Wasiiru dowlaha Howlaha Guud, badhasaabka  Go bolka Gabiley iyo Maayarka Gabiley waxa doo rkoodu noqday in ay u adeegaan Riyaale

 

Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud oo ka Hadlay Kulankii dhexmaray Odayaasha Gab iley iyo Madaxwayne Riyaale

Wasiiru dawla oo faahfaahin ka bixiya Kulankaas: Halkan ka akhri Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud oo ka Hadlay Kulankii dhexmaray Odayaasha Gabiley iyo Madaxwayne Riyaale:-


Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud waxa uu qiray:



1. In ay muddo dheer soo jiitamaysay arinta dhulku.

2. in 1993 laga garnaqay loona xukumay dadkii lahaa, balse aan la fulin go’aankaa.

3. in gudiga golaha guurtida ay u fadhiyeen muddo affar bilood ka badan ka garniqida dhulkaas.

4. in Go’aamo laga soo saaray muddo haatan laga joogo bil iyo dheeraad.

5. in ay xukuumaddu bil gudaheed ku fuliso go’aanada.

6. in wasiiru dawlaha Hawla guud, Badhasaabka Gobolka Gabiley, iyo Maayarka Gabiley doorkoodu ahaa in ay isku keenaan Odayaasha iyo Riyaale oo aanay wax saamayn ah ku lahayn wada hadalka.

Waxa sida dharaarta u cad:


1. in aanay xukuumaddu fulin go’aanadii ka soo baxay garnaqii dhulkaas.

2. in ay dhamaatay bishii lagu fulin lahaa.

3. Affartii bilood ee shirku socday iyo bisha ka danbeysay in Riyaale iyo wasiirka Daakhiligu ka hadal arinta dhulkaas haba yaraatee.

4. in labada beelood ee Gabiley iyo dila saxeexeen galsoonida gudiga golaha guurtiga ee arintaa loo soo xulay.

5. in markii go’aanka lagu dhawaaqayey beesha Dila ku gacan saydheen, oo waliba aflagaadooyin u gaysteen xeerbeegtida.

6. in beesha Dila cadeeyeen in ay dacwad u qorteen Riyaale oo ah madaxa u sareeya dalka.

7. in Riyaale haba yaraatee beesha Dila kala hadal go’aanka qaldan ee ay qaateen beeshaasi.

8. in dhulkii Gabiley ka tirsanaa lagu daray Awdal.

9. in xukuumadda Riyaale leedahay car ka hadla dhulkaa

Waxa aanu tuhunsannahay:


1. in beesha Dila iyo Riyaale hoosta iska ogyihiin.

2. in Madaxtooyadu tahay halka fidmada ugu weyn laga wado ee ku wajahan dhulkaas.

3. Cida labada beelood isku direysaa in ay tahay Riyaale.

4. in uu Riyaale ka xaal abuurayo dhulkaas, si qas ugu rido Somaliland.

5. Riyaale, iyo Wasiirka wasaarada aad ka tahay wasiiru dawlaha aanay Somaliland daacad ka ahayn.

Haddaba waxaan walaaladayda kala ah wasiiru dawlaha hawlaha guud, Badhasaabka Gobolka Gabiley, iyo Maayarka Gabiley leeyahay, waxaad u shaqaysaan wadanka Somaliland ee ha isku qaadanina in aad u shaqaysaan Riyaale iyo wasiirka daakhiliga.

Madaxweynaha iyo Wasiirka gudaha waxaa idinka dhaxeeya wada shaqayn dawladeed oo ah midda dastuurka ku cad, wada shaqaynta ha u macnaysanina in kolba dadkiina iyo dhulkiina la idiin adeegsado sifo qaldan. Sida wasiiru dawluhu hadaalkiisa ku sheegay, "Masuuliyiintayada Gobolka Gabiley ka soo jeeda doorkayagu waxa uu ahaa inaanu isku keeno ee wax saamayn aha kumaanaan lahayn wada hadalka" Haddii aad ka shaqaynayseen in aad isku keentaan Madaxweynaha iyo Odayaasha maxaad la sugeyseen inta bishu dhamaanayso?
Hadalka wasiiru dawlaha waxaa ku jirey “in xukuumadu diyaar utahay fulinta go,aankii halkaa (Kalabaydh) lagu gaadhay” Waxaan leeyahay Xirsiyow mar hadii aad aaminsantahay xukuumaddu diyaar bay u tahay adiguba xukuumadda ayaad ka tirsan tahay ee maxaad bisha dhan u fulin wayday go’aanka .

Waxaa kale oo hadalka wasiiru dawlaha ku jiray “ Dadka dagaalka qaaday waxay suuldaaro ku tahay odayaashii oo ay ka dhigaan odayaashii niman aan cidna ka amar qaadan” Taasina waxaan wasiiru dawlaha u sheegayaa cida Suuldaarada dhigaysa waa adiga iyo inta kula midka ah ee moodaysa in Riyaale nacamlaytiisa masab lagu gaadho, waliba hadalkaa waxaan sidaa kuu leeyahay labadeena oo aad isku yaqaaan. Ogna Caydii Siilaayo in uu Riyaale kuugu abaal gudo wasiiru Dawla.


Hadal iyo dhamaan waxaan Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahaynka, iyo  Dadwe ynaha Deegaanka Gabiley ugu Baaqayaa in ay dadka kala bartaan, oo waliba rag badan oo uu ka mid yahay wasiiru Dawlaha Hawlaha guud Maxamed Aw Cabdi  Sh eekh(Xirsi) ay iska ilaashaan oo aanay danta guud ee dalka iyo ta deegaankaba ku halayn.

 

 

 

Mukhtar Hersi Hassan
Bristol, Uk