Wasiiro Xukuumada Somaliland ka Tirsan Oo U Kala Baqoolay Dalalka Itoobiya Iyo Kenya Oo Ay Kula Kulmayaan Deeq-bixiyeyaasha Doorashooyinka

 

Wasiirkii Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale  (Caw il) , ayaa galabta u ka ambobaxay ka ambo baxay dalka waxaanu socdaal ugu kicitimay dalka Kenya, halkaasi oo uu la kulmi doono safaaradaha wad amada midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha doorashooyinka   Somaliland, oo sida wararku sheegayaan uu kala hadli doono sidii wadanka looga saari lahaa Haayada Inter Peace ee dhinaca agabka iyo dhaqaalaha doorasho oyinka la soo mariyo.


Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale ayaa warbaahinta uga waramay ujeedada safarkiisa oo uu sheegay inuu qaadanayo muddo saddex cisho ah oo ay kulamo la yeelan doonaan duublamaasiyiinta dalalka  safaarad aha ku leh dalka Kiiniya, masuuliyiinta midawga Yurub iyo hay’adaha Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka.


Wasiirku tafaasiil kama uu bixin ajandaha iyo Qodobada uu kala hadlaayo deeqbixiyeyaasha, hase ahaatee waxa ilo xog ogaal ahi sheegayaan inuu la xidhiidho, sidii beesha caalamku u soo bixin lahaayeen dhaqaalihii  doora shada madaxtooyada ee ay hore u balan qaadeen.


Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale waxa uu axsaabta qaranka Somaliland u soo jeediyay inay si niyad samiya ula shaqeeyaan komishanka doorashooyinka qaranku komishanka doorasooyin wixii kaga xidhan dhinacooda, si doorashada Somaliland u qabsoonto wakhtiga loo mudeeyay ee 27 September.


Waxa uu intaa ku daray inay xisbiyada aaminaan oo ay ku kalsoonaadaan xubnaha guddida doorashooyinka, maadaama ay komishanka u dhaarteen xilkaasi loo igmaday.


Dhinaca kalena Wasiirka Arrimaha gudaha Md. C/laahi Ismaaciil (Cirro), ayaa isaguna socdaal galabta ugu kicitmay dalka Itoobiya, waxaana weheliyay Wasiirka dib u dejinta Somaliland iyo sarkaal kale, waxaanu sheegay in socdaalkoodani la xidhiidho kulamo shaqo oo ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dawlada Ingiriiska u jooga Itoobiya iyo xafiiska laanta socodaalka adduunka ee ku yaala caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababa. Waxa uu sheegay inay wada tashi la yeelan doonaan ku saabsan arrimaha dadka tahriibayaasha ah, budhcad badeedka iyo argagixisada safarka wefdigan ayaa la filayaa inuu qaato muddo toddobaad.





Ramaasnews