WAR-SAXAAFADEED

 

 

Waxa eey dadweynaha Somaliland ee sharafta lehi ee la socdeen in ay maalintii ku beegne ed sanad guuradii 33aad eey aasaaskii SNM Madashu madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Silanyo u gudbiyeen waraqad qoraal ah oo muhiim ah.

Waqadaa nuxurkeedu waxa uu ahaa sida ee Madasha u aragto xaaladda qaranka ee cakir an. Waxa kale ee Madashu qaraalkaa madaxweynaha ugu gudbisay waxay talo latahay qa bashadeeda si wadanka loo badbaadiyo oo loogu soo celin lahaa sharciyadii, cadaaladii, di muqraadiyaddii, dawlad iyo maamul wanaaggii ee xukuumada Silaanyo lumisay.
Waxa jawaab rasmi ah oo Madashu ka heshey madaxweynaha ma jirto.

Haddaba waxay Madashu halkan dadweynaha sharafta leh iyo saxaafadda maamuuska leh ugu soo bandhigeysaa qoraalkaa oo ah sidii aanu madaxweynaha ugu gudbinay.

Haddii uu qoraalkaasi wanaaganaa ama nesteex ahaa iyo haddii uu xumaa ama adyad aha aba, dadweynahu markhaati ha ka ahaado.

Wa Bilaahi Toowfiiq

Axmed Ibrahim Xagi Xasan

Xoghayaha Guud

Madasha

Press Release

The esteemed Somaliland public is well aware that, on the occasion of the 33rd anniversary of the SNM on April 6, 2014, Madasha submitted a letter to President Ahmed Silanyo.

The essence of the letter was Madasha’s assessment of the nation’s dire state of affairs. It also contained Madasha’s ideas aimed at nation’s salvation and actions required in order to restore to the nation the rule of law, justice, democracy, good governance and proper management of the public affairs that the Silanyo government has been so grossly trampling on.

Madasha has received no formal response from the president on to the said letter.
Therefore, Madasha would like to hereby expose the full contents of the letter to the general public and the media.

Whether the contents of the letter were benevolent and constructive or whether they were destructive and ill-meant, Madasha would like the public to bear witness to them all.



Ahmed Ibrahim H. Hassan

Secretary General,Madash



waa tan warqadii iyo Qoraalkii ay madashu u gudbisay Madaxweyne Siilanyo oo dhamaystir an



QABIILKU, WUXU HALIS KU YAHAY; MIDNIMADA MUWAADINIINTA, NABADGELYADA IYO HORUMARKA SOMALILAND.

Maamulka J.S.L, si uu u taabo-galo wuxu u baahan yahay in la toosiyo dhaliilaha jira. Balse marka hore waxa xusid mudan; in la ogaado awoodaha Dastuurku siiyay Madaxweynaha J.S.L.

Dastuurka Qodobka 90AAD:

Madaxweynuhu waa: Madaxa Qaranka iyo Dawladda, waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu u xilsaaran yahay;

Daryeelka haybadda dalka.
Ilaalinta nabadgelyada.
Horumarinta bulshada.
Habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda.
Si uu u gutto xilkaa kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:- 1. Hogaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda. 2. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasiirada. 3. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawladda, markuu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah.

F.G: Sida kor ku xusan, Madaxtooyadu ma aha inay si toos ah u maamusho. LACAGTA KA SOO BAXDA: DEKKEDDAHA, HAAMAHA SHIDAALKA.

AWOOD KA WEYN OO KA BALAADHAN AYUU DASTUURKU SIIYAY MADAXWEYNAHA.

Si aan u ogaanno horumarka Dalka, bal aan tilmaan ka bixino: DAKHLIGA IYO KHARASHKA DAWLADDA.

II.KOBOCA DHAQAALUHU, MEEL FIICAN BUU MARAYAA. MAXAASE LAGU QABTAA?

DHAQAALAHA DALKA HADDII SI HABOON LOO MAAMULO, XAL BUU U NOQON LAHAA SABOOL-NIMADA DANYARTA IYO SHAQO LA’AANTA DA’YARTA?

BAL AAN KU HOREYNO, KOBOCA DAKHLIGA MIISAANIYADDA QARANKA, Si aan ula socono, in SABOOL-NIMADA SOMALILAND TAHAY, MID MADAXDEEDU ABUURTAY.

Sannadkii: 2010 Odoroska Miisaaniyaddu waxa ay ahayd ($47,000,000) Empty A/C

Muddadaa gaaban; 2010 ILAA 2013 WAXA KORDHAY, = $ 87,000,000.

Muhimaddu se, waa waxa lagu qabto.

Cashuuraha Berriga ee aan soo xeroon aad bay u badan yihiin. Waa 76 %. Looma baahnayn in tacrifado la kordhiyo. Waxa ay ahayd in, habkii loo ururin lahaa cashuurta Berriga xoogga la saaro. Waa in C/Berrigu, ay kor u dhaafto kastamada, oo ay gaadho $ 500 milyan sannadaha soo socda. Waxase Marwalba loo baahan yahay in kharashka la yareeyo, si koboca dhaqaalaha looga faa’idaysto.

By Yassin Ahmed

KHARASHKA XUKUUMADDU WAA XAD-DHAAF.
Kharashka Xukuumaddu, waa xad dhaaf. Waxa jira, 46 wasiir:

Waxa aan loo baahnayn 31 wasiir, oo ay ku baxado muddada xilka: $ 2,232,000
Waxa jira; 1,142 Caaqil. Diiwaan gelinta waxa loogu baahan yahay 361 caaqil: Waxa aan loo baahnayn: 781 Caaqil oo ay ku baxdo, Shanta sano ee maamulkan $ 9,372,000
Korodhka Miisaaniyadda Madaxtooyada, 2010 ilaa 2013 : $ 4,745,100
Muddo kordhinta XAARAANTA AH ee labada Gole, oo ay ku bixi: $ 6,354,394
ANSIXINTA, XEERKA MAAMUUSKA, mudanaha dhaca la siin mushshar Sannad $ 2,816,071
Madax M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay ee aan sharci ahayn isnna waa $ 50,160,627
ADDUUNKA MADAXTOOYADA LOO TIRIYAA isugeyn guud waa: (1) $ 75,680,192
ADDUUNKA XUKUUMADDII RAYAALE, LUNSADAYNA waa: (2) $104,423,657
Isugeyn Guud: (1) + (2) $180,103,849


KHARASHKA DAB-DEMISKA SIYAASADDA
Kharashku, intaa kor ku xusan oo qudha ma aha. Waxa kale oo badan, mid ku baxa:- 1. madax-dhaqameed, ku hanjaba inay talada reerku iyaga ka go’do. 2. Dad aan dawladda ba u shaqayn oo mushahar la siiyo. 3.Kharashka ku baxa aamusiinta Jaraa’idka iyo T.V. 4. Kharashka; LOOLANKA madaxda Xisbiga Kulmiye. 5. Kharashka; khilaafka shir-guddoonka G/Wakiilada. 6. Kharashka ololaha Xisbiga Kulmiye. 7. Kharashka dabaal-degga amba-bixinta iyo soo-dhoweynta Madaxweynaha. 8. Waxa kale oo Madaxtooyada loo tiriyaa:-

Dakhliga dekkedda BERBERA.
Haamaha shidaalka.
Dhulka Dawladda, ee la iibiyo.
Daaraha Dawladda, ee la iibiyo.
Wasaaradda Macdanta iyo tamarta.
F.G:1. Wasiirka Macdanta iyo Tamartu, wuu ka-gows-qabsaday inuu Golaha hor keeno, HESHIISYADA UU LA GALO SHIRKADAHA BAADHA SHIDAALKA iyo MACDANTA. Wuxuna qabaa isku halayn Madaxweyne. Waana halka Dakhliga u badani ku lumo (Diiwaan gelinta, kiro sannadeedka, Cashuurta kala iibsiga (sales tax). Lacagta shirkaduhu bixiyaan waa inuu toos u galo a/c dawladda dhexe, oo aan Wassiirdu qaban.

Waxa nasiibdarro ah, in labadii GOLE iyo Garsoorkii XUKUUMADDA ku ilaalinlahaa, Dastuurka iyo sharciga, ay gabeen XILKOODII ahaa, in ay ku hagaan Xukuumadda Dastuurka iyo sharciyada Dalka. Sidaa darteed Ku tagrifalka hantida qaranku wuxu noqday MUBAAX.

2. Si Dekedda, Dakhliga iyo kharashka DHABTA AH loo ogaado, oo la diiwaan geliyo, Wasiirkii hore ee maaliyaddu wuxu Madaxweynaha ka codsaday inuu u magacaabo dekedda, XISAABIYE IDMAN. M/240/199/092010. Taar.23/09/2010. Madaxweynuhu wuu aqbalay: WM/02/08-61/647/2010 Taar.25/09/2010. Waxa YAAB ah, oo fulin waayay amarkaa Madaxweynaha, wasiirkiisa Madaxtooyada. Lacag, intii la doonaa la qaada maareeyaha dekedda, oo aan qoraal lahayn. Waa sababta Maareeyihii hore ee dekedda ee shuqulkaa yiqiin loogu soo celiyay dekedda.

V. ADEEGSIGA QABIILKA, KALSOONIDA DADWEYNAHA MA LAGU KASBI KARAA?

Waxa iyana ayaan-darro ah; Dawladaha J.S.L ilaa 1992, waxa ay adeegsanayeen qabiil iyaga oo u qaba in ay ku hanan karaa KALSOONIDA muwaadiniinta J.S.L. Qabiilku wuxu xambaarsan yahay:- Eexda, Qaybsanaan, cadaalad darro iwm. Kalsoonida shacbiga J.S.L. waxa lagu kasbi karaa, cadaalad, nabad-gelyo iyo horumar.

Arrinta ugu xumi QABIILKA waa HAYB-SOOCA. Waxa ay gaadhay in, reer tiro-yari aan la siin Wasiir buuxa. Si kastaba ha u fiicnaade. Mar-mar, waxa CAWRI-GAFF loo siiyaa wasiir-ku-xigeen. Lama tix-geliyo: Aqoon, khibrad iyo dhaqan suuban. Waxa is-weydiin mudan, Madaxda Dalku, ma waxa ay saluugsan yihiin; QAYBTA iyo ABUURKA ALLE?

Hayb-sooca dawadiisu ma adka. Waxa lagaga bixi karaa, aqoonta dadka la HAY-SOOCO, oo kor loo qaado. Waa dhalin tooda oo laga bixiyo jaamacadaha si ay u kasbaan shahado-sare iyo shaqo fiican. Qofka kasbada aqoon sare, Masters ama PHD, wuxu ka xuub-siibtay NAA-NAYSIHII qabiilka. Tiriig baana markaa lagu raadin.


VI. SHARCIYADA DAWLADDU KA XUUB-SIIBATAY iyo MAAMUL-XUMADA LAGA DHAXLAY.

Xeer Dejintii (Labada Gole) oo ku fadhiya Xil aan dadweyne u dooran, oo XAARAAN ah.
Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka oo muddo gaabani uga hadhay doorashadii. Tabaabulshihii doorashada oo ciiro HADHAYSAY, oo aan u socon habsami. Cabsi laga qabo doorashadii dawladaha Hoose oo kale iyo Dalkii oo ku dhow dawlad La’aan. Muddo-kordhin dambe oo aan la aqbalayn. Dastuurka qodobka 42-3. Ma aha mid, loo cuskan karo muddo kordhin.
Qandaraaska Qaranka oo marka la doono lagu bixiyo, siffo aan Sharci ahayn, iyada oo loo adeegsanayo Qabiil ama Dano gaar ah.

Shaqaale lagu qarameeyo ama lagu eryo reer.
Haya’adaha dabagalka:- oo tamarin waayay, kana gaabsaday, in ay baadhaan ama xisaabiyaan adduunka Madaxtooyadu la wareegtay ama lunsatay. Waana arrinta dhabqisay, habsami u-socodsiinta Maamulka. Haya’adaha dabagalka ee tamarin wayay waa:-

Hanti-dhawrka.
Xisaabiyaha Guud.
Xeer-Ilaaliyaha Guud.
Guddi-Hoosaadka G/Wakiilada ee; Ilaalinta iyo daryeelka Hantida Qaranka.
Guddi hoosaadka G/Wakiilada ee: Maaliyadda iyo dhaqaalaha.
Guud ahaana: Baarlamaankii, oo ka gaabsaday inuu Xukuumadda, ku hago Dastuurka iyo sharciga Dalka.


Mudane Madaxweyne, xaaladda Dalku MEEL XUN BAY MARAYSAA. Madadaalada iyo Riwaayadda wasiirkaaga Madaxtooyadu ma aha mid meel lagu gaadhayo. Waxay inna dhaxalsiiyeen:- Murame joogta ah, Maamul xumo, nacayb iyo qaybsanaan. Natiijaduna waa NABADGELYADA OO KHATAR KU SUGAN. Waxa lagaaga baahan yahay MADAXWEYNE inaad samayso:- IS-BEDDEL DHAKHSO AH, si kharashka DAWLADDA loo dhimo. HANTIDII QARANKA ee la BOOBAY loo soo celiyo. Dawladdu u tamariso, sumcadda Dalka, Halgankii iyo magacaagu kor u kacaan.

ALLAA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Madasha Wada tashiga