Waxa nasiib darro ah in aynu Rayaale iyo dawladiisa ka dhigano dawlad keligii talis ah oo samaysata hubkii ay dadka ku cadaadin lahayd

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali ayaa gaashaanka ku dhuftey islamarkaana mowqif adag ka istaagey mudada Komishanku doorashada u qabtey taas,oo uu ku tilmaamey in ay lamid tahey qoraalkii uu Madexweyne Rayaale digreetada kusoo saarey ee mudada doorashada oo labadaba wakhti yari u dhexeeyey markii ay soo baxeen.


Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu khadley arintii mudaharaadkii Xisbiga Kulmiye ee shaley iyo sidii ay Xukuumada Rayaale ula dhaqantey ,waxanu u ku sheegay arin aad u qaldan oo aan loo baahneyn wadankeenuna aanu qaadi karin

taas oo khasaare weyn geysan laheyd ayuu yidhi hadii xabadii kor loo ridayey cadowgu ka faaideysto oo masuuliyiintii Kulmiye mid kamida ah lagu dhufto,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu si adag uga hadley mowqifka Xisbigiisu ka taagan yahey arinta Guurtida isagoo xusey in uu soo saari doono warsaxaafadeed degdeg ah oo arintaa la xidhiidha .


Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay xogwaran khaas ah oo uu siiyey galabta SDWO.COM, IDAACADDA RADIO SALAL iyo Gabileynews xogwarankaasi oo dhameys tiranina waxa uu uqornaa sidan:.


"Waxa inoo caado noqotay mar kastaba muran siyaasadeed oo aan loo baahnayn, kaas oo ah wax fudud oo la xalin karo oo aynu waqtiga iskaga qaadnaa oo sumcada dalka ku baa’iinaa, cadowgeenuna ku farxaa. Arrintan dhacday waxa weeye mid aan lahayn dariiqo loo maro, tan oo kalena waxay ina soo marta sannadkii 2008 markii muddadii shanta sanno ahayd ka dhammaatay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, markaa maadaama aanay jirin wax sharci ah oo ka yaalaa waxaannu ku dhammaysanay in aannu isku nimaadno saddexda xisbi oo aannu wax ku heshiino, annaga oo ku heshiinay in dawladdani noqoto ku-meelgaadh oo dalka gaadhsiisa doorasho ilaa 29 October, halkaas oo aannu ku duudsinay waqtigii Guurtidu qabatay ee bilaa sharciga ahaa oo dhigayey in 6 April doorashada la qabto, heshiiska aannu kala saxeexanay wuxuu ahaa haddii mar dambe doorashadu dib u dhacdo waxa u xilsaaran saddexda xisbi iyo Komishanka, waxa nasiib-darro ah in dib loogu celiyey Guurtidii aan sharciga haysan, guurtida ha lagu celiyee hadana maanta Guurtidii way kala jabtay, waxa aan la qaadan karin in Gurtidu isticmaasho qodob aan meesha oolin oo qodobka 83 aad, kaas oo sheegaya haddii nabadgelyo-darro jirto kordhis ma jirto, waxa kale oo inoo fidinaya wahtiga madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dastuur sheegaya shan sanno, ma jirto wax kaliya ee lagaga baxsanayaa awood madhnaan sidaan berrigii hore samanay saddexda xisbi oo isku yimaada oo waqti ku heshiiya. Annaga (UCID) go’aamadayadu way soo socdaan si dhakhso ahna shir jaraa’id oo aannu ku sheegno ayaanu qaban doonaa."Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid.


isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu kahadley arinta xasaasiga ah ee muranka siyaasadeed ee xiligan soo waajahey dhinacyada Siyaasada kuloolamaya ee dalka waxanu yidhi:


"Waxa nasiib-darro ah in aynu Rayaale iyo dawladdiisa ka dhigno dawlad keligii talis ah oo samaysata hubkii ay dadka ku cadaadin lahayd iyo askar ballaayo ah oo dalka oo dhan gacanta ku haysa oo ina caddaadisay oo inaga adkaatay in laga dhigo, dawladdani waa mid jilicsan oo hay’adihii Ina Cigaal dhisay wax ka dhacay mooyee wax ku soo kordhay ma jiro boolisku wuu sii xumaaday, nabadsugidu way sii xumaatay, dhaqaaluhu wuu sii xumaaday, markaa waxa weeye qof dimuqraadiyad lagu soo doortay oo shan sanno la siiyey oo aannu dhawrayno waxa uu ku taagan yahayna tahay ixtiraamka iyo karaamada shacbiga Somaliland oo dhawraya qaranimada Somaliland iyo in dhibaato soo gaadho ee kuma taagna cudud dawladeed, innaga ayaa wax walba ilaashana oo askariga iyo jeelkaba masruufna. In loo eekaysiiyo maaha nin inaga adkaaday oo aynu u maaroweyne oo sidii Siyaad Barre ah maaha, waanu dhawraynaa ee yaan la abuurin fowdo aan jirin in lagu mudaharaado, in la yidhaahdo ha dhaco sidii nin loo taag waayey maaha. Aniga waxay ila tahay wax laga yaqyaqsoodo weeye in toban nin oo doonaya inay dalka wax ka noqdaan oo ballaayo isku haysta inay Daahir Rayaale oo miskiinkaas ah oo aannu dooranay oo aannu nidhi ilaaliya yaanay inaga burburine intay tobankuba meel soo fadhiistaan yidhaahdaan Rayaale…Rayaale…Rayaale anigu foolxumo ayaan u arkaa, markaa isnidaamiya oo yaanu moodin nin inaga badiyey oo keligii kubadda wata oo aannu ismahadinin.


Shalay raggii waaweynaa ee dhallinyarada horkacayey haddii raggii islahaa cirka toogta ee xabbada cirka ku ridayey haddii xabbadu si lama filaan ah raggii madaxda ahaa ugu dhacdo sow lama qasmeen, waayo askarigu ma haysto biyihii, qiiqii iyo budkii dadka lagu kala eryey ee wuxuu haystaa xabad cas oo weliba aannu ridi aqoon ee hadduu isyidhaa cirka toogo qof ku dhacaysa, markaa maxaad dadka khatarta u gelinaysaan. Markaa anigu mudaharaadka uma arko inuu xal yahay, ninka Madaxweynaha ah wuu ogyahay in waqtigii ka dhammaaday, laakiin haddii aynu ficil gelino oo ka dhigno nin ballaayo ah digtaytar aan waxba maqlayn ah wuu iscajibin doonaa, haddii uu iscajabiyana innagu waxaynu is odhan doonaa wax iska celiya, haddii aynu wax iska celinana waddankeenu waa buul shiraaq ka dhisan oo wuu inaga burburi doonaa, markaa miyeynu ku dulminaa mise aayar baynu ka soo saarnaa, haddii aynu iska burburinayno waa wax kale saddex saacadood inagu qaadanmayso, laakiin way innagu wada burburaysaa oo ma kala dambaynayno. Markaa aayar aynu doorasho qabano oo isku nidaamno oo samaysano dawladdii ina gaadhsiin lahayd doorasho.


Haseyeeshee, mudaharaadka xaq baa loo leeyahay oo bulshada ku dhaqan dal dimuqraadi ahi waa inay xuquuqdeeda ku muujisaa mudaharaad.


Khamiistii hore ayaanu isaragnay Axmed Siilaanyo si fiican baanuna isku afgaranay, waxaannu isla garanay in doorasho xor oo xalaal ah oo aanay dawladu na boobin samaysano, in serfarka shaqadiisa ogolaano, waxa naga maqan sidee baanu u bilownaa, taa macnaheedu waxa weeye dawladdii aan ogolayn in doorasho dhacdo oo kolba ka fikiraysa si ay u koradhsato, kuna milantay Guurtidii.


Arrinta dhexdhexaadinta si khaldan baa loo fahmay, annagu ma dhexdhexaadinayno ee waxaannu nidhi waxaannu keenaynaa mowqif saddexaad oo aannu u arkayno tallaabo Somaliland u dan ah oo aannu labadaba leenahay waar ogolaada tan baa inoo dane"Ayuu yidhi


Waxa kale oo uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe kahadley arinta Komishanku soo saarey ee mudada doorashada iyo kalsoonida Gudoomiyaha Komishanku uu ka aaminasnyahey isagu(Faysal Cali Waraabe) isagoo arintaa kahadlayana wuxu yidhi:


"Berito ayaanu ka hadli doonaa, kani kii Komishanka maaha go’aankani waa kii uu soo saaray madaxweynuhu, balse kii Komishanka wada-hadalo ayay ka soo bixi doonaan, guddoomiayah Komishanka oo aan hore uga dooday in aan loo dhiibin Komishanka ilaa haddana guddoomiyihiisa anigu maan Aqoonsan Gudoomiyahani ,waakii Rayaale waxa uu soo saarey markii loo dhiibayna waxaanu ku idhi anigu ma ogolaanayno, waxaanuna arkaynay in waxaasi ka soo socdaan. Waqtigan cusubina maaha tii Komishanka ee kii Madaxweyne Rayaale ayey soo wada saareen Jaamac (Guddomiyaha Komishanka), tallaabana waanu ka qaadi doonaa oo ilaa berri ayaan sheegi doonaa Komishanka gebigiisaba halkaanu ka taaganahay."Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.


Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu kahadl ey arintii dhawaan ku dhacdey isagoo kasoo noqdey Roobabkii Tog-Wajaale khasaaraha soo gaadhsiiyey oo uu utagey halkaasi waxanu Gudoomiyuhu sheegay in ay arintasi ku kooban tahey oo kaliya Askarigii iyo Xukuumada diratey balse, aan marnaba loo aaneyn karin dadweynaha reer Gabiley oo aanu qadiyad kuwada wadaagno aniguna ku jecelahey(Faysal ahaan)halka ay ka taagan yihiin qadiyada Somaliland waayo reer Gabiley iyo reer Ceerigaababa waxa soo marey tacadi adag oo ay udheerayd Halgankii ina soo marey abtiyaashood iyo jaarkii oo lagu direy.

 



SDWO