Waxa maalmahan aad loo hadal hayaa in Golaha Gurti k u sh eega Somaliland dig ugu salaxayso muddo kor dhin xuku umad fadhiidnimadii hore ku darsatay dil iyo xadhig

 

Tacadiga xad dhaafka ah ee shacbiga Somaliland lagu hayo gaar ahaan dhalintii, wax garadkii iyo guudahaanba birma geydadii bulsho weynta.



¨ Markaanu aragnay ummadan cid u danaynaysa inaanay jirin.

¨ Markaanu aragnay in masiirkayagii iyo ayahayagii dhaameel lagu badashey.

¨ Markaanu aragnay in tan iyo 100 sano tagay ummadan dhagax loo carinayay, himilooyinkisana kulba qol maddow afar oday ku dilaalayso.

¨ Markaanu aragnay qaabkii dhalintii mustaqbalka dalkan ahayd rasaas loo quudhay, xadhigna loogu daray. Ka damqasho la’aanta maamulka maanta jooga annagoo kala reebeyn Gurti iyo Xukuumad, kol hadii aan gacan ku dhiiglayaashii dhagarta galey ay wali suuqa joogaan. Taaso aanu u aragno ku digasho, muujinaysana “complicity”-ga Xukuumada.



Intaaso arimood markaanu aragnay, kadib shirkii xalay online-ka ahaa ee kulansiiyey dhalinta maanta aayahoogii rag dilaalayaan, waxaa laysla qaatay qodobada hoos ku xusaan:

i. In kacdoonkii dhalintu aanu dameyn oonu sii xoojinayno inta uu nidaamkan guracay ni dalka ka dhisanyahay.

ii. In aananu u aqonsaneyn golaha Gurti ku sheega iyo Xukuumada uu madaxa ka  yah ay Riyaale kuwo taladooda iyo go’aamadoodu aanay na khusayn ow iyaga u gaar tahay. Hadii ay farta waaweyn wax ku fahmaan, taa micnaheedu waxa weeye:

Golaha Gurtidu ummada Somaliland ma metelo, go’aankay gaadhaana waxba kama jiraan weeye.

iii. 27/09/09 wixii ka dambeeya Xukuumada Riyaale aanay Somaliland ka talin  madaa ma aanay ku si joogayn rabitan shacbi (Popular Vote).

Taladuna ummada ayay diid ugu noqonaysaa.

iv. In aanu haatan ku hawlanahay dhankayaga Dawlada iyo nidaamka aanu ku  bedel eyno oo shirar haatan noo socdaan, shabiga intiisa kalena aanu usoo bandhigidoono halka looga gudbayo nidamkan fashilmay.


Riyaale iyo Gurtidu mid ha ku seextaan caawa:

Wax badan ayay dhalintu mustaqbalkoodii idinku caamintay inbadanna aad ku dhees heen. Abaalna waxaad uga dhigteen xabad iyo xadhig.

The time has come for us to take our destiny into our own hands. Your delay tactics are not acceptable any more.



The Future belongs to us!
 

 

 

Mr Ismail H Mahamoud
Afhayeenka Barraarug (The Awakening
)