Waxa hubaal ah in warbaahintu (media) qaran walboo duni dan ka tirsan u tahay muraayada laga daawado amma laga akhristo ammaba laga dhagaystaba.

 

 

Qaran-ka xortaa warbaahintiisu waa mid laga dheehdo qaranka dhaqankiisa, taariikhdiisa, dha qaalihiisa, noloshiisa iyo himiladiisa. Sidoo kale waxaad warbaahinta qaran aad ka sawiran kart aa mudnaanta uu qarankaasi hawlihiisa iyo himilooyinkiisa kala gadisan ay ugu kala mudanyiin amma ugu kala weynyiin.



Jamhuuriyada Somaliland (JSL) waxay dalal badan oo dunida soo koraysa ah ka horaysa amma ku dhaanta horumarka iyo xoriyada warbaahinta kala gadisan. Inkastoo horumar farsamo iyo aqooneed oo aad u balaadhan u baahanyiin, hadana waxa dalka Somaliland ka hawl galla TV-yo iyo jariirado aad u tira badan. Waxa kaloo iyaduna maalin dhawayd lagu guulaystay in Radio Ha rgeisa qalab cusub lagu hawl galliyo.



Warbaahinta Qaranka (nation) Somaliland mid shicib leeyahay (private) iyo mid dawladdi leed ahay-ba (State owned), masuul ayeey ka wada yihiin ilaalinta iyo fidinta ariimaha aan kor ku soo sheegay ee danta guud ee Qaranka, ta dawlada masuuliyad dheeri ahi hasii saarnaate. Warbaahinta shicibku leeyahay kama dhigna inaanay masuuliyad ka saarnayn danta Qaranka iyo kobcinteeda.



Sida ciwaanka qoraalkaygan ka muuqata taladaydu waxay ku socota TV-ga Dawladda ee laakiin waa mid ku aadan guud ahaan warbaahinta Somaliland gaar ahaan TV-yada madaama ay yihiin kuwaan arkay amma daawaday (SLNTV iyo HCTV) kana simanyiin ka turjumin la’aanta qaranimada Somaliland.



Intaanan tallada u gallin bal aan horta taxo waxyaabaha igu dhaliyay qoraalkan. TV-ga Dawla da JSL wuxu imika hawada ugu jiray dadkayaga Europe daggan muddo 7-ba bilood ah. Muwaadiniinta reer Somaliland ee Europe daggani waxay TV-ga Dawlada ugu farxeen si aan lasoo koobi karin madaama aanu ku hungownay TV-gii kasoo horeeyay ee Qaranka JSL ka tirs anaa ee HCTV oo iska-da innuu qaranimada JSL ka turjummee imaantinkii uu Europe yimid ka dhi gtay TV Soomaaliyeed oo Qaran Soomaaliyeed matala. TV-ga HCTV wuxu Europe soo gaadhay isagoo wararka Somaliland iyo Somalia gooni kala yihiin, qofkii Af-Soomaaliga fahma ee TV-gaas daawadaana si cad u ogaan karo in Somaliland iyo Somalia 2-dal oo kala madax banaan yihiin ee laakiin imaatinkii Europe waxay u horseeday in TV-gu hirgaliyo qorshe aynu ugu yeedhno dhex-dhexaadnimo (dhex-dhexaadnimada ayaa si khaldan loo fahmaye) oo uu markaas HCTV bilaab ay innuu muujiyo innuu dhex u yahay waxa loogu yeedho umadda Soomaaliyeed (Somali nation).



Haddii aan isku koobo tilmaamta TV-ga Dawlada JSL amma sidaynu u naqaano TV-ga Qaranka Somaliland, dhaliilihiisu waxay u kala baxayaan mid farsamo (technical) iyo mid qorshe (policy). Dhinaca farsamada hadaan ku horeeyo, TV-ga Dawlada JSL wuxu aad uga liitaa muuqaalka iyo habeynta barmaamujyada ka baxa. Sidoo kale waxaad ka dheehan kartaa hab u socodka TV-ga masuuliyad la’aan madaama khalad isku mid ah 3 habeen aad ku arki kartid. Tusaale waxaan u soo qaadanayaa 3 habeen oo iksu xigga oo aan warka TV-ga daawanayay ayaa waxa dhacday inay 3-da habeen-ba kusoo celiyaan war isku mid ah oo ku aadan sida dadka Muslimiintu Ciidal-Fidriga iskugu diyaarinayaan Nairobi gudaheeda iyadoo 2-da habeen ee dambe wariyaha warka sheegayay mawduuc kale sheegay markan uu soo daynayo warka (report) Nairobi. Halkaas waxaad ka fahmi kartaa in hubbin la’aan iyo danayn la’aan shaqo ay meesha ka jirto. Waxaan iswaydiiyay tolow waxan ay soo daynayaan miyaanay daawan si ay u hubbiyaan shaqadooda. Waxaad kasii yaabaysa odhan maayaan raali naga ahaada cilad xagga farsamadaa ayaa dhacd aye, waxay u eegtay inay khaladkan aanay aragba.



Sidoo kale barmaamuj-yada ka baxa TV-ga ayaan tayo badan la’hayn amma ujeedada laga lah aa (haddii ay ujeedo leeyihiin-ba), siday u baxayaan, laga gaadhi doonin. TV-ga waxa barmaa muj-yadiisa ka mid ah 2-ba barmaamuj oo aad u xiiso badan oo kala ah Kasmaal iyo mid skuulad a secondary-ga JSL ku tartamaan. Waxa habboon in qof-ka daadihinaya barmaamuj-ka noocan oo kale ah ee su’aal iyo jawaab ah uu su’aasha adkaata ee dadku garan waayaan uu micnayn karo jawaabteeda si markaas dadka barmaamuj-ka ka qayb gallay iyo kuwa daawanayaa-ba uga faa’idaysan karaan. Laakiin waxa dhacda in wariyayaashaa daadihinaya 2-da barmaamuj ay jawaabtii uun sheegaan oo bilaa micne ah qancina dadka ka qayb gallayaasha ah iyo kuwa hawada ka daawanaya ee aan anigu ka midka ahay.



Barmaamuj-ka Kasmaal ayaa Ramadaan-tii dhawayd waxa 2-ba habeen oo isku xigga ku jiray su’aalo ku aadan Af-Soomaliga siiba xagga erey bixinta (vocabulary). Habeen waxay muwaa dinkii ka qayb galaha ahaa waydiiyeen haddii uu qofku hadalka qab-qabto maxaa loogu yeedha, dabadeed 4 kalmadood oo midna la garan waayay waxay tahay ayeey soo dhajiyeen. Muwaadinkii wuxu yidhi dadka ayaan waydiinayaa dabadeed dadkiina way garan waayeen ilayn kalmad ay yaqaanaan maahe. Ka dib wariyihii ayaa sheegay kalmadii saxa ahayd oo aan imika ilaabay. Aniga markii dambe qof ila daawanayay ayaa ii sheegay in kalmadan Somalia laga istic maalo oo halka inagu ka nidhahno gaa-gi amma hag-haggo ayeey iyagu kalmadaas uga yaqaa naan. Markaas haddii uu wariyuhu macnayn kareen halkay kalmadani kasoo jeedo iyo dalka la ga isticmaalo maxay faa’idaynaysaa in kalmadaas meesha lasoo dhiggo? Habeenka kalena waxa la waydiiyay ka qayb galaha BEED oo kalmad Af-Carabi ah waxa lagu yidhahdo Af-Soomaali dab adeed waxa sax laga dhiggay intay dadkii garan waayeen NAALO oo reer Djibouti isticmaalaan oo wariyihiina sidiisii taasa saxa uun kaga hadhay. Halkaas farsamo xummo iyo aqoon la-i oo qudhi kama muuqatee waxa kaloo ka muuqda qorshe la’aan qarameed oo dadka loogu tabinayo kala gaddisanaanta dalalka Soomaalidu dagto si markaas looga saaro umadda ku abtirsata qar anka Somaliland caqiidadii (doctrine) midka wada sheegaysay (dhaqan,af,dal iyo diin isku wada mid ah) ee Soomaalidu waa wada mid lahayd.



Anigoo sii sharaxaya qorshe Qarameed la’aanta TV-ga Dawlada, waxa dhacda in TV-ga lagasoo daayo khariirad (map) burinaysa jiritaanka JSL oo dhulkeeda ku daraysa dalka aynu jaarka nah ay ee Somalia, taasoo dhawr jeer dhacday dhici doontana hadaan shaqaalaha iyo ciddii ka mas uul ahba la baraarujin. Waxa kaloo dhacda in TV-ga lagasii daayo dad iyagoo Somaliland u jeeda Somalia odhanaya amma hadallo kaloo qaranimada Somaliland burinayaba odhanaya oo aan ma rkaas la isku dayeen-ba in laga jaro hadalada noocaas ah (editing) ilayn Live maaha barmaam uj-yadan baxaye kuwa Live-ka ahna qorshe laga yeesho.



Khaladaadkan TV-ga Dawlada ka dhacayaa waa kuwo halis ku ah qaranimada Somaliland sidaa daraadeed waxaan rajaynayaa in masuuliyiinta u xil saarani iyo shaqaalaha TV-guba fahmaan hawsha ay u hayaan Qaranka JSL baaxadeeda oo runtii la mid ah tay hayaan ciidanka Qaranku.



Waxaan Mareeyaha cusub ee TV-ga Dawlada oo magcaabistiisa aan maqlay anigoo ku guda jira qoraalkan, ahna nin aanu saaxib nahay kuna tuhmayo innuu fahamsanyay isla markaana daree nsanyay khatarta ariimaha aan kor kagasoo hadlay kula talinayaa innuu si dhaqso ah qorshe u gu dajiyo TV-gan oo xag farsamo iyo xag wadaniyeed-ba shaqaalaha TV-ga laga dhiso. Waxaan idinkula tallinayaa in barmaamuj walboo ka baxaya TV-gani uu noqdo mid ka turjumaya oo si cad looga dheehan karo Qaranimada JSL.



Wa bilaahi tawfiiq,
 

 




Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist,
London
iidsl@hotmasil.com