Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha dibada ee da lka Itoobiya Dr. Tekeda Alemu, oo maanta Soo gaadhay magaalada Hargeysa
 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha  Dib ada ee Dalka ethopia oo Maanta duhurkii ka soo Degay Gegeda diyaaradaha ee Cigaal international Airport ee Magaalada Hargeisa isga oo watay diyaarad khaas ah, ay aa Wasaarada arimaha Dibada ee Somaliland waxa ay ku sheegtay Socdaalkiisa mid rasmi ah.


Dr. Tekeda Alemu iyo waftigiisu waxa ay seddexda maalmood ee ay joogaan  Somal iland kulamo iyo wada hadalo gooni gooni ah la yeelan doonaan, Madax  wayn aha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, Wasiirka Arimaha Dibada Som alila nd , Gudoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid ee kulmiye iyo Ucid Axmed  maxam ed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe,Komishanka  doorasho oyinka  Qaran ka Somaliland iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland.

Wariiska Dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay in waftigan ethopia iyo Masuuliyiinta Somaliland ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta  xidhii dhka adag ee labada dawladood ee ethopia iyo Somaliland ee dhinacyada  amni ga, Siyaasadda iyo Ganacsiga.


Mudane C/laahi Maxamed Ducaale waxa uu sheegay in booqashada Wasiiru  daw laha Arimaha Dibada ee Dalka Ethopia Dr. Tekeda Alemu ay ka mid tahay  kulama dii joogta ahaa ee taxanaha ahaa ee labada dhinac is waydaarsan jireen.
Wasiiru dawlaha Arimaha Dibada ee Dalka Ethopia Dr. Tekeda Alemu oo ay xubno wasiiro ahi ku soo dhaweeyeen Gagada diyaaradaha ee Cigaal internation  Airp ort ee Magaalada hargeysa iyada oo Warbaahinta Somaliland Maalmihii  udanb eeyay ay si wayn u hadal hayeen Socdaalkiisa, ayaa waxa uu ku soo beegmay wakhti uu muran siyaasadeedoo la xidhiidha Diiwaan galinta codbiyeyaasha Somalilad uu ka taaganyahay.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo BBC-du Wax ka waydiisay in Socdaalka Wasiiru Dawalaha Arimaha dibada Ethopia uu la xidhiidhi in uu dhexdhexaadin ka galo Xal u helida Muranka siyaasadeed ee ka aloosan Somaliland iyo in kale . Balse wuu ka gaabsaday wasiirku in uu usocdo arintaasi waxaana uu ku  jawaab ay in Wasiiru dawlaha Arimaha Dibada ee Dalka Ethopia Dr. Tekeda Alemu uu usocdo in uu xogogaal u noqdo Xaalada Guud ee Dalka Somaliland oo uu yahay Xaqiiqo raadis.


Dhinaca kale Gudoomiyeyaasha Xisbiyadda Mucaaridka ayaa sheegay inaysan la kulmi doonin Madaxweynaha, illaa inta uu dib uga noqonayo Go’aankii uu ku  laa lay tirakoobkii iyo diiwaan gelintii loogu talo galay doorashooyinka  Madaxwe ynaha ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha soo socota ee September. Iyada ay maanta ku beegnayd Maalintii uu Madaxwayne Rayaale Martiqaadka ufidiyay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland.



Mustafe Future
mccfuture@longlivesomalind.com
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland