Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Kula Kulmay London Diblomaasiyiin iyo Masuuliyiin Sare

 


 

London (TNN)- Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid She ekh Xasan oo muddoonkii u dambeeyey booqasho ku joogay waddanka Ingiriiska, ayaa dhawaan kula mo gooni-gooni ah la yeeshay diblomaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Britain iyo dalal kale.

Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu ugu kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta S afaaradda Koonfur Afrika ee Ingiriiska masuuliyiin sare ee safaaraddaas, kuwaasoo ay ka wada hadle en sii xoojinta xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaanna waxa uu uga warra may doorkii reer Somaliland ka qaateen halgankii shacabka reer Koonfur Afrika kula jireen nidaamkii midab-takoorka ahaa.

Sidoo kale waxa uu Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan warbixin kooban ka siiyayay siyaasadda arri maha dibadda ee Somaliland, isagoo ku dheeraaday arrimaha nabadgalyada iyo la dagaalkan budhca d-badeedka. Waxa uu intaa ku daray hawlaha uu qabto xafiiska Somaliland ee Koonfur Afrika iyo doo rka jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas, isagoo faahfaahinna uga bixiyey xidhiidhka Somaliland iyo ka dhexeeya dalalka kalee Afrika.

Masuuliyiinta sare ee ka socday dalka Koonfur Afrika, ayaa iyaguna dhankooda su’aalo ku saabsan horumarka Somaliland ka samaysay dhinaca la-dagaalka budhcad-badeedda iyo la dagaalanka arga gixisada weydiiyey Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan.

Wasiiru-dawluhu waxa kaloo kulamo la yeeshay masuuliyiinta sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, oo ay ka mid yihiin kuwa qaabilsan arrimaha Somaliland, waxaanay dhinacyadu ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan ka dhexeeya iyo kor-u-qaadidda k aalmada dawladda Ingiriisku siiyo Somaliland, iyagoo wax ka weydiiyay geeddi-socodka dimuqraa diy adda Somaliland iyo rrimaha firashada ururrada siyaasadda.

Isla maalintii Khamiistii ee la dhaafay waxa uu Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan kulan gaara la yees hay odyaga ruug-caddaaga sida aadka ah ugu ololeeya qaddiyadda Somaliland xildhibaan Lord Eric A vebury, isla markaana ka tirsan aqalka odayaasha Ingiriiska, kaasi oo ay ka wadahadleen sidii loo xoo jin lahaa ee dardar loo galin lahaa saaxiibbadda Somaliland ee Baarlamaanka Britain, waxaannu wasiii rku u soo jeediyayay inay ka taageeraan sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururka Barwaaqa-so oranka ee Common Wealth.

Dr. Maxamed-rashiid waxa kulankaas ku weheliyay qaar ka mid ah masuuliyiinta ururrada ictiraaf-ra adinta Somaliland ee UK, kuwaasoo dhankooda iyaguna uga xog-warramay doorka qurba-joogga reer Somaliland kaga jiraan horumarka dalkooda iyo siday uga mid noqon lahaayeen beesha caalamka.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland oo beryahaba booqasho ku joogay waddanka Britain, waxa kulamo la yeeshay masuuliyiinta jaaliyadda Somaliland ku dhaqan dalalka Ingiriiska iyo Faransiis ka, isagoo Faransiiskana kula kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Waxa kaloo uu kulamo gooni-gooni ah magaalada London kula yeeshay saaxiibbadda Somalil and ee UK.
 

Source:Jamhuriya