Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo La Kulmay Madax Ka Tirsan dawladda Maraykanka





Washington- USA (TNN):- Wasiiru dawlaha maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md Cisma an Cabdillahi Saxrdiid (Caddaanni) oo baryahanba ku guda jiray booqashooyin iyo socdaalo u ku gaalaa bixinayay waqooyiga maraykan ayaa maalintii shalay waxaa ku soo dhaweeyay xafiiskii sa ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda khasnadda dalka Maraykanka u qaabilsan arimaha arga gixisada iyo dambiyada lacagta. Wasiru dawlaha Maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md cismaan Cabdillahi Saxardiid iyo ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda khasnaddu waxay ka wada hadleen arimo badan oo la xidhiidha dhinaca wax wada qabsiga iyo in la iska kaashado ka hor tagga dambiyada lacagta la xidhiidha. Waxaa kale oo uu wasiirka iyo ku xigeenka kaaliyuhu ka wada hadleen horumarinta hawlaha la xidhiidha baananka iyo xawaaladaha ka jira jamhuuriyad da Somaliland iyo sidii la iskaga kaashan lahaa farsamo ahaan arimo badan oo waxtar u leh jam huuriyada Somaliland iyo dalka Maraykankaba.


Wasiru dawlaha jamhuuriyadda Somaliland Md Cisman Cabdillahi Saxardiid (Caddanni) wuxuu ma alintii Arbacadii ee bishu ahayd 22ka bishan May kula kulmay aqalka baarlamanka ee loo yaqaa n Capital Hill xildibaan ka tirsan golaha kongresska oo la yidhaa Keith Ellisson iyo shaqaalaha xaf iiskiisa, xildhibaan Ellison oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada 5aad ee gobolka Minnesota. Wasiirka iyo xildhibaanku waxay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya danaha dalka Mara ykanka iyo jamhuuriyadda Somalilandba. Wasiiru dawlaha jamhuuriyada Somaliland Md Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Caddaani) waxaa uu xildhibaanka uga waramay horumarka iyo nabadgalya da ay ku talaabsatay jamhuuriyadda Somaliland oo maanta dib ula soo noqoshadeedii xornima du marayso 22 sanadood. Mudane Cismaan Cabdillahi Saxardiid ayaa marti qaad rasmiya inuu ku yimaaddo jamhuuriyada Somaliland u fidiyay xildhibaan Keith Ellison oo isna halka kaga aqb alay.

Wasiiru dawlaha maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md Cisman Cabdillahi Saxardiid (Cad daani) ayaa tan iyo intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay waqooyiga Maraykan ka qayb ga lay munaasabadihii dabbaaldegga ee sanad guuradii 22aad ee dib ula soo noqoshada qaranima da jamhuuriiyada Somaliland. Md Cismaan Cabdillahi Saxardiid ( Caddaani) ayaa ka qay galay m unasabadihii 18 -ka May ee loogu dabbal degay magaalooyinka Ottawa iyo Toronto ee dalka Canada.
 




Maxamud Caydiid Lafcanbe