Wasiirro Xadhiga Ka Jaray Dugsi Boodhin ah Oo Laga Hirgeliyay Degmadda Qoryaalle

 



Qoryaalle (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan oo uu weheliyo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa Salaasadii xadhiga ka jaray dugsi boodhin ah oo laga hirgaliyay degmada Qoryaale ee gobolka Tog-dheer.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda oo ka hadlay munaasibada xadhiga lagaga jarayay dugsig an laga hirgaliyay Qoryaale, ayaa waxa uu ku dardaarmay in aanu dugsigu hoos u dhicin, dadka degmada isku diyaariyaan sidii ay wax u qabsan lahaayeen.

“Waxaan aad iyo aad una dar-daarmayaa qolada gacanta ku haysa in aanu iskuulku hoos u dhi cin, ha laga shaqeeyo wax badan ayaad qabsan kartaan haddii aad isku tagtaan oo iskaashata an. Waxaan idiin soo jeedinayaa dugsigan Horumarintiisa qeyb libaax ka qaata oo ilaashadd a,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in mudnaanta koowaad ee xukuumaddu tahay sidii waxbarashada loogu fududayn lahaa dadka reer baadiyaha ah waxaanu yidhi “Dowlada mudnaanta koowaad waxay siinaysaa in dadka dan yarta ah ee reer miyiga iyo dadka reer guuraaga ah in loo fududeeyo waxbarash ada, arrimaha bulshadu waa mudnaanta qarankan dawladda”

Guddoomiyaha degmada Qoryaale Bille Jaamac oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay uu soo maray dhismaha dugsigan waxaanu u mahadnaqay dadkii ka qaybqaatay hir gelintisa.

“Cidii iskuulkan ka qayb qaadatay dhismihiisa aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa ama ha noqdaan dawladda ama dadka dibadda jooga ee qurbo jooga deegaanka ahba, wax weyn bay qabteen,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmadda Qoryaalle.

 



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland