Wasiirro hawlo nabadeyn, iyo maamul daadejin ah u tagey gobollada bariga dalka




 


Ceel-afweyn (TNN):- Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (C ukuse), Biyaha Xuseen Maxamed Cabdulle,Wasiiru-dawlaha Nabadaynta ee Gobollada Bari Cali Maxamuud Axmed (Sandule) iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa maanta u kici timay gobollada ee dalka.

Wasiirka Madaxtooyada oo caawa khadka telefoonka ugu waramay Somaliland.Org ayaa sheeg ay in socdaalkoodu la xidhiidho hawlo isugu jira nabadeyn iyo maamul fidin.

Weftiga oo maray magaalooyinka Berbera, Burco, Caynabo, Oog waxaanay soo dhawayn diiran kala kulmeen qaybaha bulshada, isla markaana xalay ku hoyday degmada Ceel-afwayn ee gobo lka Sanaag.

Waxa Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xa aji Xasan xalay casho sharaf loogu sameeyay deegaanka Beer Weyso oo 60 KM bari ka xigta Ceel-afweyn, waxaana weftiga halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Duqa magaalada,Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo masuuliyiinta degmooyinka Gar-adag,Ceel Afweyn iyo Darar -weyne .Weftiga ayaa ku sii jeeda dhinaca magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
 

 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland