Waxa xalayto lagu qabtaySshir balaadhan oo lagu daah furay urur cusub oo la magac baxay *Ururka Haweenka Somaliland (SLWA)*, Xafladaas oo qurux badnayd waxa kasoo qaybgalay dad fara badan oo kakala yimid dacalada xaafadaha Magaaladan London.

 



London (TNN)-Waxa xalayto lagu qabtaySshir balaadhan oo lagu daah furay urur cusub oo la magac baxay Ururka  Hawee nka Somaliland (SLWA), Xafladaas oo qurux badnayd waxa kasoo qaybgalay dad fara badan oo kakala yimid dacalada  xaaf adaha Magaaladan London. Aayaado Quraana ka dib waxa hadalkii lagu wareejiyey Yasmiin Abokor oo ka mid ah haweenkii qaybta weyn ka qaatey sameynta ururkan cusub waxayna mahadnaq usoo jeedisay dadkii kasoo qaybgalay.

Fadumo (Amran) Bile Cali waa gudoomiyaha Ururkan Cusub ee URURKA HAWEENKA SOMALILAND (SLWA) waxay marlabaad usoo jeedisay mahadaq aad u qiimo badan dadkii kasoo qaybgalay xafladan lagu yagleelaayo ururkankan cusub, Waxa ay sheegtay in Somaliland ay meel wanaagsan marayso oo ururkanina uu la jaan qaadi karo horumarka uu dalkeenu  sameey ey ,Fadumo waxa ay sheegtay in ururka ujeedada aan u asaasnay ay tahay inaanu wixii aanu ka qaban karno ka qabano Haweenka iyo qoysaska tabaalaysan ee u bahan waxtarka,waxayna sheegtay inay ururo hore oo kuwan oo kale ah kasoo shaqeysay.

Casha Huseen Mareykan oo ah godoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Somaliland (SWLA) waxa ay soo jeedisay hadal aad u qiimo badan oo ka waramaaya ujeedada loo asaasay ururkan iyo baahida ka jirta Somaliland dhinac kastaba.Casha waxa ay mahadnaq usoo jeedisay Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) oo ay sheegtay inuu tageersan yahay in haweenka Somaliland lasiiyo saamigooda ,Casha wax kale oo ay sheegtay in ay  dhawaa n iska casishay Ururka siyaasiga ah ee UCID, taana ay ku macnaysay inay isu casishay wakhtigan inay wax ka qabato  arim aha bulshada oo ay ka jirto baahiyo badan,waxay soo qaadatey oo ay sheegtay in dumarku ay yihiin lafdhabarka  Somalila nd ayna doonayaan ururkoodu inay caawimo ka geystaan dadka Somaliland degan.

Waxa kale madasha ka hadlay haweenkale iyo weliba dad lagu soo casumay oo ay ka mid ahaayeen Odayaal iyo dhalinyaro intaba ,waxa kale oo ka hadlay qaar ma mid ah Haweenka ururkan madaxdiisa ah oo intuba sheegay in ay wIxii  karoonkoo da ah qaban donaan kula dardaarantay in dhamaan reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan la taageero Ururkan.

Waxa loo baahan yahay in ururada noocan oo kale ah ee u adeegaaya arimaha bulshada la gacan qabto xag walba haday noqoto dhaqaale iyo tageero intaba. waxa aynu ognahay in dalalka qurbaha ee aynu ku noolnahay ay haweenku doorweyn ka qaatan laguna tiriyo inay kharasha badan hayaan,kana naxariis badan yihiin raga.
 

 


Hamse Ahmed Salaan
London/UK
hamse100@gmail.com