WAR-SAXAAFADEED

 


 


Waxa wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskashiga Calimaga ah ee JSL, Mudane Maxamed Bixi Yonis, Woasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Safiirka SJSL ee Itoobiya, Mudane Aadan Nuux Dhuule, ayaa ka qayb galay Booqashada boqoradda Ing riiska oo ku sugan magaalada Adisababa.

isla shalay waxa kulan laba geesood ahi dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalilan d, Mudane Maxamed Bixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cali M axamed Warancade iyo Gudoomiye ku xigeenka midawga Afrika, Mudane, Mwencha.
kulankaas wasiirrada waxa ku weheliyey masuuliyiinta safaaradda JSL ee Itoobiya.

Waxa kale oo Jamhuuriyada Somaliland markii ugu horeysa ay martiqaad ka heshay shirk a la yidhaado TANA FORUM oo saddexdii sanoba mar la qabto. shirkaasi waxaa ka qeyb galaya wasiirka arrimaha dibeda & iskaashiga caalamiga ah mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade.

waxaana qaban-qaabiyay shirkaas jumciyada quruumaha ka dhexaysa iyo midawga Afri ca(AU).waxa shirkaasi ka soo qeyb galaya dhammaan diblomaasiyiinta Addis-ababa u jo oga dalalka caalamka oo dhan.

Maalinta barri ah ayay u anbabaxayaan labada Wasiir magaalada BAHRADAAR oo shirku ka furmi doono. waxaana sharkaasi lagu lafo gurayaa oo lagaga hadlayaa Nabadda iyo Xasiloonidda geeska afrika gaar ahaan SOMALIA.
 

 

Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi)

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda