Wax qabadkii Xukuumada ee 100-kii maalmood
Qaybtii 1aad
(27 July ilaa 04.Nov.2010)
Wixii ka dambeeyey 27 July 2010,waa cadaan in Somaliland ay raacday
wado ka duwan ,wadadii ay raacaysay 20kii sanadood ee ugu
dambeeyey.Barmaamushka Xisbiga iyo Xukuumada talada dalka hayana
waxaan ku soo koobi karaa dhowr qodob oo kala ah:-
Barmaamushka runta ah ee Xukuumada Somaliland:-
Duminta Dimuqraatiyadii Somaliland
Xiiso Somaaliweyn
ISBEDEL been ah oo aan jirin
Siyaasad Qabyaalad ku dhisan.
Cadaalad xumo Qabyaalad ku dhisan .
Dhaqaale urursi/boobka hantida
ummadda oo Qabyaalad ku dhisan.
Awood qaybsiga maamulka dalka oo
Qabyaalad ku dhisan.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxtooyada loo bedelo Hotel MANSUUR oo
uu leeyahay Wasiirka Ma aaliyada Walaalkii,Wasiirka
Maaliyaduna wuxuu sheegay in uu bixinayo oo keliya BIILkA laga keeno
Hotelka walaalkii ee MANSUUR.
Waxqabadkii Siyaasada Arimaha Dibada:-
Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland ayaa wuxuu isla sawiray nin
Safiir ah, sida la xaqiijiyeyna Wasiirku hantidii ummadda
wuxuu ka iibsaday Digital Camera uu iskula sawiro cidii uu isla
taagab a, waxaadna moodaa in uu yahay nin u ooman sawiro.
Waa markii ugu horeysay ee wadanka
U.S.A ay meel fagaare ka sheegaan in aanay aqoonsan do onin
Somaliland,waxaa sidaa cadeeyey Johnie Carson oo ah u qaybsanaha
arimaha AFrika , Somalila nd waxaa lala simay gobolo ka mid ah
Somaaliya
Waxaa xumaaday xidhiidhkii Somaliland
iyo wadamada deriska iyo kuwa inaga fogba ,mana jirto cid sheegi
karta halka uu ku dambeyn doono xidhiidhkaasi.
Waxaa markii ugu horeysay taariikhda
ee Mudaharaad laga soo horjeedo Somaliland uu ka dhacay caasimada
wadanka Ingiriiska ee London.
Waa markii ugu horesay taariikhda
Somaliland ee heshiis qarsoodi ah Xukuumadu ay la saxeexay wadanka
Denmark.Nuxurka heshiiskuna wuxuu ahaa ,sida la xaqiijiye in
Somaliland laga soo dejiyo dadka Somaalida ah ee laga soo
mastaafurinayo wadankaas iyo wadamo kaleba/ qadar lacag ah oo fara
guudkood ahna waa lagu laaluushay Xukuumada Somaliland.
Siyaasada Gudaha :-
Waa markii ugu horaysay taariikhda ee
Beelaha GABOOYE ay ku Mudaharaadaan Xukuumad Somaliland ka jirta
iyagoo tirsanaya cadaalad daro lagula kacay.
Waxaan wax lala yaabo ah cadaalad
daradii ka dhacday magaalada CAYNABA/waxaa lala yaabo ah sababta
keentay in ay sidaa uga aamusaan ururadii u doodi jiray xuquuqul
insaanka.
Waxaa MUDAHARAADO joogta ahi ka
dhaceen Gobolada awdal/Ceeri-gaabo/Burco/ Ardayda iskuulada ee
G.Saaxiil.
Laga soo bilaabo 27 July 2010 oo ku
beegnayd maalintii ay xilka la wareeg tay Xukuumada xilka haysaa,
waxaa shacabka reer Somaliland la soo deristay cabsi iyo khalkhal
dhina amaanka dalka iyo dadkaba saameeyey.
Waxaa la dumiyey qaab dhismeedkii
dhamaanba Hayadaha amaanka ,iyadoo si dano gaar ah uun loo bedelay.
Waxaa samaysantahay markii ugu
horeysay taariikhda Somaliland urur ka soo horjeeda Somaliland, waa
ururka la magic baxay SSC.,dhowaan-na waxaa loo raray SSC lacag
gaadhaysa (hal) 1 Bilyan Somaliland Sh. Ah.
Waxaa Xeebaha galbeed Somaliland ka
soo degay Ciidamo hubaysan oo ilaa hadda aan la sheegin halkii ay ka
yimaadeen iyo halkii ay u socdeen midna.
Waxaa la dilay,afduubay, saraakiil
iyo askar ka tirsan Ciidanka Qaranka ee gobolada bari ee Soma
iland,sida Degmada OOG,Laascaanood ,Widhwidh .
Waxaa la QARXIYEY qaar ka mid
Wasiirada Xukuumada talada haysa.
Waxaa laysku deyey in la XIDHO/balse
lagu fashilmay Gudoomiyii hore ee Banka Somaliland Md.C
abdiraxman Ducalle.
Waxaa fashilmay laba qorshe oo lagu
doonayey in lagu KHAARAJIYO,qaar ka mid Wasiiradii ugu muhiimsanaa
Xukuumadii hore sida Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Md Cabdillahi
Ciro,Wasiirkii hore ee Maaliyada Md. Cawil Ducale.
Waxaa mar 2aad Xukuumada ka fashilmay
isku day dil lala beegsanayey Wasiirkii hore ee Maaliyada Md.
Cawil,belse waxaa goobtaa ku geeriyooday ALLE ha u naxariistee mid
ka mid ah ilaaladii Wasiirka Md.Cawil.
Waxaa la soo saaray Xeer hoosaad lagu
baadhayo/ lagu daba gelayo/xidh xidhayo/hantidooda lagu qaadanayo
shaqsiyaad xilal sare ka soo qobtay Xukuumadii hore oo isku BEEL ka
soo wada jeeda.
Waxay Xukuumada Somaliland ogolaatay
in SUN lagu daadiyo Xeebaha bari ee Somaliland ,waxaa na la
sheegayaa in Xukuumada Somaliland ay ka qaadatay qadar LAALUUSH
lacag ah.
Waxaa laysku deyey in la
xidho,gaadhigiisiina laga qaado/balse lagu fashilmay Gudoomiye
Ku.Xigeenkii hore ee Gobolka Todheer Md.Guuleed.
WaxayMadaxtooyada Somaliland si cad u
diiday in la XUSO Qaraxyadii ka dhacay Somaliland 29 Oct.
Hadal iyo dhamaan ilaa maanta waxay xukuumadu qabatay arimahaa aan
kor ku soo sheegay ,iyo qaar aan runtii ka iska dhaafay,Xisbiga
Kulmiye na wuxuu qaadayaa heestii caanka ahayd eeKOL HADAAN
HANTIYEY HOWSHII DALKEE NACAB HAYSAN JIRAY
Mahadsanid
La soco qaybta 2aad ee dhaqaalaha /saxaafad
iwm---
|