Wasiiru-dawlihii Hore ee Hawlaha Guud oo ku Baaqay in Dalka lagu soo Rogo ku Dhaqanka Shareeadda Islaamka

 

Ma jiraan khaladaad aad ogtahay oo aad Madaxweynaha ku taageertay

“Anigu waxaan moodaayey in ummadda loo wado shaqaynaayo, laakiin markaad ogaato in meesha wax ku jiraan”

“Dib-u-dhaca iyo muragga siyaasadeed ee dalku galay waxa masuul ka ah hoggaanka dalka oo aan daacad ka ahayn”

“Wallaahi, ninka wasiirka ahi dhaliil dibadda kama sheegi karo oo looma oggola”

Waraysi khaas ah – Aadan Ruush

Wasiirul-dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mr. Aadan Maxamuud Diiriye (Ruush) oo dhowaan xilka iska casilay, ayaa markii ugu horreysay si cad ugu baaqay in dalka lagu soo rogo ku dhaqanka shareecadda islaamka oo uu ku tilmaamay xalka keliya ee badbaadada Somaliland.


“Waxaan si buuxda ugu baaqayaa in dalka laga hirgeliyo ku dhaqanka shareecadda diinta islaamka oo aan u arko inuu yahay xalka keliya ee lagaga bixi karo dhibatooyinka faraha badan ee maanta waddanka yaal, lagana toobad keeno dunuubta ka dhashay cadhada Illaahay.


Sidaa awgeed, waxaan shacbiga Somaliland ku guubaabinyaa inay u kacaan sidii dalka loogu soo rogi lahaa xukunka shareecadda, taas oo ah ta qudha ee badbaadadu ku jirto.” Sidaa waxa yidhi Mr. Aadan Ruush oo waraysi gaar ah Jamhuuriya shalay kula yeeshay xafiis uu ku leeyahay caasimadda Hargeysa.


Mr. Aadan Maxamed Diiriye (Ruush) oo ka tirsan garabka isbeddel-doonka xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, lagana horjoogsaday ka qaybgalka shirweynihii labaad ee xisbigoodu ku doortay murrashaxiinta doorashada madaxtoyada, kadib markii uu ku dhawaaqay damaciisa siyaasiga ah ee hoggaaminta dalka, waxa dhaliilo culus huwiyey Madaxweyne Rayaale iyo golihiisa xukuumadda oo uu ku sifeeyey qaar aan daacad ka ahayn ammaanada xilka ummadda iyo masuuliyadda weyn ee loo xambaariyey.


Waraysigaas oo wax lagaga weydiiyo arrimo ay ka mid yihiin; shaqaaqadii dadku ku dhinteen iyo xiisadda ka taagan degaanka lagu muransan yahay ee galbeedka Gabiley, waxyaabaha kala fogeeyey Madaxweynaha oo muddo dheer saaxiib ahaayeen, dhul-boobka iyo iibinta hantida qaranka, miisaaniyadda 2009 iyo weliba qodob kale oo aad u xiiso badan, waxa uu u dhacay sidan:


Su’aal: Ugu horreyn sided u aragtaa xaaladda colaadeed yo shaqaaqadii dadku ku dhinteen ee ka aloosan degaanka Ceel-bardaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley ee aad dhalasho ahaan ka soo jeedo?


Jawaab: Shaqaaada Ceel-baraale ka dhacday waa mid muddo soo jiitamaysay, waxaynuna wada ogsoonahay in datuurkeenu leeyahay waxa lagu dhaqmayaa kala-xaddayntii degmooyinka ee Ingiriisku dhigay lixdankii, taasina waa arrin iska cad oo fulin uun u baahan, waayo waxa dastuurka iyo xeerku qarayo ma aha wax madmadow leh.


Hadda ka hor waxa arrintan loo diray Guurti oo go’aan bay ka soo qaadateen in beerihii iyo guryihii la isu celiyo, warbixinna waxay u keentay madaxtooyada. Waxa Guurtidu ugu keentay xukuumadda inay fuliso, ilaa maantana wax la fuliyey ma jiraan. Dadka ehelka ah ee wada dhashay wax dembi ah oo ay leeyihiin ma jiro, taasna xukuumadda ayaa eedeeda qaadanaysa.


Cidda la doonayo inay dadka kala hagto oo sharciga ku hagto waa xukuumadda, 10 sanno in ka badan bay socotay, anigu ma arkayo wax maanta Ceel-bardaale Guurti loogu diro, Guurtidu waa inay waajibkeeda garato oo tidhaa way naga dhan tahay xallinta arrintaas oo xukuumadda ayaanu ku wareejinay, hawl noo taalaana ma jirto, mana aha inay ku rafato maaha oo ku noqnoqto oo kolba tidhaa waa ladaminayaa dawan taasi ma keenayso, markaa dadkan walaalaha ah ee wada deggan, beerohooduna isku dhexyaalaan waa la kala dilayaa, siyaasad iyo xukuumadda ayaana kala dilaysa, balse in iyagu dantooda gartaan oo ay geedka fadhiistaan baa loo baahan yahay, haddii aanay xukuumaddu wax kala saarayn, shacbigana waxaan ugu baaqayaa in midnimadooda ilaashadaan inta la helayo maamul caafimaad qaba oo ina haga oo daacad ah. Madaxweynaha meesha fadhiyaa ummadda ayuu u fadhiyaa inuu caaqil ama suldaan noqdo maaha inuu beel ka muuqdo maaha, waa ogyahay waxba ma kala qarsoona kursi ayaa lagu wada fadhiyaa, wax weeye inuu ummadda u xaqsooro, laakiin hadday taasi dhacdo lagu kala bixi maayo, aniguna dadka ayaan la isku dilin baan odhan lahaa.


S: Waxa lagugu tilmaami jiray inaad ka mid ahayd xubnaha aadka isugu dhowaayeen Madaxweynaha, xidhiidh joogto ahna la lahaa qasriga madaxtooyada oo subax walba ka mid ahayd ragga taga, aaminsanaa hormoodka xubnaha barbar taagnaanaya Rayaale ilaa maalinta uu kursiga sagootiyo, markaa waa maxay salka khilaafka degdegga ah ee idin kala fogeeyey?


J: Waxa weeye nina tukaan uu leeyahay meesha kuma haysto, dan ummadeed baa la isugu yimi, haddii aanay soconayn oo aanay dantii ummaddu meesha ka muuqan oo aannu in badan u dhabar adaygnay oo in badan naawilanay in wuxuun soo hagaagaan wax la isku sii garab fadhiyo ma jirto.


Madaxweynaha waa run oo saaxiib baannu ahayn ilaa dhallinyaradii, laakiin siyaasad iyo aragtida uun baa na kala ka xaysay, shaqo ummadeedna way isu kaayo keentay, haddaan saluugay shaqada ummadda ee meesha ka socotay fadhiyi maayee waan isaga tagayaa, istiqaalad baanan bixiyey. Waxaan arkay in dantii ummadda ay ka soo hormartay dan gaar ah oo koox aan ummadda u naxay oo taariikhday soo mareen xeerinayn dalka afduub ku wadaan baan arkay.


Aniga rag dareemaya dhibaatada haysatada ummad baanu nahay, haddii waxba ka saxmi waayeen, annaguna aannu waxba sixi kari waynay, waxaan go’aansaday in aan xilka iska casilo.


S: Qoraalkii aad xilka isaga casishay ma waxaad ku sheegtay waxyaabo kale oo kuu qorsoon oo aad sabab ka dhigatay sida ka dhadhamaysay warsaxaafadeedkii Madaxweynuhu istiqaaladda kaaga aqbalay?


J: Anigu qoraala waxba kuma iftiimin warqadaydayda istiqaalad wax aan hayan kumuu qornayn, wadahadal baanu ku dhammaysanay marka hore Madaxweynaha, sababta aan meesha uga tagay waannu ka doodnay, balse waannu isku afgaran weynay, laakiin aakhirkii waa uu iga aqbalay.


S: Dhaliilaha tirada badan ee aad Madaxweynaha iyo xukuumadda u xambaarisay maxaad u sheegi wayday markii aad xilka haysay ee ceelka guntiisa ku jirtay?


J: Wallaahi, ninka xubin ka ah xukuumadda ama wasiirka ah warbaahinta waxba kama odhan karo, oo looma oggola, dhaliilna dibadda kama sheegi karo, haseyeeshee badheedhihiisa wuxuu ka caddeyn karaa shirka Golaha Wasiirrada, waxaan maanta isleeyahay ku seegay oo golaha kamaad sheeginna ma jiro, ragga aannu saaxiibka ahayna ogyihiin, waxaan maanta halkan kaga hadlay oo aanan halkaa ka odhan ma jiro.


S: Ma jiraan khaladaad aad isleedahay Madaxweynaha waad ku taageertay muddadii aad Wasiirka ahayd?


J: Wax aniga khalad iila muuqday oo aan Madaxweynaha ku taageeray ma jiro, anigu in aan xaq iyo ummadda u adeegayey uun baan u arkayey. Anigu waxaan moodaayey in ummadda loo wado shaqaynaayo, laakiin markaad ogaato in meesha wax ku jiraan waa inaad go’aan ka gaadho.


S: Maxaad ka ogtahay dhul-boobka madaxtooyada, maadama aad waqti dheer Wasiirul-dawle ka ahayd Wasaaradda Hawlaha Guud oo u xilsaaran dhulka iyo dhismayaasha danta guud?


J: Dhulka ummadda Wasaaradda Hawlaha Guud intiisa badan wixii dan guuda gacanta kumay hayin dawladda hoose ayaanu gacanta ugu jiray ilaa maanta, xeer u Baarlamaanku baasgareeyeyna ilaa hadda muu fulin. Waxa weeye Maayarka iyo madaxtooyada ayaa laga maamulaa dhulka iyo dhismayaasha danta guud, kol haddaanu jirin wax xeer ah oo laga leexanayo khalad lama waayeyo, xeerka in loo leexdo weeye, haddaanay wax ku jirin maxaa xeerka loo socod siin la’yahay.


Arrin goleyaashu ka aamusaan maaha hantida iyo guryaha xadka ka baxdayeen xukuumaddii iibinayso, hantida ka soobaxdaa halka ay maraysana lama oga.


S: Ka warran miisaaniyad-sannadeedka Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyey Golaha Wakiillada?


J: Waxa uu Wasiirka Maaliyaddu soo bandhigay anigu miisaaniyad uma karo, goluhuna haddii aannu isyeelyeelay waa uu og yahay waxa uu Cawil horkeenay in aanay gaadhin meelihii loogu talogalay Baarlamaanka ayey hortaallaa, iyaga ayaanay jirta hadday iibsanayaan. Horena miisaaniyaddii uu keenay umay gelin meelihii loogu talogalay, miisaaniyaddaas ciidan may gelin, cidna waxba looguma qaban. Marka la weydiiyo waxay tidhaa bari ayey wax innagaga socdaan, gobolladaas innagu soo biiray lacagtii loogu talogalay in horumariyo ee 2%-ka cashuuraha loogu darayna waa la layahay.


S: Sideed u aragtaa dib-u-dhaca ku yimi waqtigii hore loogu qoondeeyey qabashada doorashada madaxtooyada?


J: Waxa la yidhi awarku xamilkii buu qaadaa, laakiin xadhig qalloocan maqaado, anigu waxaan leeyahay wax aan soconayn waxba yaan ummadda dib looga dhigin. Wuu caddeeyey Komishanku in aanay xukuumaddu qaybtii ay ku lahayd dhaqaalah ku baxaya doorashada aanay soo gudbin. Anigu waxaan leeyahay dib-u-dhaca iyo murugga siyaasadeed ee dalka galay waxa ka masuul ah hoggaanka dalka Illaahay kala xisaabtami doono dhaartii iyo khiyaamada meesha ka socota.


Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaan leeyahay Ilaahay ka cabsada oo ummaddiina iyo dalkiina u tudha, waxaanad ogaataan in Somaliland Illaahay ilaashanayo oo aanay weligeed iilanayn, ninkasta oo isku daya inuu minjo-xaabiyana wuxuu ku dambeyn doonaa if iyo aakhiro seeg taariikhdiisu ku madoobaato, dhawaaqyada beryahan madaxtooyada ka soo yeedhanaya waxaan leeyahay Somaliland wax go’ lagu qaado ka weyn, shacbigana waxaan leeyahay midnimadiina ilaashada oo dheg h u dhigina seenyaalaha Soomaaliweyn ee madaxtooyada ka soo yeedhaya, isa saamaxa oo Rabbi u tubad celiya, si uu idiinku keeno madax caafimaad qabata oo idin hoggaamisa, Komishanka Doorashooyinkana waxaan leeyahay garta oo ka soo baxa waajibaadka culus ee ummaddu idiinka sugayso ee doorasha.


Dhinaca kale, waxa Aadan Ruushe sharraxaad ka bixiyey taariikhda halgankii qadhaadhaa ee shacbiga Somaliland u soo galeen xorriyadda iyo madaxbannaanidooda, taasoo uu ku tilmaamay mid aan dhibyaraan lagu burburin karin, waxaannu madaxda hoggaamiyeyaasha dalka uga digay in aanay dhab iyo dheel-dheeltoona uga hammiyin qorshe iyo shirqool kasta oo lagu minjo-xaabinayo himilada ummadda iyo midhaha qarannimada ee kumanaanka mujaahid u shahiideen.


“Hoggaanka dalka ee maanta ku hadaaqaya Sheekh Shariif iyo koonfur baannu wadahalaynaa waa gartood, waayo waa rag aan tacab kaga jirin halgankii dhiigga badan ku daatay ee dhaliyey xorrimada iyo qaranka ay hoggaamiyaan, balse waxaan u sheegayaa in rag badan taas hortood eedeen oo foolxumo iyo fadeexad la lumen, cid kasta oo ummaddan khiyaamaysaa weligeed kama macaashin oo waa taariikh cad oo la ogyahay, markaa waxaan leeyahay ha karaamo seegina oo ceeb iyo bar madow kurisga ha ku sagatooyina,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Wasiirul-dawlihii hore ee Hawlaha Guud Mr. Aadan Maxamuud Diiriye (Ruush).


 


Jamhuuriya Online