha Somaliland waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen arimo la xidhiidha Mashaariicda Horumarineed ee Dawlada Norway ugu talo gashay inay  s ii so Somaliland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Mashruuc muddo dheer socday oo lagu dhisayo  Dug siga Tababarka Beeraha ee Cadaadlay,kaasoo lacagta lagu dhisayo ay bixinayso dawlada Norway.

Wasiirada Beeraha,Kaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha oo Kulankaas ka dib saxaafada la hadlay ayaa ka waramay Ujeeda Waftigan u yimi dalka iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen,waxaanay sh eegeen in Waftigani dalka u yimi sidii ay uga fulin lahaayeen Mashaariic tiro badan oo dawlada  Nor way ugu deeqday Somaliland,mashaariicdaasi oo sida Wasiiradu sheegeen ugu horeeyo Dhismaha Dugsiga tababarka Beeraha ee Cadaadlay iyo kuwo kale oo dhawaan dalka laga fulin doono.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland C/lahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo ugu horayn Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Waftiga kala hadleen sidii looga midho dhalin  la haa Mashaariicda horumarineed ee Dawlada Norway dalka ka fulinayso,isla markaana Xubnaha  W aftigani wax ugala qaban lahaayeen Xukuumadda Somaliland Mashaariicdaasi dalka laga hirgelinayo ee Norway ugu deeqday dhamaystirkooda.

Mr Geeljire waxa kale oo uu sheegay inay Waftiga isla soo qaadeen sidii dawlada Norway wax  uga la qaban lahayd Dawlada Somaliland Horumarinta Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo sida uu xusay dalkaasi qani ku yahay,gacana uga siin lahayd Norway, Somaliland dhinaca wax-soosaarka Badda iyo Barigaba.

Wasiirka Beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa isaguna dhiniciisa Tilmaamay in  daw lada Norway kaalin Mug leh ka qaadanayso horumarinta dhinaca wax-soosaarka dalka,Mashaariic badan oo dhinaca beeraha ahna ka fulinayso dalka Sanadaha soo socda, kuwaasoo kow uu ka  yah ay dib u dhiska Dugsiga Beeraha ee Degmada Cadaadlay oo ay maanta tagi doonaan Xubnaha waftigani si ay u soo arkaan.

Mr: Geedoole waxa uu intaasi ku daray in Wasaaradda Beeruhu xiligan gudo gashay sidii ay wax-soosaarka dalka uga dhigi lahayd mid Waftigan oo ka kooban lix Xubnood oo laba ka mid ah reer Somaliland yihiin ayaa iyaguna si weyn uga mahad celiyey Wasiiradan Kulanka ay la yeesheen iyo sida ay u soo dhaweeyeen,iyaga oo carabka ku dhuftay inay meelo badan tegi doonaan oo ka mid ah dalka inta ay Booqashada ku joogaan Somaliland.

Source:Waaheen