Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryayn ta iyo Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadh oo Qaylo dhaan U diray Qurjooga Degmada Geedbalaadh iyo Xukuumadda Somaliland.
 

 

 


Geedbalaadh (TNN)-Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Shuc ayb Maxamed Muuse ayaa kormeer ku Soo maray Degmada Geedbalaadh iyo Tuulooyinka hoos yimaa da, kormeerkaasi oo uu ku Wehelinayay Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadhan Ciise Cabdi Jaamac a yaa waxay Kusoo gaaf Wareegen Goobaha Adeegyadda Bulshada.

Masuuliyiintan ayaa Galabta Shir ja,aaid oo ay ku qabteen Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Geed balaadh ayaa waxay kaga Warrameen Baahiyo Baahsan oo ka Muuqda Deegaankaasi iyo Xaalada dha bta ah ee Degmadu ku Sugantahay Wakhtigan.


Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Shucayb Maxamed Muu se oo ugu horayn Halkaasi ka hadlay ayaa Ka dayriyay Adeegyada Bulsho ee Degmada Geedbalaadh isaga oo xusay in Loo baahanyahay in Bulshada Deegaanka iyo Xukuumaduba si Degdeg ah iskaga Kaashadaan Baahiyaha Baahsan ee ka Muuqda Deegaankaasi isaga oo arimahaasi ka hadlaya ayaa Waxa uu yidhi “ kulankaygan Maantu waxa ku Saabsanyahay Baaq aanu Udirayno Qurbajooga Degma da Geebalaadh iyo Xukuumada Somaliland kaasi oo ah in Dib loo eego Xaaladda dhabta ee ka jirta De gmada Geed-balaadh oo Taariikh ku leh Halgankii Dalka lagu Xoreeyay iyo Guushii Xisbiga kulmiye ku Hantay Hogaanka Taladda Dalka Somaliland, Waxaan uga xumahay isku xidhka Bulshada Deegaanka oo aad uliita ayaa sabab u ah dib udhaca maanta ka Muuqada Geedbalaadh, hadday tahay Ganacsata da, hadday tahay Qurbajooga iyo hadday Tahay Xukuumada, Waxaan aad Uga Xumahay in Hayadda Samafalka Madaxtooyadu aanay Wali wax deeq ah soo gaadhsiin Deegaano badan oo Degmada hoos yimaada oo Abaaro ba’ni ka jiraan oo ubaahan Gargaar, Hayaddaasi oo aan ku dhaliilayo In ay ka Gaabisay Baahiyaha Dadka Tabaalaysan ee Abaaruhu Saameeyeen, waxa kale oo aan Baaq u dirayaa Qurba jooga Degmada oo aan leeyahay Geedbalaadh Cidna uma maqna Ceelna uma qodna, nin walba waxa uu Dadkiisa iyo dalkiisa u qabto Taariikhda ayay ugali doontaa, waxaan usoo jeedin lahaa inay Gacan ka gaystaan Dhismaha Xarun Caafimaad oo Degmadu yeelato iyo inay ka qayb qaataan Dhismaha Dugsiga Degmadda oo qabyo ah”

Shucayb Maxamed waxa kale oo uu ka Hadlay Adeegyada Waxbarasho ee Degmada oo uu sheegay in ay Arday badani ka soo baxayaan Sanadkan Dugsiyadda hoose iyo Dugsiyada Dhexe ee Degmada kuwaasi oo u baahan in laga Fikiro Qorshaha Mustaqbalka ardaydaasi iyo sidii loogu heli lahaa Dugsi Sare oo ay dagmadu yeelato Mustaqbalka.


Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadh Ciise Cabdi Jaamac oo isagun Halkaasi ka hadlay ayaa Ka wara may Xaalada Degmada ee wakhtigan isaga oo faahfaahin ka bixiyay Waxyaabaha uqabsoomay intii uu Degmada Masuulka ka ahaa iyo Halka ay maanta Degmadu marayso.

Gudoomiyaha Degmada oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi“Degmada Geed balaadh waa Degmo Balaadhan oo ay Hoos yimaadaan Magaalooyin iyo Tuulooyin aad utiro badan kuwaasi ay baahida ka jirtaa ay Naga awood roontahay Maamul ahaan sida Caafimaadka iyo Waxbarashada oo ay qabyo badani ka muuqato , Waxaa ay dhibaato badani naga haystaan Adeegyada Caafimaad ee Dumarka Umusha ah oo aanu ka soo qaadno Deegaano aad ufog fog oo degmada hoos yimaado oo aanu ugu Adeegno Baabuurkayga, Waxaa jira Xarun yar oo Caafimaad (MSG) oo loogu talo galay health post balse loo isticmaalo MSG-ahaan taasi oo aanay oolin haba yaraatee wax Qalab Caafimaad ah oo Dabooli kara Baahida hooyooyinka Umusha ah ee Degmada iyo Tuulooyinka hoos yimaada, waxa ay dhibaato wayni Naga qabsataa marka Hooyo Umul ahi Xanuunsato ee waxba lagaga qaban kari waayo Degmada oo aanu Gaadhi ku qaadno oo aanu gayno Gabiley ama Hargeisa halkii ugu dhaw”

Gudoomiyaha Geedbalaadh waxa kale uu ka Warbixiyay Heerka Waxbarasho ee Ardayda Dugsiyada Degmada iyo Baahiyaha ka jira Dugsiyaddda Geedblaadh iyo Tuulooyin kale oo uu aad uga dayriyay sida Tuuladda Gaashaamo, Magaalo Farxaan, Magaalo Xayd iyo Deegaanka Dhalaaxda oo uu xusay in ay Arday aad utiro badani kasoo baxayaan Sanadkan, kuwaasi oo sida uu sheegay aan Loo Haynin Fasalo ay ku dhigtaan, waxaana uu sheegay in ay Qaarkood dhulka fadhiistaan oo aanay haysan wax kuraas iyo Miisas ah.


Ciise Cabdi Jaamac Waxa uu qayladhaan u diray Qubajooga Reer Geedbalaadh oo uu sheegay in ay ka gaabiyeen Doorkii ay ku lahaayeen Degmada iyo Waxqabadka Danta guud ee Bulshadooda , waxaanu aad ugu dheeraaday sida loogu baahanyahay in Gudo iyo dibadba la iskaga Kaashan lahaa Horumarka Bulshadda oo u baahan in dhinac looga soo wada jeedsado.


Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in uu Mishiin laydh ugayn doono dhawaan Magaalada Gaashaamo oo ka Tirsan Degmada Geedbalaadh, kaasi oo wax ka qaban kara Dugsig la,aanta meesha ka jira oo Hab eenkii aradayda Qaar wax loogu dhigi karo, si looga Faa,iidaysto in ta loo helay Dugsi dhamaystiran oo ardaydu maalintii wax ku dhigan karaan.


Mudooyinka Danbe waxaa isa soo taraya Qayladhaanta ka soo yeedhaysa Degmada Geedbalaadh iyo Deegaanada Hoos yimaada kuwaasi oo aanay illaa Hadda Xukuumadda waxba ka qaban Tabashada Bulshada iyo Gargaarka Abaaraha Saameeyay Bulshadda Deegaankaasi.

 


Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland